Maxay Puntland iyo Somaliland ka yiraahdeen Maxaabiis isweydaarsiga

Maxaabiista Puntland oo Hargeysa ka ambabaxaya

Xigashada Sawirka, Radio Daljir

Qoraalka sawirka, Maxaabiista Puntland oo Hargeysa ka ambabaxaya

Wasiirrada cadaalada ee Somaliland iyo Puntland oo la hadlay BBC ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay maxaabiista ay labada dhinac is weydaarsadeen, qaabka loo maray, maxaabiista kale ee labada dhinac, iyo waxa laga yeelayo maxaabiista kale ee weli xiran.

Maxaabiista la is dhaafsaday ayaa kala ahaa 11 maxbuus oo Hargaysa ka soo ambabaxay ayagoo gaaray magaalada Garowe, waxaana la socday mas'uuliyiin ka tirsan Puntland oo uu ka mid yahay Cabdi Xirsi Qarjab, halka 15 maxbuus ay ka soo dhoofeen Garowe, kuwaasoo gaaray Hargaysa ayadoo uu la socday boqor Cismaan Buurmadow.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa BBC uga warbixiyey sida ay u dhacday sii deynta maxaabiista ee dhinacooda.

''Waxaanu sii daynay 15 maxbuus oo aanu ku wareejinay Somaliland, dhinacoodana waxaa ay soo wareejiyeen ilaa 11, waana arrin wanaagsan oo loo qaaday dhinaca nabadgelyada iyo wadashaqaynta iyo iskaashiga bulsho".

"Anagu waxaan aaminsanahay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad walaala ah oo aan kala maarmin, amniga, sidoo kale in nabadgelyada, ganacsiga iyo isku socodka bulsho la hagaajiyo oo kor loo qaadana waa arrin wanaagsan. Waana ku faraxsanahay dad Soomaaliyeed oo xabsiyo ku jiray 2 sano inay xoriyadooda helaan, qoysaskooda la midoobaan, noloshoodii caadiga ahayd ku noqdaan, waa tilaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca walaalnimada iyo iskaashiga'' ayuu yiri wasiirka cadaaladda ee Puntland.

Waxaa uu kaloo ka hadlay sida ay ahayd xaalada maxaabiista ay Puntland sii daysay, muddadii ay hayeen.

''Walaal maxaabiistu hadda waa xirnaayeen, dagaalkii ka dhacay Sool baa lagu qabtay sanadkii 2023, intii ay xirnaayeena dowladda Puntland baa masuul ka ahayd, waxa ay ahaayeen dad Soomaaliyeed oo dadkooda la joogay, daryeel iyo xuquuq wixii ay lahaayeena waa ay heleen, waxaan filayaa in aad arkeyseen iyaga oo xor ahoo, dadkoodii iyo ehelkoodii ku biiray oo la midoobaya''.

Habka ay u mareen sii daynta maxaabiista ee ah inay labada dhinac toos u wada hadleen ama cid kale ay ku dhex jirtay ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiwahaab ''Wixii danta umadda ah waa la iska kaashanayaa, Somaliland iyo Puntland-na waa dad ehel ah oo wada deggan oo Soomaaliyeed, marka maslaxada umadda iyo nabad gelyada iyo walaalnimada cidna marti loogama aha, waana laga wada shaqayanayaa, waana la iska kaashanayaa, waana arin wanaagsan oo horay loo qaaday'' ayuu yiri

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasiirka waxaa uu xaqiijiyay in aysan jirin hadda maxaabiis ay Somaliland iyo Puntland kala hayaan, isaga oo uga mahadceliyay Somaliland soo dayntooda.

Maamulka Khaatumo oo iyagu dhinacooda haya maxaabiis reer Somaliland ah ayaa wasiirka cadaalada aynu wax ka weydiinay inay kala hadleen SSC.

''Khaatumo iyagaa horay ugu dhawaaqay inay Somaliland maxaabiista isdhaafsanayaan, wadahadal iyo walaalnimona laftigooda waa ku dhawaaqeen inay Somaliland la galayaan, marka waa arrin fiican taa laftirkeedu, waana soo dhoweynaynaa isdhaafsiga maxaabiista meel kasta oo ay joogaan in la isku fasaxo oo xoriyad helaan, lagana dhex saaro wixii cadaawad iyo dagaal keenaya''

Mustaqbalka ayaa wasiirku sheegay inay wada shaqaynayaan Somaliland ''Mustaqbalka maxaa noo diidaya inay Somaliland iyo Puntland wada hadlaan oo wada shaqeeyaan, dad Soomaaliyeed oo wada deggan oo dhul, dad iyo deegaan iyo taariikh wadaaga weeye, waana la wada shaqaynayaa, waana la iska kaashanayaa amniga iyo nolosha, Somaliland aragtideeda siyaasadeed ee iyadu aaminsan tahayna waa mid, waxa dadka ka dhexeeya ee walaalnimada iyo iskaashiga iyo wadajirkana waa mid kale, ganacsigu inuu furmo oo dadku isku gudbaan oo wixii amni daro wada la iska kaashado baa loo baahan yahay''.

Maxaabiista Somaliland oo garowe ka ambabaxaya

Xigashada Sawirka, Facebook

Somaliland maxay ka tiri sii daynta Maxaabiista?

Wasiirka Cadaalada Somaliland Yoonis Axmed Yoonis ayaa dhankiisa ka hadlay '' Arintaasi baryahaanba waa socotay. Maanta Ilaahay fadligii waxaa Hargaysa iyo Garoowe soo kala gaaray maxaabiis maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed iyo Jamhuuriyada Somaliland, maxaabiistii reer Somaliland Hargaysa ayay soo gaareen, kuwii Puntland-na Garowe ayay gaareen si nabad ah. Puntland waxaa ay sii daysay 15 maxbuus, anagana waxaan sii daynay 11 maxbuus oo dagaalkii gobolka Sool lagu qabtay''.

Waxaa uu Wasiirku ka gaabsaday inuu caddeeyo haddii ay jirto cid kale oo ku wehelisay ama u kala dab qaaday ''ma doonayo in aan ka hor dhaco oo wada hadalladu way socdaan oo maxaabiistu dhinacyada weli waa kala hayaan, Somaliland maxaabiis badan baynu haynaa, kuwana waa ka maqan yihiin. Marka wadahadallada habraacyada caalamiga ayaa loo maray, waxaanu jecelnahay in aan ku koobnaano maanta oo aan cadeyno in maxaabiis reer Somaliland ah ay Hargaysa nabadgelyo ku yimaadeen, maxaabiis dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ahna ay Garowe tageen oo dowlada Somaliland ay sii daysay".

Somaliland dhankeeda waxaa ka maqan maxaabiis, iyaga oo gacanta ku haya kuwo kale oo lagu qabtay dagaalkii dhacay labo sano ka hor ee gobolka Sool .

''Anagu waxaan diyaar u nahay wada noolaansho, mandaqada geeska Afrika oo dhan bay Somaliland bud dhig u tahay. Nabadgelyada iyo gogosha uu madaxweynaha Jamhuuriyada fidiyay weli waa taallaa, arinta deegaanka Bariga Sool shaqaaqooyinkii dhacay, maxaabiista lagu qabtay baanu doonaynaa si nabadgelyo ah in lagu dhameeyo, annagu maxaabiis baan haynaa, waxaanu doonaynaa in si nabadgelyo ah lagu soo dhamaystiro, waxaanuna doonaynaa nabadu inay noqoto waxa ugu muhiimsan ee umaddu ku wada noolaato oo Geeska Afrika ku wada noolaato, dowladaha jaarka ee aan walaalaha nahay kula noolaano, anagu Somaliland waxaan sal u nahay nabadda, taas ayaan doonaynaa, nabadgelyo ayaan doonaynaa, maxaabiista waxaan doonaynaa si nabadgelyo ah oo wanaagsan aynu isku dhaafsano''.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in aysan ka marnayn beesha caalamku ''Dunidu qayb weyn ayay ka tahay maxaabiista oo hay'ad weyn baa u xilsaaran oo ICRC la yiraahdo, hay'adaasu wada shaqeyn fiican baay la leedahay dowlada Somaliland, diyaar waxaan u nahay cid walba oo arintaa ka shaqeynaysa, horay waan u soo dhoweynay haddana waanu soo dhoweynaynaa, waxaa fiican in si nabadgelyo ah loo wada noolaado, wixii la tabanayo la sheegto oo gogosha nabadda ee madaxweynaha Jamhuuriyarada Somaliland dhigay la fariisto oo si miyir qabta oo walaalnimo ah oo islahaansho ah loo wada hadlo, dowladnimadana wax la isaga weydiiyo sidii loo wada noolaan lahaa''.