http://www.bbcsomali.com

28 Maarso, 2008, 11:59 GMT; 14:59 SGA

Axmed Saciid Cige
BBC Hargeisa

Libaax magaalada Hargeisa haweeneey ku dilay

Gabadha dhalinyaro ah, ayaa xalay waxa uu libaax ku dilay gudaha magaalada Hargeisa, kaasoo ka baxsaday beer lagu rabaynayay oo uu lahaa wasiir ka tirsan maamulka Somaliland.

Warbixinta Libaaxa

Wararka ayaa sheegaya in libaaxu ku dilay gabadhaasi Suuqa Xoolaha Hargeisa meel u dhow oo ku taalla bariga magaaladan Hargeysa.

Libaaxa, ayaa markii dambe la sheegay in la toogtay, sida uu ku soo waramay weriyaha BBC-da ee Hargeisa, Axmed Siciid Cige.