Maxay Soomaaliya ka faa'iideysaa inay mar kale hoggaanka u qabato Golaha Ammaanka ee QM?

Golaha Ammaanka QM

Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

Billowga sanadka cusub Soomaaliya waxa ay u tahay guul taariikhi ah, iyada oo hoggaanka u qabanayso Golaha Ammaanka Qarmada Midoobey, waxaana muddo bil ah ay hoggaanka u haynaysaa kursiga wareega ee golahaasi.

Soomaaliya ayay uga dhigan tahay guul taariikhi ah, iyada oo dalkan muddo ku dhow 35 sano uu la daalaa dhacayay burbur iyo dagaallo.

Madaxweynaha Golaha Ammaanka QM ayaa mas'uul ka ah hoggaanka golaha, waxaa isku badbaddala hoggaanka 15ka xubnood ee golaha, iyaga oo dal walba uu hoggaanka qabto muddo bil ah taasi oo soo socotay tan iyo 1946.

Dalka madaxweynaha ka ah golaha muddada bisha ah ayaa hoggaamiya isku-dabaridka tallaabooyinka shaqo ee muddada bisha ah, waxa uu go'aamiyaa siyaasadaha lagu kala aragti duwan yahay, waxaana mararka qaar uu u shaqeeyaa madaxweynaha sida diblomaasi dhexdhexaad ka ah laba kooxood oo kala aragti duwan.

Markii ay Soomaaliya kursiga hananaysay waxa ay taageero ka heshay Midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo Ururka Islaamka.

Bisha Janaayo 2026 waxay guul kale oo taariikhi ah u tahay Soomaaliya oo laga filayo inay Afrika iyo ururrada dalalka kale ee ay ka tirsan tahayba ay u qareento.

Haddaba xilkan ay Soomaaliya qabanayso, muxuu yahay ugu horrayn.

Safiir Xasan Daahir Dhimbil oo horay safiirka Soomaaliya ee Canada u soo noqday ayaa BBC u faahfaahiyay shaqada kursigan. ''Golaha Ammaanka sidiisaba waa 15 xubnood, oo labadii sanoba 15 ayaa guddoomiya shan waa joogto, oo ugu horeeyo Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka. Tobanka xubnood waxa ay ku yimaadaan inta badan sida xarfa magacyada dalalka u kala horeeyaan, waxaana ay joogaan labo sano oo kali ah''

Muddo 50 sano ah kadib Soomaaliya waxaa ay dib ugu fariisatay kursiga golaha ammaanka iyada oo xejisatay muddada 2025 ilaa 2026.

Shaqada madaxweynaha kursigan ayaa dalka hoggaaminaya uu awood u yeelanayaa in dhammaan uu qabto shaqooyinka joogtada ah ee golaha, uuna awood buuxa u leeyahay go'aanada shirka.

''Waddanka guddoomiya golaha howsha ugu weyn ee uu qabtaa ayaa ah inuu guddoomiyo shirarka ka dhacaya golaha, uuna hoggaamiyo dooddooda iyo wada xaajoodkooda, waxaa kale oo ay qabtaan isku-dabaridka mowduucyada laga hadlayo iyo qaabka loo wada hadlayo iyo inay kala horraysiiyaa dooduhu sida ay u kala muhiimsan yihiin,'' ayuu yiri safiir Dhimbil.

Haddaba muxuu uga dhigan yahay kursigan Soomaaliya

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kursigan ayaa muhiim u ah Soomaaliya, iyada oo fursad u helaysaa inay ku soo qaado qadiyadaha dal ahaan u muhiimsan iyo sidoo kale dalalka Afrika iyo saaxibadeeda kale oo qadiyahooda ay shirka ku soo dari karto.

''Soomaaliya waxay uga dhigan tahay inay u hadasho nabadda Afrika oo dhan ka hadasho, gaar ahaan nabadda geeska Afrika oo Soomaaliya ugu horayso iyo la dagaalanka al-Shabaab oo kale oo aad uga hadasho, sidoo kale ka hadasho soo kabashada dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale isbeddelka cimilada'' ayuu safiir Dhimbil.

''Hal bil ayay ahaanayaan guddoomiyaha Golaha Ammaanka bishaas iyaga ayaa awoodda leh inay kala horraysiiyaan mowduucyada laga hadlayo,'' ayuu sii raaciyay safiirku.

Muddada ay ku sugan tahay Soomaaliya golaha ammaanka ayaa ah muddo kooban oo labo sano ah, waxaana fursadan madaxweynaha ay tahay mid muhiimad weyn ugu leh inay ku soo bandhigto waxyaabaha muhiimka u ah Soomaaliya, Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda.