Ukarine iyo Maraykanka oo ugu danbayn heshiiskii la sugayey gaadhay

.

Xigashada Sawirka, US Department of the treasury

Maraykanku wuxuu saxiixay waxa uu ku tilmaamay iskaashi dhaqaale oo taariikhi ah oo uu la galay Ukraine.

Heshiiska ayaa dhisaya sanduuq maalgashi oo wadajir ah oo bixin doona kharashaadka dib u dhiska dalka.

Heshiiskani wuxuu si wax ku ool ah Maraykanka wax uga siinayaa faa'iidooyinka ka soo gala horumarinta shidaalka iyo gaaska Ukraine mustaqbalka.

Bedelkeeda, Ukraine-na waxay heli doontaa caawimo militari oo joogto ah oo ka timaadda Maraykanka.

Ukraine ayaa la rumeysan yahay inay leedahay kayd aad u badan oo ah macdanaha muhiimka ah sida graphite, titanium iyo lithium.

Macdanahaas kala duwan aad ayaana loo raadiyaa sababtoo ah waa in loo isticmaalo tamarta la cusboonaysiin karo, qalabka militariga iyo kaabayaasha warshadaha.

Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Maraykanku uu dagaal ganacsi kula jiro Shiinaha, halkaas oo 90% kaydka macdanaha naadirka ah ee dunida il u ah.

Oleksandr Merezhko oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Ukraine, kaasoo mas'uul ka noqon doona in uu baarlamaanka guud ahaan dalkaas u soo jeediyo talo ku saabsan in la ansixiyo heshiiska. Ayaa Isagoo la hadlayay BBC-da wax yar ka hor saxiixa heshiiska, wuxuu sheegay in heshiisku u muuqdo mid guud ahaan faa'iido u leh labada dal.

"Xaaladda hadda jirta awgeed, waxaan oran karaa waa xaalad labada dhinacba guul ah oo u fiican Mareykanka iyo Ukraine labadaba, sababtoo ah waxaan ku guuleysanay inaan ka fogaanno xaalad halis ahayd bilowgii — waxaa jiray khatar ah in gargaarka milatari ee hore la bixiyay loo rogo deyn Ukraine lagu leeyahay. Taas ma aysan suurtoobin annagana waan ka diidnay, ugu dambeyntiina waan ka baxnay godkaa.

Marka labaad, dokumentigan ma hor istaagayo in aan ku biirno Midowga Yurub, taasna sidoo kale waan ka walwalsanayn. Marka guud ahaan hadalka la eego, waxaan filayaa in la helay is-afgarad, sidaan dhihi lahaa, waxaana hubaal ah in marka la barbar dhigo wixii bilowgii jiray, tani ay tahay guul dhab ah." Ayuu yidhi Oleksandr

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay khasnadda Maraykanka galabnimadii Arbacada, Sanduuqa Maalgashiga Dib-u-dhiska ee Maraykanka iyo Ukraine ee dhawaan la sameeyay waxa uu aqoonsanayaa "ahmiyadda taageerada dhaqaale iyo agabka muhiimka ah" ee Maraykanku siiyo Ukraine tan iyo markii Ruushku soo galay February 2022.

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ayaa bayaan muuqaal ah ku sheegay in heshiiska uu gacan ka geysan doono "sare u kaca hantida Ukraine".

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa ku shaaciyay saxiixa heshiiskaas muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada X (oo horey loo oran jiray Twitter). CLIP

"Heshiiska maanta la saxiixay wuxuu si cad farriin ugu dirayaa hoggaanka Ruushka, taasoo muujinaysa in maamulka Trump uu ka go'an yahay hannaan nabadeed oo saldhiggiisu yahay Ukraine xor ah, madax-bannaan, isla markaana barwaaqo ah muddo fog. Waa waqtigii uu dhammaan lahaa dagaalkan arxan darrada ah ee macno darrada ah. Dilka waa in la joojiyaa, waxaana Mareykanka iyo dowladda Ukraine ay rajeynayaan in si degdeg ah loo dhaqan geliyo iskaashigan taariikhiga ah ee dhaqaale, kaasoo dan u ah shacabka Ukraine iyo shacabka Mareykanka labadaba."

.

Xigashada Sawirka, EPA

Luqadda ku dhawaaqista waxay muujinaysaa midnimo aad u badan oo lala yeesho Ukraine si ka badan sidii caadiga ahayd ee maamulka Trump.

Waxa ay tilmaamaysaa "duullaanka buuxa ee Ruushka" waxayna ku dartay "ma jiro dawlad ama qof maalgeliyay ama keenay dagaalka ee Ruushka in aan loo ogolaan doonin inuu ka faa'iidaysto dib u dhiska Ukraine".

Ku xigeenka ra'iisul wasaaraha Ukraine Yulia Svyrydenko - oo u duushay Washington si uu heshiiska qalinka ugu duugto Arbacadii - ayaa ku sheegtay barta bulshada ee X in sanduuqa cusub uu "soo jiidan doono maalgashiga caalamiga ah ee dalkeena".

Iyadoo taxaysa qodobbada heshiiska, waxay sheegtay in ay ku lug yeelan doonto mashaariicda macdanta, saliidda iyo gaasta, inkastoo kheyraadku sii ahaan doono hantida Ukraine.

Wadashaqeyntu waxay noqon doontaa mid siman, iyadoo lagu saleynayo 50:50, ayay raacisay, waana in ay ansixiyaan sharci-yaqaannada Kyiv.

Sida ku cad heshiiska Maraykanku wuxuu siin doonaa kaalmo cusub Kyiv, sida ay sheegtay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Ukraine, oo ay ku jiraan, tusaale ahaan, nidaamyada difaaca hawada.

Madaxweyne Donald Trump ayaa si isdaba joog ah u riixay heshiiska in uu shardi u yahay in uu Ukraine ku helayso dammaanad amni oo mustaqbalka ah.

Muhiimad gaar ah, qabyo qoraalka heshiiska ayaa tilmaamaya in Ukraine ay siin doonto Washington marin u helka qaar ka mid ah kheyraadkeeda dabiiciga ah si ay u hesho kaalmada amni ee ay u baahan tahay mustaqbalka, Mareykanka.

Laakiin taasi aad ayay uga yar tahay wixii uu Trump rabey, kaas oo ahaa in dib loogu soo celiyo dhammaan kaalmada militariga Mareykanka ee la bixiyay tan iyo bilowgii dagaalka 2022.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu ku guuleystey inuu xoogaa tanaasulaad ah ka helo Washington.

Heshiiska ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii mas'uuliyiinta Mareykanka ay sheegeen in Ukraine ay isku dayeysay inay isbedel sameyso daqiiqadaha ugu dambeeya.

Gelinkii dambe ee Arbacada, ilo Mareykan ah oo aqoon u leh wada-hadallada ayaa ku dhaleeceeyay Kyiv in ay doonayso in ay dib u furto qaar ka mid ah shuruudaha kuwaas oo sida muuqata la soo gabagabeeyay dhammaadka usbuuca.

Ilahan aqoonta u leh arrintan ayaa sheegay in qodobbada ku dheggan madaxweynaha Ukraine ay ka mid ahaayeen maamulka sanduuqa, arrimaha hufnaanta, iyo tillaabooyinka lagu hubinayo in dhammaan lacagaha si buuxda loo raad-raaco.

Dukumeentiyo farsamo ayaa todobaadkii hore ay saxiixeen wakiilo ka kala socday labada dal.