Walax sida kubadda u samaysan oo layaab leh oo laga helay xeebaha dalka Japan

Walax aan caadi ahayn oo lagu arkay xeebaha Japan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Walax aan caadi ahayn oo lagu arkay xeebaha Japan

Walaxdan birta ah ee wayn ee u samaysan sida kubbada lagu dheelo ee laga helay magaala xeebeedka Hamamatsu ee dalka Japan, taas oo qiyaastii 200km koonfur galbeed kaga beegan magaalada Tokyo, ayaa dhalisay in dadku ay isla dhermaan war fara badan.

Mas’uuliyiinta maxalliga ah, booliska iyo kooxda bambooyinka ayaa loo diray xeebta Enshuhama si ay u baaraan shayga la garan la’yahay waxa uu yahay.

Waxa ay ogaadeen oo kaliya ayaa in birtan wareegsan ay faaruq tahay oo aanay haatan lahayn wax khatar ah, halka qaar kale uga shakiyeen in shaygan uu noqon karo walax biyaha iska dul-sabbaynayay.

Dadka deegaanka oo aad ula dhacay walaxdan ay arkeen ayaa durba bixiyay magacyo dhowr ah sida “Ukunta Godzilla”, “Mooring Buoy” iyo “outer space”.

Walax aan la garanayn

Warbaahinta bulshada ee Japan ee NHK ayaa baahisay muuqaal ay ka dhex muuqanayaan laba sarkaal oo dhinacyada ka taagan bir daxalaysatay oo la eg 1.5 mitir oo taal xeebta Enshuhama.

Walow mas'uuliyiintu ay meesha ka saareen in walaxdan ay dhibaato keeni karto haddana waxa ay xireen aagga ay ku soo caarisay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Walow mas'uuliyiintu ay meesha ka saareen in walaxdan ay dhibaato keeni karto haddana waxa ay xireen aagga ay ku soo caarisay

Qof halkaas daris la ah ayaa markii hore wargeliyay booliska kaddib markii uu arkay shaygan aan caadiga ahayn ee xeebta ku soo caariyay.

Mas’uuliyiinta ayaa xiray goobta, waxaana ay sawirro ka qaadeen walaxda, inkastoo aanay arrintaasi wax badan ka soo bixin, marka laga reebo in walxahaasi aanay wax dhibaato ah geysan karayn.

Qof xeebta ku ordayay ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay inuu la yaabay walaxdaas isagoo ku andacooday in meesha ay muddo taallay.

"Waxaan isku dayay inaan riixo laakiin waan dhaqaajin-waayay," ayuu u sheegay NHK.

Mas’uuliyiinta maxalliga ah ayaa tilmaamay in walaxdaasi ay dhawaan ay halkaasi ka qaadi doonaan.

Xiisad siyaasadeed

Qoraalka Muuqaalka, Kubad weyn oo aanan la garanayn waxa ay tahay ayaa laga helay xeebta koonfur-galbeed ee Tokyo
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Helitaanka waxyaabaha noocaas oo kale ah ayaa shaki dhaliya, balse tani waxa ay ku soo beegmaysaa xilli uu jiro walaac laga qabo walxaha aan la garanayn waxa ay yihiin ee la helo kaddib markii horraantii bishan uu Mareykanku qarxiyay buufin uu lahaa Shiinaha oo looga shakisan yahay inuu wax basaasayay.

Arbacadii la soo dhaafay, dowladda Japan ayaa ku wargelisay dhiggeeda Shiinaha sida ay uga walaacsan tahay buufinno wax lagu ogaado oo ay ugu yaraan saddex jeer tan iyo 2019 ku aragtay hawadeeda.

Waxay ahayd eedayntii ugu horreysay ee nooceeda ah oo ka timaadda Tokyo kana dhan ah Beijing, taas oo beenisay inay fulinaysay hawlo basaasnimo.

Wasiirrada gaashaandhigga ee labada dal ayaa muddo afar sano ah kaddib Arbacadii kulan ku yeeshay wadahadaladii ugu horeeyay ee heer sare ah oo dhanka amniga ah oo dhexmara labada dal.

Labada dhinacba waxa ay isku afgarteen inay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa khad ay labada dhinac ka wada xiriiraan.