Trump oo u dabaaldegay 100-ka maalmood ee uu xafiiska joogay isagoo ka hadlay waxqabadkiisa

Trump iyo 100 maalmood

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u dabaaldegay 100-ka maalmood ee uu xafiiska jooogay muddo xileedkiisa labaad isagoo jeediyay khudbad u eg olole doorasho, taasoo uu ku xusay guulihiisa isla markaana uu ku beegsaday mucaaradiisa siyaasadeed.

Isagoo ku faanayay waxa uu ugu yeeray "kacdoon maangal ah ", ayuu taageerayaashiisa ku sugan gobolka Michigan u sheegay inuu xilkiisa u adeegsaday sidii uu isbeddel qoto dheer ugu keeni lahaa dalka.

Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, wuxuu kaftan iyo dhaleeceyn ku wajahay madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Dimuqraadiga ahaa Joe Biden, wuxuuna sidoo kale eedeyn cusub u jeediyay guddoomiyaha keydka ee Mareykanka, isagoo iska indhatiraya ra'yi ururinta muujinaysa in taageeradiisu ay hoos u dhacday.

Trump ayaa si weyn hoos ugu dhigay tirada muhaajiriinta si sharci darro ah uga tallaabaya xadka Mareykanka, hase yeeshee dhaqaalaha ayaa u noqon kara daciifnimo siyaasadeed xilli uu dagaal ganacsi oo caalami ah ku jiro.

"Hadda waanu bilownay, weli ma aadan arag wax," ayuu Trump u sheegay dadkii isugu soo baxay Talaadadii xaafad ku taalla magaalada Detroit.

Isagoo ka hadlayay xarunta warshadaha gawaarida ee Mareykanka, Trump wuxuu sheegay in shirkadaha baabuurta ay "saf ugu jiraan" si ay u furaan warshado cusub oo wax soo saar ah gobolka Midwestern.

Horaantii maalintaas waxa uu dabciyay qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshihiisa dhaqaale - canshuuraha soo dejinta baabuurta iyo qaybaha baabuurta ka dib markii shirkadaha baabuurta ee Maraykanka ay ka digeen khatarta sare u kaca qiimaha.

Isu soo baxaasi, Trump waxa uu sidoo kale sheegay in ra'yi ururin tilmaamaysa in shacbiyadiisu ay hoos u dhacday ay tahay "been abuur".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida laga soo xigtay Gallup, Trump waa madaxweynaha kaliya ee Mareykan ah oo tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka helay taageero dadweyne oo ka yar kala bar kadib 100-kiisa maalmood oo uu xafiiska joogay, isagoo helay heer oggolaansho dhan 44%.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan taageerayaasha Xisbiga Jamhuuriga ayaa weli si xooggan u garab taagan madaxweynaha. Dhanka kale, Xisbiga Dimuqraadiga oo ah kan tartanka kula jira ayaa sidoo kale wajahaya dhibaatooyin dhanka codbixinta ah.

Guddiga Qaranka ee Dimuqraadiga (DNC) ayaa ku tilmaamay 100-kii maalmood ee ugu horreeyay ee Trump xafiiska joogay inay ahaayeen "fashil weyn."

"Trump ayaa masuul ka ah xaqiiqda ah in nolosha Mareykanka noqotay mid qaali ah, kirada ay adagtahay, iyo 'hoos u dhaca Trump' oo ah mid albaab kasta garaacaya," ayey yiraahdeen DNC.

Trump ayaa sameeyay codbixin aan rasmi ahayn intii uu jeedinayay khudbaddiisii Talaadadii, isagoo weydiiyay taageerayaashiisa naynaasyada ay ugu jecel yihiin ee uu u bixiyo Biden. Wuxuu sidoo kale ku jeesjeesay maskax furnaanta madaxweynihii ka horreeyay ee Dimuqraadiga, iyo xitaa sida uu u egyahay marka uu xiran yahay dharka dabaasha, isaga oo wali ku adkeysanaya in isaga uu yahay guuleystihii dhabta ahaa ee doorashadii 2020, inkastoo uu horrey u lumiyay.

Trump iyo 100 malamood

Dadka kale ee uu weeraray waxaa ka mid ahaa Jerome Powell, madaxa bangiga dhexe ee Mareykanka, kaas oo uu Trump ku eedeeyay inuusan shaqadiisa si wanaagsan u qaban.

Trump wuxuu ku faanay horumar laga sameeyay arrimaha socdaalka iyadoo tirada dadka si sharci darro ah iuga tallaabaya xadka koonfureed ay hoos ugu dhacday in ka badan 7,000, halka ay sanadkii hore bishii Maarso ahayd 140,000.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in ilaa hadda muddadii uu Trump xilka hayay laga masaafuriyay ku dhowaad 65,700 muhaajiriin, in kasta oo ay taasi ka xawli yartahay marka loo eego sanad maaliyadeedkii la soo dhaafay oo mas'uuliyiinta Mareykanka ay masaafuriyeen in ka badan 270,000.

Intii uu khudbaddiisa jeedinayay, Trump ayaa qayb ka mid ah waqtiga u adeegsaday muuqaal muujinaya dad laga masaafurinayo Mareykanka oo loo dirayo xabsi weyn oo ku yaalla El Salvador.

Ololihiisa ka dhanka ah socdaalka sharci darrada ah ayaa wajahaya dacwado badan oo sharciyeed, sidoo kale dadaalkiisii uu ku doonayay in uu joojiyo dhalashada si toos ah loo siiyo qof kasta oo ku dhasha dhulka Mareykanka ayaa lagu muransan yahay sharci ahaan.

Inkasta oo sicir-bararka, qiimaha tamarta, iyo dulsaarka guryaha uu hoos u dhacay tan iyo markii Trump xafiiska la wareegay, haddana shaqo la'aanta ayaa wax yar korodhay, kalsoonida macaamiisha ayaa hoos u dhacday, suuqa saamiyaduna wuxuu galay jahawareer ay keeneen cashuuraha ganacsi ee la saaray.

Ka hor inta uusan Trump jeedin khudbaddiisa, Joe DeMonaco oo leh ganacsi alwaax-qoreed oo ku taalla Michigan ayaa sheegay in cashuuraha soo dejinta ee marmar la dhaqan geliyo, marna la joojiyo ay bilaabeen inay kordhiyaan qiimaha, taasoo uu ku khasban yahay inuu u gudbiyo macaamiishiisa.

"Waxaan rajaynayay... inuu waxyaabaha u wajahayo si ka duwan sidii hore, maadaama uu markan khibrad leeyahay oo uu galay waqti labaad," ayuu Mr. DeMonaco u sheegay BBC. "Laakiin hadda waxaan si tartiib ah u soconaa, waxaana eegaynaa haddii wax hagaagaan."

"Runtii aad baan ugu faraxsanahay," ayay tiri Teresa Breckinridge, milkiilaha Silver Skillet Diner ee magaalada Atlanta, Georgia, iyadoo la hadlaysay BBC.