Maxay tahay sirta ka dambaysa xiriirka u dhaxeeya Trump iyo Carabta Maraykanka

Trump iyo Carabta Maraykanka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Trump iyo Carabta Maraykanka
    • Author, Rafid Jabouri
    • Role, Weriye BBC

Carabta Maraykanka ayaa ka mid ahaa bulshooyinka uu madaxweyne Donald Trump ka helay codadka doorashadii uu ku soo baxay, iyaga oo ka qayb qaatay guushiisa iyo dib ugu soo laabashadiisa Aqalka Cad.

Ka hor intooda badani waxay u codeynayeen mucaaradka siyaasada ee Trump ee xisbiga Dimuqraadiga. Iyada oo sabab ay u tahay si gaar ah in xisbigaasi uu caadiyan yahay xisbiga soogalootiga cusub, lana aaminsan yahay in uu aad ugu furfuran yahay socdaalka iyo soogalootiga.

Xisbiga Dimuqraadigu wuxuu kaloo diiradda saaraa taageerada dawladda iyo barnaamijyada daryeelka bulshada ee shakhsiyaadka dakhligoodu hooseeyo, kuwaas oo badankoodu yihiin muhaajiriin.

Sidoo kale, xisbiga Jamhuuriga ee Trump ayaa lumiyay taageeradii laxaadka lahayd ee ay ku lahayeen dadka Carabta ah ee Maraykanka sababo la xiriira siyaasadii maamulkii Jamhuuriga ee madaxweynihii hore ee George W.Bush, ka dib weeraradii 11-kii September iyo dagaalkii Ciraaq. Laakin Trump ayaa Carabta Maraykanka ula hadlay ololihiisii doorashada sanadkii hore qaab si weyn wax uga beddelay isku dheelitirnaantii oo dhiniciisa ugu soo leexdeen.

In kasta oo Carabta iyo Muslimiinta Maraykanka ah ay ka yihiin tiro aad u yar dadka waddankaasi, waxa ay ku nool yihiin qaar ka mid ah gobollada muhiimka ah ee taageerada labada xisbi ay aadka isugu dhow yihiin.

Goboladaas waxaa ugu caansan Michigan oo ay ku nool yihiin Carabta Ameerika ugu badan ee gobol kasta oo Mareykanka ah.

Michigan waxa ay ku taal bartamaha Maraykanka, gobolka uu Trump ku guuleystay inta badan sanadkii 2016, in kasta oo uu lumiyay afar sano ka dib doorashadii Joe Biden.

Sidaa darteed, Michigan iyo gobolada ku dhow ee Wisconsin iyo Pennsylvania ayaa ka mid ahaa gobolada ugu muhiimsan ee loo tartamay ee go'aan qaadashada istaraatiijiyada u lahaa doorashada Trump ee uu ku guuleystay 2024, waana tii dhacday.

Qoys carbeed

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaan booqday Michigan intii lagu jiray ololihii doorashada oo aan la socday waxa ka dhacaya halkaas, gaar ahaan Carabta Maraykanka.

Dadaalka ololaha Trump waxaa hormuud ka ahaa tirooyin sida wiilka uu soddogga u yahay, Massad Boulos, kaas oo si toos ah ula hadlay dad badan oo saameyn ku leh Michigan.

Trump laftiisa ayaa dhowr jeer booqday gobolka oo ay ku jirto Dearborn, oo ah xudunta bulshada Carabta ee Mareykanka.

Waxaasi oo dhan waxa ay horseedeen kor u kaca taageerada Trump ee Carabta Maraykanka. Waxaa jiray dabcan, sababo ujeedo leh, marka laga soo tago Trump iyo ololihiisii wacyigelinta tooska ah. Carabta ayaa ka carootay siyaasaddii Madaxweynihii hore ee Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris oo noqday musharaxa madaxweyne ee Trump.

In kasta oo Trump uu si joogto ah u adkeeyay taageerada hagar la'aanta ah ee uu u hayo Israa'iil, dad badan oo Carabta Maraykan ah ayaa sidoo kale soo jiidatay ballan qaadkiisii ahaa in uu joojinayo dagaallada gaar ahaan dagaalka Qaza.

Samra Luqman oo ah Yemeni Maraykan, kana timid Michigan ayaa ka mid ahayd dadka u beddelay Trump.

Waxa ay asal ahaan ahayd taageere Dimuqraadi ah, laakiin markii aan la kulmay, waxay ii sharaxday sida ay ugu qiirootay baaqii Trump ee ahaa joojinta dagaalka Qaza. Waxaa ka sii muhiimsan, iyada ayaa ka maqashay isaga shakhsi ahaan.

Dadkii ka shaqaynayay ololihiisii ayaa la soo xiriiray oo uu kulan la qaatay. Ka hor inta aysan xitaa weydiin, wuxa uu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono joojinta dagaalka.

Xabbad joojintu waa ay timid, laakiin dagaalkii Qaza waa soo noqday. Waxaan arintan la soo qaaday Samra markii aan mar kale la kulmay maalintii 100-aad ee madaxweynenimada Donald Trump.

Waxa ay ii xaqiijisay in kuwii doortay Trump ay wali ku dheggan yihiin dookhooda oo aysan ka shallayn doorashadiisa. Waxa ay tilmaantay in beddelka xisbiga Dimuqraadiga uu had iyo jeer ka sii xumaan lahaa, maadaama dagaalku sii dheeraaday oo uu ku hoos jiray Dimuqraadiyiinta.

Samra waxaa ay i xasuusisay arrin kale oo kaalin mug leh ku leh Carabta iyo Muslimiinta Maraykanka, door weyna ka qaadatay doorashadoodii Trump, waana siyaasadda horumarka bulsho ee mucaaradkiisa. Taasi waxa ay keentay inay kor u kacdo taageerada Trump ee Carabta, Muslim iyo Masiixiyiinta.

Trump iyo gabar carbeed

Xigashada Sawirka, X

Gregory oo asal ahaan ka soo jeeda Lubnaan ayaa ii sheegay soo jiidashada Carabta ee ajandaha muxaafidka ah ee Trump iyo aqoonsiga uu ka duwan yahay siyaasadaha horumarka bulshada ee ay kor u qaadaan dadka ka soo horjeeda.

Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii uu qabtay madaxtinimada, Trump wuxa uu soo rogay tallaabooyin adag oo socdaalka ah oo lagu beegsanayo qaar ka mid ah kuwa muujiyay mucaaradnimada siyaasadaha Israa'iil.

Si kastaba, taageerayaasha Trump waxa ay u arkaan tillaabooyinkan kuwo la fahmi karo oo xaq ah.

Gregory ayaa sheegay in wararka ugu badan ee warbaahintu ay ka baahiso xarumaha xorta ah ee taageera dadka ka soo horjeeda Trump, isla markaana buun buuniyaan siyaasadaha qallafsan iyo heerka saamaynta ay ku leeyihiin Carabta.

Waxa uu sheegay in uu fahamsan yahay in waddan kasta uu u baahan yahay inuu ilaaliyo ammaankiisa, dadka soo galootiga ahna ay tahay inay fahmaan arrintaas oo ay u hoggaansamaan shuruucda.

Waxa la yaab leh, kulanka aan la yeeshay Gregory waxa uu ka dhacay gudaha xarun Islaami ah oo Shiico ah oo ku taal Dearborn oo uu maamulo saaxiibkiis Sheekh Hashem Al-Xuseeni.

Al-Xuseeni ayaa taariikh cajiib ah la leh Trump, isagoo ku taageeray Trump doorashada. Si kastaba ha ahaatee, Al-Xuseeni ayaa lagu eedeeyay kooxaysi, mana uusan cambaareyn dhaq-dhaqaaqa Xisbullah ee Lubnaan oo Mareykanku u aqoonsaday urur argagixiso.

Al-Xuseeni ayaa laga reebay xafladda caleema saarka, balse waxa uu weli ku dheggan yahay Trump iyo aragtidiisa, taas oo dhalisay muran iyo eedeymo ka dhan ah.

Haashim Al-Xuseeni ayaa ii sheegay in eedeymahaas ay yihiin kuwo ay wataan dad ajande wata oo aan fahamsanayn mowqifkiisa diineed, maadaama arrinta kooxaha argagaxisada loo kala saarayo ay mararka qaar is beddesho xilliyada iyo maamullada.

Wuxa uu kaloo soo hadal qaaday heerka ay gaarsiisan tahay hadallada lagu cambaareynayo Dahraan ee Washington iyo eedeymaha Mareykanka ee ah in Iiran ay taageerto argagixisada.

Si kastaba ha ahaatee, Xuseeni ayaa farta ku fiiqay wada hadalka maamulka Trump uu la yeelanayo Iiran si heshiis looga gaaro barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Qaar ka mid ah Carabta iyo taageerayaasha kale ee Trump ayaa hadda walaac ka muujinaya saameynta siyaasaddiisa dhaqaale iyo dib u dhaca xal u helista xaaladda Bariga Dhexe ay ku yeelan doonto xisbiga Jamhuuriga doorashooyinka soo socda.