Muxuu yahay dhoolastuska kulmiyay milatariga 23 dawladood oo Soomaaliya ay ku mataleen kumaandoosta Danab?

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay Madaxtooyada kulan casho ah kula qaatay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab, kuwaasoo dhowaan ka qayb galay dhoola-tus militari oo ciidamo ka socday 23 waddan ay ku sameeyeen dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey xirfadaha sare ee ay soo bandhigeen iyo sumacadda ay usoo hooyeen qarankooda, isaga oo kula dardaarmay "in ay u dhaqaaqaan xoreynta dalka".
Sida ay baahisay bilowgii bishii Febraayo majalada arimaha militariga ka waranta ee Dvidshub , Kenya ayaa martigelisay mid ka mida dhoolatuskii ugu weynaa ee Taliska Mareykanka ee Afrika uu ka fuliyo Bariga Afrika.
Dhoolatiskan ayaa socday dhmaaadkii bishii Febraayo ilaa bilowgii bisha. Maarso.
Carbiskan ciidan oo ka dhacay dalka Kenya, waxaa militariga Soomaaliya uga qayb galay ciidamo ka tirsan guutada kumaandoosta Danab, oo ah ciidan si gaara u tababaran kana mid ka ah ciidanka xooga dalka Soomaaliya sida uu xilligaas BBC-da u xaqiijiyey wasiir xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya Cabdirixmaan Yuusuf Alcadaala.
‘‘Waxay tani muujinaysaa in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu maqaamkoodu kor u kacay, ayna hadda si la mida sida dhigagooda aduunka ay u dhaqmaan, oo ay u socdaan waa wax horumara” ayuu BBC da u sheegay wasiir Cadaala.

Xigashada Sawirka, US
Dhoolatuskan waxaa hogaaminayay ciidamada Maraykan ee US Army Southern European Task Force, Africa (SETAF-AF), kaas oo sanadkan kulmiyay ilaaa kun askari oo ka kala socday dalalka ka qayb galay, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya.
Wasiir, Cadaala wuxuu BBC-da u sheegay in si weyn loo diyaariyey ciidanka Soomaaliya ugu qayb galaya dhoolatuska, kuwaas oo sheegay in laga sagootiyey dalka si ay waajibaadkaas uga qayb galaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
‘‘Dabcan waa ciidan xirfad sare leh oo xirfadooda lagu xulay oo si fiican loo diyaariyey, sidoo kale si fiican ayaa loo sagootiyey si fiicana waa loola dardaarmay, ciidan khibradooda, akhlaadooda, muuqaalkooda intaba magaca Soomaaliyeed iyo dalkaba matali kara weeye, una diyaarsan xifradaha iyo khibraha militari ee looga baahan yahay,” ayuu intaas ku daray wasiir Cadaala.
Layliska ayaa ka dhacay xarunta Nanyuki ee La-dagaalanka Kacdoonada, Argagaxisada iyo Hawlgallada Xasilinta (CITSO), halkaas oo ciidanka difaaca Kenya ay martigelin doonaan layli tababar goobeed oo caalami ah - tababaro hawlgal oo magaalo ah.
"Heshiiska wuxuu muujinayaa rabitaanka Mareykanka iyo wadamada saaxiibka ah si ay u kordhiyaan diyaargarowga iyo wadashaqeynta marka ay timaado amniga gobolka iyo ka jawaabstaa xasaradaha," ayuu yiri F. Austin Blessard, madaxa dhoolatuse ee SETAF-AF.
Dhowr cutub oo ka kala socda qaybaha ciidamada Maraykanka ayaa layliga kala qayb galay. Ciidamo ka socda Ingiriiska ayaa iyana khibrad iyo xeeladeed siiyay koox ka kala socotay dalalka Kenya, Djibouti, Somalia iyo Tanzania.
Maxay yihiin ciidanka Danab ee Soomaaliya uga qayb galay dhoolatuska?

Xigashada Sawirka, DANAB MEDIA
Danab waa kumaandooskii ugu horraysay ee Soomaaliya ay yeelato tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka, sannadkii 1991.
Dowladda Mareykanka ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii 2013-kii billowday tababarka ciidamada Danab, waxaana xilligaas lagu bilaabay hurin 105 askari ahayd.
Sida saraakiil dowladda ah laga soo xigtay ay sheegeen, ujeeddada loo sameeyay ciidanka ee xilligaas waxay ahayd in la hirgeliyo ciidan isku dhafan oo kumaandoos ah, waxaana lagu asaasay saldhigga ciidamada cirka ee Belidogle ee degmada Wanlwaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamadii ugu horreeyay ee Danab waxay tababarka dhameysteen sannadkii 2014-kii.
Sida ay BBC Somali u sheegeen saraakiil Danab ka mid ahayd, askeriga ku biiraya ciidanka Danab, waxaa la marsiiyaa baaritaan qoto-dheer oo lagu ogaanayo shakhsiyaddiisa, gaar ahaan in uu horay usoo noqday ciidan, in uu dembi soo galay iyo inkale, in uu mar uun ka mid noqday kooxaha Islaamiyiinta ah, in uu ku lug lahaa xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ah iyo waxyaabo kale oo lagu hubinayo askariga tayadiisa.
Kumaandooska Danab waxaa saldhigga Balidogle ku tababara ciidamada Mareykanka ee ku sugan goobtaas, kana tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Africa.
Sidoo kale saraakiisha kumandoosta Danab, gaar ahaan kuwa hogaamiya dagaalka ayaa lagu soo tababaraa dalal dibadda ah oo Mareykanka uu ka mid yahay, halkaas oo ay ku soo qaataan tababarro dheeraad ah oo la xiriira hoggaaminta ciidanka xilliyada dagaalka.













