Warancadde iyo weedho uu ka yiri libaaxiisa hadalhaynta ka dhaliyay baraha bulshada

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada
Sawiarada madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo dusha ka saaran libaaxyo rabaayad ah oo lagu dhaqo magaalada Hargeysa ayaa aad ugu baahay barahabulshada dhowrkii maalin ee la soo dhaafay.
Dadka baraha bulshada isticmaala ayaana falcelin badan ee balse ay ku kala ra'yi duwan yihiin ka dhiibtay sawirada.
Soomaalida dhaqankooda, libaaxa ayaa astaan u ah geesinimo, haybad iyo adkaysi, waxaana laga dheehankaraa sida ay ugu magacaabaan dadka ay ku tuhmayaan astamahaas oo dhan, inkasta oo sidaas si la mid ah dunida inteeda badan libaaxu u yahay.
Dadka qaar ee muuqaalka falaqeynayay ayaa si madadaalo leh waxa ay ku tilmaameen sababta ka danbeysa in madaxweyne Biixi uu Libaax dusha ka fuulo in ay ka turjumeyso geesinimo.
Kuwa kale oo ka aragti duwan ayaa iyana arinkaan ku tilmaamay "mid caadada iyo dhaqanka hareer marsan, oo libaaxu uu yahay mid haybad leh lana xaq dhowro".
Kuwa kalana halis ayay u arkeen falkaas, oo in waxyeelo uu geysto bahalka ayayba ka baqeen.
Cali Maxamed Warancade oo ah mulkiilaha libaaxyadaan ayaan wax ka weydiinay, sida uu isagu u arko sawiradaan uu madaxaweyne Biixi la galay libaaxyadiisa, waxa uuna ku jawaabay, ‘’Aniga libaaxa waan isnaqaan oo anigaa rabeeya, balse asaga waa ay ku cusbeyd, laakiin waa geesi oo waa nina dag, waadna ogtahay cidina kuma dhacdo dhabarkiisa, marka waxa ay muujineysaa in madaxweynuhu geesi yahay’’.
Waxa uu intaa ku daray Warancade, "in libaaxu uu ku xirnaa silsilad weyn oo xoogan waxaana xakameynayay rag wax ka yaqaana libaaxa".
Soomaaliya ayaa waxaa aad ugu yar dhulka miyiga ah iyo magaalooyin kaba in laga helo libaaxyo, marka laga yimaado dhowr meelood oo lagu hayo xayawaano loo daawasho tago, sida ku Warancade oo kale.
Balse xiliyo hore joogista libaaxa ee dhulka Soomaalida ayaa ahayd mid aad u xoogan.
"Libaaxa saaxiib ayaa nahay dhulkeena ayuuna u badanyahay, waxaadna ka garan kartaa magacyada qaar ee deegaanada sida Libaax qowdhama, Gondo libaax, iyo Gacan libaax iyo meelo kale oo loogu magacdaray,’’. ayuu yiri Cali Warancade.
Cali warancade ayaa sheegay in uu hadda hayo shan libaax ayna saaxiib la yihiin, waxa uuna intaa ku daray in mararka qaar uu libaaxyada kaxeeyo oo uu duurka la tago si uu socod dheer ula sameeyo iyo hawagadis in uu magaalada uga saaro.
Sida loo xanaaneeyo libaaxyada Hargeysa

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada
Beerta libaaxyada Hargeysa oo ah halka lagu xanaaneeyo libaaxyadaan ayaa waxaa iskaleh Cali Maxamed Warancade oo ah siyaasi xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliland.
Cali waxa uu BBC-da u sheegay in libaaxyada uu xanaaneeyo ay yihiin kuwo hela adeegyada caafimaadka iyo cuntooyin dhameystiran.
Beerta lagu xanaaneeyo libaaxyada waxaa ka shaqeeya ilaa afar rag ah kuwaas oo u tababaran sida xayawaankaan loo xanaaneeyo iyo sida marka marti soo booqato beerta loo tuso libaaxa.
Libaaxytada ayaa maalinkasta hela cunto joogto ah oo uu hilibka ugu horeeyo sida uu Cali BBC-da u sheegay, ‘’Waxaan hayaa shan libaax ah, midkiiba maalintii waxa uu u baahanyahay ilaa soddon kiilo oo hilib ah, caafimaadkooda iyo jirkoodaba aad bay u wanaagsanyihiin, waxa ay ka quruxbadanyihiin kuwa caalamka qaarkood,’’. ayuu yiri Warancade.
'Mararka qaar waa halis libaaxyadu'

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhawr jeer oo hore ayuu libaax ku baxsaday magaalada hargeysa, sanadkii 2021 libaax ka soo baxsaday beerya Cali Warancade ayaa dad ku dhaawacay magaalada kadibna waxaa toogtay ciidamada booliiska Hargeysa.
Cali Warancade oo xilligaas la hadlay BBC-da waxa uu u sheegay sida tan, "wiil xanaaneynayay uu albaabka furay si uu u quudiyo, ka dibna ay ku soo boodeen, albaabkana ka bexeen".
Xilli uu da'ayay roob, ayaa Libaaxayadu ka baxsadeen beerta, ka dib waxaa la soo saaray digniinaha loo jeedinayay dadweynaha magaalada Hargeysa oo loogu sheegayay in ay taxadaraan.
Libaaxa baxsaday ayaa la sheegay in uu qoorta ka dhaawacay gabar. Dhaawaca haweenayda ayaa la sheegay in loola cararay Cisbitaal. "Libaaxa ayaa laba xabadood lagu dhuftay oo dhaawacmay, ka dibna wuu sii daayay gabadha wuuna cararay oo wuxuu galay meel kayn ah deetanah ", sida uu sheegay milkiilaha, Cali Warancade.
Dhanka kale BBC-da ayaa sanadkii 2008 waxa ay baahisay in libaax baxsad ahaa uu magaaladaas ku dhex dilay haweeneey, xilli ay ku sugnayd suuqa xoolaha Hargeysa.












