Maxay doomaha waaweyn ee raaxadu ugu soo badanayaan adduunka?

Xigashada Sawirka, Amer
Ganacsigu raaxada ee adduunka ayaa sii baahaya oo kobcaya si gaar ah, doomaha iyo maraakaabta dalxiiska ee loo yaqaan superyachts-ka, iyadoo dadka hantida badan leh ay raadinayaan doomo waaweyn oo u eg qasriyo biyaha dul sabeynaya.
Paola Trifirò waxay wax badan ka taqaan doomahan casrigaa— iyada iyo seygeeda waxay lahaayeen in ka badan toban doonyood sannadihii la soo dhaafay. Lamaanahan Talyaaniga ah, oo hantidooda ku helay xirfaddaas sharciga, welina maamula shirkad sharci ah oo caalami ah, waxay ku raaxaystaan inay adduunka ku dul maraan doonyo heer sare ah.
Ms Trifirò waxay doonyahooda ku sheegtaa inay la mid yihiin hoteello shan-xiddigle ah oo sabeynaya, kuwaasoo dhererkoodu gaadhi karo in ka badan 50 mitir (164 feet). Waxay sidoo kale jeceshahay inay ka qayb qaadato habka naqshadeynta doonta.
Shuruud muhiim ah oo ay ku adkaysato waa in cunto kariyeyaasha doonta ay helaan meel ballaadhan oo jiko ah, si ay ugu diyaarshaan cuntooyin heer caalami ah ilaa 15 qof.
Waxay ku sababaysay sidan:
"Haddii aad caado u leedahay inaad si fiican wax u cunto, meel kasta oo dunida ka mid ahna ma yaallaan makhaayado heerkaas gaadhi kara."
Waxay sidoo kale sheegtay in cabbirka weyn ee doonidu uu yahay mid dejinaya dareenka .
Laakiin waa maxay doomahan loo yaqaan superyacht dhab ahaantii?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inkastoo aysan jirin qeexitaan rasmi ah oo caalami ah, majallada Boat International waxay superyacht ku tilmaantaa "doon raaxo ah, gaar loo leeyahay, dhererkeeduna yahay ugu yaraan 24 mitir, waxaana shaqaale u ah koox xirfadlayaal ah."
Majalladu waxay sidoo kale sheegtay in iibka doonyahan raaxada leh uu si xad dhaaf ah u kordhay kaddib xilligii Covid-19. Markii dadkii hantiilayaasha ahaa aysan u safri karin hoteelladii raaxada ee xidhmay, badankood waxay u wareegeen superyachts, oo noqday xarumo ay si gaar ah ugu raaxaystaan.
Sida laga soo xigtay tirakoobyada Boat International, sanadkii 2022 waxaa la sameeyey ama la dalbaday 1,024 superyachts oo cusub — taasoo koror ah 25% marka loo eego 2021, waxayna ahayd heerkii ugu sarreeyay abid markaas. Tiradaas ayaa markale korodhay 2023, iyadoo la gaaray 1,203 doonyood, taasoo noqotay rikoodh cusub.
Barbara Armerio, oo ka mid ah milkiilayaasha shirkadda reer Talyaani oo ah qoyska leh ee sameeya superyachts-ka la yiraahdo Amer, ayaa tiri:
"Kadib faafiddii cudurka, dadka waxay u arkeen superyacht-kooda sidii jasiirado ammaan ah oo ay iyagu iyo qaraabadooduba ku nastaan."
Waxay intaas ku dartay in bilyanneerradu ay kusii jeclaadeen in ay haystaan meel gaar ah iyo madax-bannaani.
"Waxay codsadeen daaqado waaweyn, meel banaan oo badan, iyo in ay si fudud badda u taaban karaan."
Inkastoo la filayo in tirada guud ee superyachts-ka la dhisayo ama la dalbanayo ay si yar hoos ugu dhacdo sanadkan — laguna qiyaasayo 1,138 doonyood, haddana doonyaha waa ay sii weynaadeen celcelis ahaan, sida xogta Boat International ay muujinayso.
Sanadkan, waxaa la dhisayaa 61 doonyood oo dhererkoodu yahay 76 mitir ama ka badan, halka 2024 laga dhisay 55 oo dhererkaa leh.
Sidoo kale, doonyaha u dhexeeya 46m ilaa 60m ayaa gaaray 175, iyagoo kor u kacay marka loo eego 159 sanadkii hore.
Laakiin doonyaha ugu yar ee ah kuwa u dhexeeya 24m ilaa 27m, ayaa hoos u dhacay — 286 laga iibiyey sanadkan, marka loo eego 321 sanadkii hore.
"Waa muuqataa in macaamiisha cusub ee soo galay suuqan ganacso xilligii Covid-19 ay hadda kor u sii socdaan," ayay tidhi Ms Armerio, taasoo la micno ah inay dooranayaan doonyo waaweyn.
Tifaftiraha guud ee Boat International, Stewart Campbell, ayaa isna yiri:
"Waa iska caddahay, cabbirka kasta oo ay doonyaha iibsadaan, naqshadeeyayaasha iyo injineerada badda waxaa ku qasbaya dadka u baahan"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Natiijada waa in superyachts-ka maanta ay si isa soo taraysa u yeelanayaan meelo helikobtarradu ka duulaan, shineemooyin, goobo jimicsiyo (gyms), saloon-nada qurxinta, iyo goobaha qubayska ee kulayl iyo qabawba ah — si loola jaanqaado heerka raaxada ee macaamiishaas doonayaan.
Sida la filan karo, qiimayaasha superyachts-ka waa kuwo aad u sareeya. Waxaad ku bixin kartaa ilaa €36 milyan ($41m; £30m) doon yar oo cusub, halka doonyaha waaweyn ee dhererkoodu yahay 105 mitir ay gaarayaan qiime dhan €295 milyan, haddii dhammaan waxyaabaha raaxada lagu daro.
Kala bar dhammaan superyachts-ka adduunka waxaa lagu dhisaa gudaha Talyaaniga, iyadoo warshadihiisu ay hadda ku shaqeynayaan doonyo wadartooda dhererkeedu yahay 22,195 mitir — oo u dhiganta 22km (13 mayl).
Turkiga ayaa ku jira kaalinta labaad, waxaa ku xiga Netherlands, UK, Taiwan, Jarmalka, Mareykanka, iyo Shiinaha.
Sanadkii 2023, shirkadaha dhismaha doonyaha ee Talyaaniga waxay ka heleen doonyaha raaxada lacag dhan €8.3 bilyan, taas oo ahayd tii ugu badnayd abid.
Ms Armerio waxay sheegtay in warshaddeedu "soo saarto dhowr superyacht oo tayo sare leh sanad kasta – kuwaasoo ah farshaxanno gaar ah oo si qoto dheer loo naqshadeeyay."
Waxay intaas ku dartay in shirkadaha sameeya doonyaha ee Talyaaniga ay ka faa'iideystaan shabakad adag oo farsamayaqaano maxalli ah.
"Talyaaniga waxaan ka helnaa wax kasta oo aan u baahanno."
Ms Armerio waxay tusaale usoo qaadatay in haddii ay u baahato dhagaxa marble-ka, ay si toos ah ugu safri karto suuqa dhagaxa ee Tuscany iyadoo kasoo baxaysa xarunta shirkaddeeda ee xeebaha Liguria.













