Muxuu yahay ballanqaadka ay samaysay Naadiya Maxamed markii loo dhaarinayey duqa magaalada St. Louis Park

Xigashada Sawirka, Nadia Mohamed/X
Golaha deegaanka ee magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa u dhaariyay Naadiya Maxamed oo 27 jir ah inay noqoto duqa magaalada, labo bilood ka dib markii ay taariikhda gashay iyadoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Mareykan ah oo ay codbixiyeyaashu u doorteen duqa magaalo.
Naadiya Maxamed ayaa heshay 58% codadkii la dhiibtay si ay ugu guulaysato doorashadii duqa magaalada ee bishii November ee sanadkii hore ee 2023-kii.
Sidoo kale waa qofkii ugu da’da yaraa, waana qofkii ugu horeeyay ee Muslim iyo Madaw ah oo loo doorto duqa magaalada, balse waxay sheegtay inay doonayso in lagu aqoonsado wax ka badan intaas oo ay sameeyo waxqabad muuqada.
"Aqoonsigaygu waa qayb ka mid ah sheekadeyda, waan ku faanayaa wax kasta oo aan ahay, laakiin ma rabo inay taasi noqoto sheekada kaliya. Ma doonayo in taasi ay noqoto meesha ay dadku joojiyaan wada sheekaysi” ayay tir Naadiya Maxamed oo la hadashay KARE TV oo fadhigiisu yahay Minneapolis.
Qaar ka mid ah arrimaha muhiimka ah ee ay doonayso inay wax ka qabato duqa magaalada ayay ku tilmaantay in ay yihiin ammaanka iyo arrimaha guryaha, oo dadka ay kala shaqeyn doonto helidda guryo la awoodi karo.
Sanadkii 2019-kii ayaa Naadiya Maxamed horey loogu doortay in ay xubin ka noqoto golaha deegaanka ee magaaladaasi.
Qoyska Naadiya Maxamed ayaa dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay Soomaaliya ka dib waxaa ay u guureen Minnesota iyagoo ka soo guuray xerada qaxootiga Kaakuma ee Kenya iyadoo 10 jir ah.
Sannadkii 2021, Deeqa Dhalac ayaa loo magacaabay duqa magaalada South Portland ee gobolka Maine waxaana auy noqtay Soomaali-Maraykan ah oo xillkaasi qabta .

Xigashada Sawirka, SIYAAD SACIID
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Faadumo Nuur Barqadle oo ah hooyada Naadiya oo BBC-da la hadshay ayaa sheegtay inay kedis ku noqotay guusha gabadheeda.
“Farxad darteed inaan buubo ayaan ku sigtay” ayay tiri.
Waxay sheegtay in Naadiya ay juhdi iyo dadaal badan gelisay doorashada, isla markaana ay tahay qof bulshada kasbata.
“Naadiya waa qof karti badan, furfuran, soo dhoweys badan, dadku isugu mid yihiin. Qof dadka caawiso oo ah qofka tusaalaha u ah ilmahayga,” ayay tiri.
Naadiya oo la dhalatay afar walaalo ah, waxay ku dhalatay dalka Kenya oo reerkoodu ay qaxootinnimo ku joogeen.
Waxay qoyskeedu St. Louis Park yimaadeen iyadoo 10 sano jir ah.
“Hooyadey waxay kasoo qaxday Soomaaliya, Kenya ayayna timid. Labada dalba maaheyn meel ilmo lagu korsan karo. Halkan ayay nagu korisay, waxyana dooneysay inaan nolol fiican iyo waxbarasho helno,” ayay tiri.
“Naadiya habeen iyo maalin ma seexaneyn. Waxay isku wadday howlo badan. Dad badan ayaa sidoo kale garab ku siiyay,” ayay tiri.
Waxay intaas ku dartay in Naadiya ay siyaasadda ku biirtay xilli hore ayna lasoo shaqeyneysay booliiska, sidaasna ay ugu dhalatay inay ku biirto siyaasadda.
Naadiya, keliya Soomaalida ma caawin, balse waxaa sidoo kale garab taagnaa duqii hore ee magaalada ay hadda ku guuleysatay, ee Jake Spano, iyo sidoo kale bulshada kale ee magaaladaas ku nool.
Dadka Soomaaliyeed ayaa ah kuwa tariikha ka sameeynaya dalka Mareykanka iyo guud ahan dalalka kale Caalamka
Ilhaan Cumar, ayaa taariikh dhigtay ka dib markii sanadkii 2018 ay ka mid noqotay Kongareeska Mareykanka, waxayna sidoo kale noqotay xildhibaanaddii ugu horreysay ee Soomaali.













