Shacabka iyo hoggaanka gobolka Waqooyi Bari kenya oo ka carooday laba Geri oo deegaankooda laga qaaday

Xigashada Sawirka, Mohammed Adow
Isbahaysiga Ilaalinta duur-joogta ee gobolka Waqooyi Bari kenya, ayaa ku eedeyay hay'adda duur-joogta kenya in si sharci darro ah ay laba Gari uga qaadeen is maamulka Wajeer loona wareejiyay xarun gaar ah oo ku taal Nanyuki oo ay samaysay Hay'adda Duurjoogta Kenya ee KWS.
Tallaabadaan waxaa si adag u cambaareyay hogoggaanka iyo dadka Waqooyi Bari Kenya, iyagoo sheegaya in arrintaan ay tahay mid dano gooni laga leeyahay.
Dhankeeda Hay'adda duur-joogta Kenya ayaa ku doodaysa in ay halkaasi abaari ka jirto isla markaana labadan Gari ay gacanta ugu jireen dad shacab ah. Hase-yeeshee mas'uuliyiinta waaxda duur-joogta ee Waqooyi Brai kenya ayaa ku baaqaya in la soo celiyo Gerigaas maadaama kuwa badan ay weli joogaan Wajeer.
Hadal haynta arrintaan ayaa qabsatay baraha bulshada, waxaana dadka is waydiinayaan sababta laba Gari oo kaliya loo bartilmaameedsaday oo loogu qaaday deegaanka Nanyuki.
Halkaan ka dhageyso Sharmaake Maxamed Sheekh oo ah madaxa Iskaashatada ilaalinta duur-joogta Waqooyi kenya oo BBC-da uga warramay sida wax u jiraan







