Nidaamka toogashada loo maro Itoobiya iyo sida ay isu shabahaan kan Soomaaliya

.

Soomaaliya qofku marka dil uu gaysto ee maxkamadi ku riday xukun, waxaa la geeyaa goob fageere ah waxaana lagu toogtaa rasaas noolnool.

Nidmaamka toogashada ee nuucaas ah ayaa ah mid laga soo dheegtay diinta, sida ay horay u sheegeen culimada diinta iyo maxkamadaha Soomaaliya intaba, waxaana la maraa Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo kan shareecada Islaamka.

Go'aan maxkamadda kadib ayaa waxaa saxiixa fulinta falka madaxweynaha dalka. Sida oo kale nidaamkaas mid la mid ah ayaana la raaca Itoobiya.

Balse dadka Itoobiya qaar ayaa dhaliila nidaamka loo maro toogta ee la mid ka ah kan Soomaaliya..

Barafirsoor jaamacadeed oo sharciga ka dhiga jaamacadda Addis Ababa oo lagu magacaabo Mehari Radaei, ayaa ka mid ah dadka dhaliilsan.

"Waa arrin siyaasadeed" in madaxda qaranku ay go'aan ka gaaraan ciqaabta dilka, ayuu yiri Associate Baroofesar Mehari.

toogasho

Xigashada Sawirka, NURPHOTO

Mar haddii ay arrintu tahay arrin la xidhiidha qof bini’aadam ah noloshiisa way adkaan kartaa haddii go’aan lagu gaadho oo la fuliyo keliya in la eego qodobada. . . . Waa inaan loo dayn maxkamadaha oo keliya. Waxay ila tahay inay ka dhalatay in la yidhaahdo mar haddii madaxa qaranku yahay wakiilkii dalka waa la ansixiyay ilaa halkaas waa in la go’aansadaa.

Ka qaybgalinta qaranka ee go’aankan waxa uu yeelan karaa saamayntiisa. Haddii uu jiro madax dowladeed oo leh ma aaminsani xukunka dilka ah, waxaa suurtagal ah in qofka dilka lagu xukumay la sii hayo iyadoo aan go'aanka la fulin.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Waxaa jira dib-u-dhacyo badan iyo isdiidsiin badan oo ku aadan in madaxa wadanku ansixiyo dilka isagoo xukunku jiitamo sababo cagajiidnimo darteed” ayuu yidhi aqoonyahanka arrimaha sharciga ah waxuu xusay "Tusaale ahaan markii madaxweyne Girma Wolde-Giorgis uu xukunka hayay wax badan ma uusan ansixin sababtoo ah wuxuu lahaa falsafad u gaar ah. " Ma xasuusto [waqtigii] ay sidoo kale Madaxweyne Sahlework ansixisay. Sidaa darteed, ma jiro go'aan maxkamadeed oo keliya, laakiin sidoo kale waxaa jira go'aan shakhsi ahaaneed. . . Uma maleynayo in ciqaabta lagu fulinayo."

Marka ay maxkamadi go'aansato in eedaysanuhu uu mudan yahay in la dilo oo ay go'aankan gaarto, haddii qofka mas'uulka ka ahi ansixinta xukunka uu u oggolaan waayo sababo kala duwan, xukunka lagu riday qofka lama fulin doono, laakiin wuxuu noqonayaa sabab lagu sii joogo.

Si kastaba ha ahaatee, warbixin ay BBC du heshay ayaa tilmaameysa in 25-kii ilaa 30-kii sano ee la soo dhaafay ay dhaceen xukunno aan badneyn inta la ogyahay, laakiin ay dhacday in la fuliyay qaarkood.

Tusaale ahaan, waxa uu u xusay barafisoor Itoobiyaan ah oo BBC da la hadlay in uu xasuusan yhay mar la soo qabtay rag Shabaab ahaa oo uu sheegay in toogasho lagu fuliyay. Ragaas ayuu sheegay in ay weeraro ka geysteen meelo ay ka mid yihiin Diredawa ama Jigjiga.

sariirta cirbadda dilka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, sariirta cirbadda dilka

Amnesty International ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ciqaabta dilka ah ay sii kordhayso adduunka oo dhan. Waxay sheegtay in 1153 xukun dil ah la diiwaan galiyay sanadkii tagay ee 2023-dii oo qudh ah.

Tiradaan ayaa ka dhigan korodh boqolkiiba 31% marka loo eego 883 xukun oo dil ah oo dhacay sanadkii 2022. Amnesty ayaa sidoo kale diiwaan gelisay sanadkii 2015 in ay dhaceen 1,634 dil, taasoo ka dhigaysa sanadka 2023 kii dilalka la fuliyay ay ugu badnaayeen.

Shanta wadan ee ugu sareeya dilalka ay dowladdu fuliso ayaa ahaa sanadkii 2023, Shiinaha, Iiraan, Sacuudiga, Soomaaliy iyo Maraykanka.

Xukunnada dilka ah ee ay fuliyaan wadamada Saxaraha Afrika ka hooseeya ayaa sarre u kacay 11 oo ay ahaayeen 2022 iyaga oo gaadheen 38 xukun dil ah – dhammaan xukunadaan dilka ah ee la diiwaan geliyay ayaa ka dhacay Soomaaliya sida ay sheegtay Amnesty International.

Dhanka Itoobiya xukunnada dilka ah ee ka dhaca dalka Itoobiya Amnesty mayna shaacin, waxaase la weriyay in xukunno dil ah ayka dhaceen gudaha Itoobiya marar kala duwan.

Wadamo kala duwan ayaa isticmaala habab kala duwan marka ay timaaddo fulinta ciqaabta dilka. Sida lagu sheegay warbixinta Amnesty 2023 waxaa jira afar qaab oo dil ah oo la yaqaan, Sacuudi Carabiya waa dalka kaliya ee fuliya xukunka dilka ah ee qoorta laga gooyo qofka.

Sannadkii hore, toddobo waddan ayaa fuliyay xukunka dilka ah ee deldelaadda, lix toogasho, iyo saddex lagu muday irbadaha wax dilaya.

Itoobiya “haduu askari yahay waa la toogan doonaa waana la dilayaa”. Haddiise ay tahay madani, sharcigii waagii boqorkii Itoobiya wuxuu dhigayaa in meel fagaare ah lagu daldali doono. Laakin sharciyadii ka dambeeyay ayaa sheegaya in lagu daldali doono xabsiga dhexdiisa,” Barofeesar Mehari.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in laga wada tashado sidii loo dhaqan gelin lahaa waxyaabo kale oo ka baxsan maadaama ay tahay fal ka baxsan bini’aadantinimada in lagu ciqaabo maxaabiista dilka ku xukuntay.

Waxaa jira arrimo badan oo ku saabsan ciqaabta dilka. Mid waa habka ay bulshadu u go'aamiso dambiyada lagu soo eedeeyay.