Waa imisa tirada xoogsatada dhagaxa ka shaqeysta ee ay dabley Al Shabaab loo malaynayo ku laayeen Mandheera

mandheera

Xigashada Sawirka, Kenya Red cross

Ilaa shan ka mid ah shaqaalaha dhagaxa ayaa lagu dilay, iyada oo la dhaawacay labo kale, ka dib markii ay weerareen ku soo qaadeen koox hubaysan oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Alshabaab, xilli ay gaareen goob dhagax jabin oo ku taala tuulada Buur Aboor ee Bariga Mandhera.

Weerarka oo dhacay Talaadada ayaa kooxda hubaysan ay ku aadiyeen wax yar ka dib markii ay shaqaaluhu yimaadeen goobta oo ku aadanayd 6:00 subaxnimo, waxaana ay isku wareejiyeen gaarigooda iyaga oo ku furay rasaas.

Shaqaalaha kale oo gaarayay ilaa 25 ayaa ka baxsaday goobta, iyaga oo ka badbaaday kooxdii soo weerartay. Waxaa ay u badnaayeen shaqaalaha kuwa ka soo jeeda deegaanada kale ee Kenya.

Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka uu shilku ka dhacay oo ku yaala Bariga Mandheera Xuseen Weytaan Maxamed ayaa BBC uga warramay sida ay wax u dhaceen iyo xaalada ay haatan ku sugan yihiin shaqaalihii la weeraray.

Xildhibaan Weytaan ayaa marka hore sharraxay qaabka ay wax u dhaceen, waxaana uu yiri ''Saaka mar 6:00 subaxnimo la joogo ayaa gawaaridii nimanka dhagaxa qoda oo Mandheera subax walba ka soo baxa oo maalintii ka shaqeeya Buur Aboor, habeenkiina lagu celiyo Mandheera ayaa waxaa dhacday gaari ka mid ahaa gawaarida oo u soo horeeyay ayaa dhexda loo galay''.

"Gaarigaas waxaa saarnaa 21 qof, Shan ka mid oo rasaastu haleeshay ayaa dhintay, labana waa dhaawacmeen, inta kale Ilaahay ayaa fakiyay duurka ayayna ku carareen, waxna ma gaarin, waana la wada helay dhamaantood''.

Shaqaalahan la weeraray ayaa ka soo jeeda deegaanada kale ee Kenya ee aan ahayn gobolka waqooyi bari.

''Waxaa ay ahaayeen niman gobollada kale ee Kenya kale ka yimid oo u shaqeeya dad reer Mandheera ah oo meelo dhagaxa laga qodo iska leh, marka meeshaas ayay quutal yoomkooda ka raadsadaan sannado badan waa ka shaqeynayeen, marka waa dad Mandheera u soo hoyda, subaxdiina ka shaqa taga'' ayuu yiri Xildhibaan Weytaan.

Warbaahinta qaar ee gudaha Kenya ayaa qoraysa in tuhmanayaal Alshabaab ka tirsan ay weerarka gaysteen, laakiin xildhibaan weytaan ayaa qaba in aysan ilaa iyo hadda caddeyn cidda weerarka soo qaaday.

''Illaa iyo hadda lama garanayo, koleey waxaan ka war sugaynaa dadka u xilsaaran amniga, wixii ka dambeeya arintaa, dadkaas masaakiinta ee iska shaqeysanayay oo gacantooda ku shaqeynayay, wixii arrintaasi gaystay koleey in la ogaado waa muhiim, anaga in aan sii hordhacno ma rabno, waxaan ka sugaynaa dadka ammaanka u xilsaaran Mandheera Kownti'' ayuu yiri Xuseen Weytaan.

Mandheera

Xigashada Sawirka, X

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xildhibaanka ayaa intaa sii raaciyay inay jiraan waxyaabo badan oo laga shakin karo.

''Arrintaa baaritaankeeda waxaan u daynaynaa laamaha ammaanka, runtii waxyaalo fara badan oo laga shakin karo waa jiraan oo ah dadkaa koleey in meel dheer aysan nooga imaan, laakiin in aan aniga ka sii hordhaco ma rabo, waxaan u daynaynaa laamaha ammaanka, waxaana ka codsanaa waddanka dhamaantiis ilaa dowlada qaran ee amniga u xilsaaran in arrintaan meesha ay ka imaanayso la daba galo oo si fiican loo ogaado wixii ka dambeeyay arintaani'' ayuu yiri.

Mandheera waxaa horay u soo maray weeraro noocan oo kala ah, waxaana xildhibaanka bariga Mandheera uu sharaxaad ka bixinayaa waxa ay ku kala duwanaaayeen.

''Waxyaalahan marmar waa dhici jireen oo wakhti hore, goor laga joogo ilaa iyo 10 sano iyo ka badan ayaa arrin noocan ah ay dhacday, laakin kuwaa waa ka beddelnaayeen dadkaan, waxaa ay seexan jireen meesha ay dhagaxa ka bixinayeen, wax ilaalo amaan ah oo la joogayna ma lahayn oo meesha ayaa loogu imaaday oo dad farabadan la laayay, laakin hadda wakhti dhow arrintaa ma dhicin, waan ka fiicnayn Alxamdulillaah. Gawaaridan ilaalo amaan ayaa raacaysay, laakiin waa ka soo hordhacay, markii la soo gaarayna waa la laayay'' ayuu yiri.

Laamaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaano, iyada oo la soo qaadayo maydadka shaqaalaha la laayay.

''Dowlada shaqadeeda waa wadaa baaritaanana waa wadaan, dadkii maydkoodana hadda diyaarad ayaan u dirnay, diyaarad ayaa soo qaadaysa maydka, waxaa la geyn doonaa Nairobi. Labada ruux ee dhaawaca waa fudud yahay dhaawacooda, waana la bixiyay sida la ii sheegay'' ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Weytaan.