Dad uu ka mid yahay maal qabeen caan ah oo maanta doon la dagtay oo wali la baadi goobayaa

Xigashada Sawirka, EPA
Maalqabeenka dhanka tijnoolajiyada ee u dhashay Ingriiska Mike Lynch, ayaa ka mid ah lixda qof ee la la'yahay ka dib markii dooni nooca raaxada ah oo la socdeen ay ku degtay xeebaha Sicily subaxnimadii hore ee Isniintii.
Doontan nooca raaxada ah dhedher ahaan dhan 56 mitir ayaa waxaa la socday 22 qof, oo kala alabo iyo toban rakaaaba iyo toban shaqaale ahaa.
Dadka la socday doonta ayaa haystay dhalashooyinka dalalka Ingriiska, Maraykanka iyo Kanada. Il
Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa soo badbaadiyay 15 qof oo ay ku jirto gabadh yar oo British ah.
Warbaahinta maxallliga ah ayaa ku warrantay in doontan ay ku socdaalaysay magaca Bayesian, waxayna degtay markii ay la kulantay duufaan culus oo habeenimo ah
Mr Lynch, oo dadka qaar ay u yaqaaniin "British Bill Gates", oo ay wada aasaaseen shirkad software ah oo lagu magacaabo Autonomy, taasoo markii dambe ay ku iibsatay shirkadda weyn ee teknolojiyadda ee Hewlett-Packard.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Talyaaniga ee Ansa in markii doonta ay duufaanku ku dhuftay ay lumisay miisaanka taas oo keentay in waxyeello soo gaarto ayna markii denbe ku degtay xeebta Sicilia ee caasimadda Palermo.
quusayaasha ayaa aqoonsaday burbur 50m ka hooseeya biyaha oogada waxayna baadigoob ugu jiraan kuwa maqan.

Xigashada Sawirka, PA Media
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Meydka hal nin ayaa laga helay bannaanka burburka basle wali dhalashadiisa lama xaqiijin.
BBC, waxay eegtay diiwaannada shirkadaha waxayna ogaatay in lahaanshaha doontan Bayesian ay ku qoran tahay xaaska maalqabeen Mr Lynch, oo la yiraahdo Angela Bacares.
Ilo ku dhow dhow arrintan ayaa BBC u xaqiijiyay in Ms Bacares iyada la soo badbaadiyay.
15 qof ayaa u suurtagashay in ay badbaadaan ka dib markii ay duufaantu ku dhufatay.
Wakaalada wararka ee Ansa ayaa sheegtay in hooyo 35 sano jir ah ay gabadheeda oo hal sano jir ah gacmaha ku qabatay badda dhexdeeda.
Haweeneyda oo magaceeda lagu sheegay Charlotte ayaa tiri: “Labo ilbiqirsi ayan ku waayey gabadhayda yar badda dhexdeea, ka dib si deg dega ayaan isugu duuubay xilliy hirarka dhacayeen”
“Waxaan isugu duubay si adag oo igu dhagan, halka duufaanta baddu. Qaar badan oo kale ayaa qaylinayey
"Nasiib wanaag doonta buufsan ee badbaada ayaa anagoo 11 qof ah maamlay inaan soo fuulno” ayey intaa raacisay
Ilmaha yar ayaa wanaasgan iyadoo hooyada la dabiibayo sida ay haya’ad sheegtay.
Waxay intaa ku dartay in saygeedu la socday oo doonta la saarnaa uuna badbaaday sidoo kale ay la socdeen saaxiibadeed oo ka yimid London.
Markii hore Markab uu ka dulbabanyey calka Holland ayaa ka badbaadiyey mowjahadaha kuwii samatabay intii aan gurmadka deg degaa soo gaarin.
Captain Karsten Borner, ayaa sheegay in markii duufaantu jabtay shaqaaluhu ku wargaliyeen in doontii ka danbaysay ay muuqeeda waayeen
"Waxaan aragnay holac casaan ah, marka aniga iyo saaxiibkaygii koowaad waxaan tagnay booskii, waxaana ogaanay in baddan noloshu ay sii socoto," ayuu u sheegay Reuters.
Doonta wax badbaadisa ayaa qaaday 15 ruux oo badbaaday, kwuaas oo saddex ka mid aah y “si weyn u dhaawacmeen”, ayuu yiri.
Nin kaluumayste ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inuu arkay dad lagu badbaadinayo doon la buufiyay oo laga soo diray doon kale.
Kabtanka doon kalluumasi oo deegaanka ah ayaa sheegay qashin ay ka mid ahaayeen barkino ka soo baxay doonta waxyeelladu gaartay oo sabaynaa badda dhexdeeda.
Muuqaal laga soo duubay goobta uu burburka ka dhacay ayaa muujinayay diyaarado helikobter ah oo ku dul wareegaya dhowr markab oo ilaalada xeebaha ah iyo quusayaal xiran dhar liimi ah oo ku boodaya biyaha.
Siddeed ka mid ah dadka la soo badbaadiyay ayaa lagu daweynayaa isbitaal, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Talyaaniga.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qeybta galbeed ee badda Mediterranean-ka waxaa ku dhuftay duufaano ba'an tan iyo bartamihii usbuucii hore, sidoo kale Habeenkii Axadda ilaa subaxnimadii Isniinta, cimilo xun ayaa ka jirtay xeebta woqooyi ee Sicily.
Saadaliyaha cimilada ee BBC-da Matt Taylor ayaa yiri: " In duufaanta ku dhufatay badda ay ahayd mid duumaysa taas inay dhulka ku dhufato halkii badda ay aadi lahayd
Xafiiska arrimaha dibadda ee UK ayaa sheegay in ay ka warhayaan dhacdadan oo ay xiriir la sameeyeen maamulka deegaanka. Laanta Baadhista Shilalka Badda ee Britain ayaa sidoo kale diraysa koox kormeerayaal ah si ay u eegaan doonta degtay ee ka diiwaan gashan UK.
Afhayeen u hadlay Camper iyo Nicholsons International, oo ah shirkadda maamusha doonta la dhisay 2008-dii, ayaa u sheegtay BBC Verify: "Muhiimaddeennu waa caawinta baaritaanka socda iyo bixinta dhammaan taageerada lagama maarmaanka ah ee rakaabka iyo shaqaalaha la badbaadiyey."












