Maxay al Qaacida u weerartay dalka Spain 20 sano ka hor oo u baab'isay shacab badan?

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Aroor hore, subaxii ay bisha March ahayd 11 sanadkii 2004 tii, afartii tareen ayaa ku qarxay dhawr meelood oo kala duwan oo ka tirsan magaalada Madrid, xilligaas oo ay ahayd saacad saxmad badan oo shaqooyin loo kala ordayay ayay wadeen boqolaal ruux oo dad ah oo u socday bartanka magaalada.
Masawirada maydad dul yaalay wadada tareen iyo shaqaalaha gargaarka degdeg ah oo la tacaalayay dhaawacyo tiro badan ayaa naxdin ka abuuray dalka Spain oo dhan, arrintaas ayaana wali ah xasuus ay maanka ku wada hayaan dhamaan dadka reer Spain ilaa iyo maantadaan aan joogno.
Qaraxyada oo ay maleegeen y koox jihaadiyiin ah oo ku marqaamay fariimihii al Qaacida, ee uu diri jiray hugaamiyahoodii Osama Bin laden ayaa galaaftay nolosha 192 ruux halka ay dhaaweceen ku dhawaad 2,000 oo qof.
Qaar ka mid ah kuwii ka dambeeyay weeraradaas ayaa isku qarxiyay guri ku yaalay banaanka magaalada Madrid, ka dib markii ay hareereeyeen ciidamada booliska.

Xigashada Sawirka, BRUNO VINCENT/GETTY
Kuwa kalana waa la qabtay iyaga oo ku danbeeyay xukun maxkamadeed oo madaxaa haku furto ah.
Wax ka yar saddex sano, ka dib weerarkii dhulka la simay daarihii mataanaha ee Maraykanka ee dhacay 11 kii bishii September ee sanadkii 2001 dii, waxaa cududooda muujiyay islaamiyiin, dagaal doon, asal raac ah oo doonayay inay argagax ku asqeeyaan dunida reer Galbeedka.
11-M, waxa uu ahaa weerarkii ugu dhiig daadashada badnaa ee ka dhaca dhulka Yurub qarnigaan, kaas oo haatan isu rogay taariikh xanuun badan oo labaatan jirsatay oo isii gudubtay jiilasha soo kacay.
Dhinaca al Qaacida, weeraradaas waxay u arkeen guul wayn, saameynta ay yeesheen darteed, iyaga oo arkayay in ay argagax ku fidiyeen dhul balaaran, sidaas daraadeed warar kala duwan oo ay dhawr jeer soo saareen ayay ku sheegteen masuuliyadiisa.
Maxay al Qaacida weerarkaan uga riday Spain?
Waxaa jira fikrado badan oo ku hareereysan arrintaan. Balse sida lagu daabacay cilmi baaris la qoray, qorshihii lagu weeraray Spain waxaa iska lahaa nin u dhashay Marooko oo lagu magacaabo Amer Azizi kaas oo doonayay in uu ka aarguto hawlgallo argagixiso la dirir ahaa oo ka socday gudaha Spain iyo sidoo kale burbur ku yimid koox uu isagu madax u ahaa.
Al Qaacida oo xilligaas oo dooneysay in ay laamo kala duwan oo iyada ku sii hoos nool sameysato ayaa qaadatay qoshihii Azizi, isaga waxa uu si toos ah u siiyay awaamiirtii weerarka kooxdii fulisay ee uu madaxda u ahaa.

Xigashada Sawirka, CASIMIRO MORENO/GETTY
Ma dhabaa in dawladdii Spain ee xilligaas jirtay ay go’aansatay in ay ku biirto hawlgalkii Maraykanku hugaaminayay ee Ciraaq?
Waxaa la sheegaa in ayarrinkaasi ka mid yahay waxyaabihii bartilmaameedka ka dhigay Spain. Al Qaacida ayaa mar walba waxay bartilmaameedsan jirtay saaxiibada Maraykanka, sida israa’iil, maadaama ay Spain ciidamo u dirtay Ciraaq ayuu Usama Bin Laden si qaas ah u beegsaday Spain qorshaha weerarkana macno ugu yeeshay isaga. Balse warar kale ayaa qaba in qorshaha weerarka uu kaba horeeyay waxaas oo dhan, ayna la yimaadeen shaqsiyaad dano kale oo cad lahaa.
Ma waxaa jira waxyaabo anfacay wacyiga dunida la dagaalanka argagixisada oo laga dhaxlay weerarkii 11-M?
Hal arrin oo cad oo laga dhaxlay weerarkaas ayaa ah in la sameeyo iskaashi caalami ah oo lagu wajaho fal walba oo ka baxsan waxyaabaha dhaafsiisan curfiga la isla yaqaano. Bishii Maarso 11 keedi waxaa cadaatay in ay jirto wado lagu hormarin karo iskaashiga gudaha Yurub iyo xitaa wadamada dibadda ka ah qaaradda.
Iyada oo la tixgalinayo in inta badan kooxdii gaysatay weerarkii 11-M ay ka soo jeedeen wadamada Wuqooyiga Afrika, gaar ahaan dalka Marooko, ayaa waxaa diiradda la saaray in la sameeyo iskaashi xoogan oo dhexmara wadamada xuduud wadaagga ah ee Spain u dhaw kaas oo ah mid looga hortagayo dhaqdhaqaaqyada aragagixisada. Sababtaas darteed ayaa loo arkayay tiro hawlgallo wadajir ah oo ay Marooko qayb ka tahay oo dhacay sanadihii ugu dambeeyay. Hawlgalladaas ayaana noqay kuwa joogto ah kadib weerarkii 11-M.













