Shaqaalaha Hay'adda USAID oo farriin kale helay kaddib go'aankii Trump

Kumanaan shaqaale ah oo ka tirsan Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ayaa la fasixi doonaa laga bilaabo fiidnimada Jimcaha, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay hay'adda.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in amarkan uu saameyn doono dhammaan shaqaalaha sida tooska ah loo shaqaaleysiiyey, marka laga reebo kuwa ka shaqeeya "hawlaha muhiimka u ah howsha hay'adda, hoggaanka sare, iyo barnaamijyo cayiman oo si gaar ah loo asteeyay."

Tani waxay daba socotaa go'aanno badan oo Madaxweyne Donald Trump uu ku jaray miisaaniyaddii barnaamijyada dowladda Maraykanku maalgeliso tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska bishii hore.

Xukuumaddiisa waxay sheegtay in USAID ay lacag badan khasaarinayso isla markaana ay u baahan tahay inay la jaanqaado siyaasadaha cusub dowladda.

Go'aankii hore ee Trump ee ahaa inuu hakiyo kaalmada dibadda ayaa carqaladeeyay nidaamka caawinta caalamiga ah, iyada oo saameyntiisa laga arkay dalal ay ka mid yihiin Syria iyo Afghanistan.

Bayaan lagu daabacay website-ka USAID Talaadadii ayaa lagu sheegay in hay'adda ay la shaqeyn doonto Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka si ay u qorsheeyaan una bixiyaan kharashka dib-u-celinta shaqaalaheeda badan ee debedda ku maqan, muddo bil gudaheed ah.

Shaqaalaha ka mid noqon doona kuwa laga reebayo amarka fasaxa ayaa lagu wargelin doonaa kahor 15:00 EDT (20:00 GMT) Khamiista.

Bayaanka ayaa kusoo xirmay farriin kooban oo ahayd: "Waad ku mahadsan tihiin adeeggiinna."

Hay'addan, oo bixinaysa gargaar bani'aadamnimo in ka badan 100 waddan, waxay shaqaaleysiisaa ilaa 10,000 oo qof guud ahaan caalamka, iyadoo ku dhawaad laba-meelood saddex ka mid ah shaqaalahaas ay ka shaqeeyaan dibadda, sida uu sheegay Congressional Research Service.

Maadaama qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay ka shaqeeyaan dalal ay colaado ka jiraan, weli lama caddeyn sida loo fulin doono qorshaha dib-usoo-celinta shaqaalahaasi.

Tan iyo markii uu mar kale xafiiska la wareegay bishii hore, Madaxweyne Donald Trump iyo xulafadiisa waxay mudnaanta siiyeen dhimista miisaaniyadda dawladda, iyadoo USAID uu noqday bartilmaameedka ugu weyn.

Horraantii toddobaadkan, Marco Rubio, oo ah diplomaasiga ugu sarreeya xukuumadda Trump, ayaa loo magacaabay ku-simaha madaxa USAID iyadoo qayb ka ah wararka sheegaya in hay'addan lagu hoosgeynayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Tallaabadan ayaa dhalisay su'aalo sharci iyo dastuur ku saabsan, iyadoo xildhibaanada Dimuqraadiga ah ay ku tilmaameen mid "sharci-darro ah oo ka hor imaanaysa dastuurka." Waxaa jira shaki laga qabo in maamulka Trump uu haysto awood uu ku joojiyo barnaamijyadan iyadoo aan lala tashan Kongareeska.