Maxaa Kajira in dowladda Soomaaliya ay codsatay in dib loo dhigo bixitaanka ciidamada ATMIS?

Xigashada Sawirka, AFP
Dokumentiyo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dib u eegis lagu sameeyo jadwalka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee Afrikaanka ah ee ATMIS.
La taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa u sheegay BBC in wax-ka-bedelka jadwalka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta inay tahay mid farsamo, isaga oo ka badbadin ku tilmaamay in qorshahan la xiriiro cabsi laga qabo dib usoo kaca Shabaab.
Waxa uu ku tilmaamay qorshaha in uu yahay mid looga fogaanayo faaruq farsamo xilliga kala-guurka.
Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa waxaa ka go'an in ay dalka ka baxaan 31-ka December 2024, markaas oo la filayo in ciidamo cusub oo tiro yar lagu bedelo.
Warqad ay bishii hore Soomaaliya u dirtay ku-simaha guddoomiyaha Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika, ayay xukuumaddu kaga codsatay in illaa bisha Sebtembar dib loo dhigo xilliga ay dalka ka baxayaan kala bar Afarta Kun ee askari la qorsheeyey in ay baxaan dhammaadka bishan June.
Midowga Yurub iyo Mareykanka, oo ah maalgeliyayaasha ugu sarreeya ee ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa isku dayay in la dhimo howlgalka Nabad Ilaalinta sababo la xiriira walaac ku saabsan maalgelinta muddada fog iyo sii jiristiisa.
Saddex ka mid ah ilo-diblomaasiyadeed ayaa sheegay in wada xaajoodyada ku saabsan ciidan cusub ay noqdeen kuwo adag, iyadoo Midowga Afrika ay markii hore gadaal ka riixaysay qorshe ka duwan kan ay Soomaaliya doonayso.
Maxamed El-Amine Souef, oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa ATMIS, ayaa sheegay in aysan jirin waqti go’an oo lagu soo gabagabeynayo wada xaajoodyada balse dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay heshiis gacan ka geysanaya in la helo nabad iyo ammaan waara.
"Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay hoos u dhigista shuruudaha si looga hortago wax kasta oo dhibaato amni ah keeni kara," ayuu u sheegay Reuters.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa kulan ka leh codsiga Soomaaliya ee wax-ka-bedelka jadwalka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta.
La taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in wax-ka-bedelka xilliyada bixitaanka nabad ilaalinta ay la xiriirto iswaafajinta qorshaha ciidamada bedeli doona ATMAS iyo bixitaanka nabad-ilaaliyayaasha Midowga Afrika si looga fogaado faaruq farsamo.
Wel-welka deriska
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Uganda iyo Kenya oo ciidamo ku caawiyay howlgalka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay.
Henry Okello Oryem, oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Uganda, ayaa sheegay in inkastoo dadaallo xooggan oo dhanka tababarrada ah ay sameeyeen, haddana aysan ciidamada Soomaaliya sii wadi karin iska hor-imaad ciidan oo muddo dheer socda.
"Ma dooneyno inaan galno xaalad aan wanaagsaneyn iyo nooca wax aan ku aragnay Afgaanistaan," ayuu u sheegay Reuters.
Oryem ayaa sheegay in Kenya ay aqbashay hoos u dhigista ay codsadeen Mareykanka iyo Midowga Yurub balse ay tahay in la maqlo walaaca dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa bishii hore warfidiyeenka ugu sheegay magaalada Washington in ka bixitaan aan lagu xisaabtamin shuruudaha dhulka ay la macno tahay “argagixisadu in ay la wareegi doonaan Soomaaliya”.
Isagoo ka jawaabaya su'aalaha, afhayeen u hadlay Midowga Yurub wuxuu sheegay inay diiradda saarayaan dhisidda awoodaha amniga gudaha, ayna taageerayaan mabda'a ahaan soo jeedinta dowladda Soomaaliya ee howlgallada cusub oo la dhimi doono baaxadda.

Xigashada Sawirka, ATMIS

Xigashada Sawirka, ATMIS
Taageerada caalamiga ah
Ammaanka Soomaaliya waxaa gacanta ku haya kheyraad shisheeye tan iyo markii ay Itoobiya soo gashay 2006-dii, markaas oo ay meesha ka saartay maamul ay Islaamiyiintu hormuudka ka ahaayeen.
Maraykanka ayaa in ka badan 2.5 bilyan oo dollar ku kharash gareeyay kaalmada la dagaallanka argagixisada tan iyo sanadkii 2007-dii, sida lagu sheegay daraasad ay samaysay jaamacadda Brown sanadkii hore. Tiradaas kuma jiraan kharashaadka militariga iyo sirdoonka aan la shaacin ee ku baxa dhaq-dhaqaaqyada sida duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hawlgalinta ciidamada dhulka ee Maraykanka.
Midowga Yurub ayaa sheegay in ilaa 2.8 bilyan ay siiyeen ATMIS iyo kuwii ka horreeyay tan iyo 2007-dii. Turkiga, Qadar iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ayaa sidoo kale bixiya kaalmo xagga amniga ah.
Maalgelinta howlgalka cusub waxaa si rasmi ah wax looga qaban karaa marka ay Soomaaliya iyo Midowga Afrika ku heshiiyaan baaxadda la soo jeediyay iyo waajibaadka loo igmaday.













