Garoonka tababarka Taekwondo da ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiyo oo laga furay Addis Ababa?

Xigashada Sawirka, World Taekwondo
Sida ay sheegeen xiriirka ciyaaraha Taekwondo dunida, Waxay magaalada Addis Ababa ka daah fureen xarun tababar oo ka dhaxaysa ciyaartooyda Taekwondo ga ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Garoonka ay fureen ayaa qayb ka ah barnaamij lagu taageeraayo ciyaartooyda da'yarta ah ee ka qayb gala tartamadaan, sida ay ku daabaceen boggooda internetka.
Xaflad daahfur rasmi ah oo la qabtay shalay oo ahayd 22-ka Diseembar, waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socday World Taekwondo, Xiriirka Taekwonda ga Soomaaliya, iyo Xiriirka Taekwonda da Itoobiya.
Sidoo kale dadkii kale ee ay ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa madaxweyne Ku-xigeenka Akadeemiyada Ciyaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Xiriirka Taekwondada Itoobiya.

Xigashada Sawirka, Somali Taekwondo
Sida ay sheegeen xiriirka Taekwondo da ee dunida, 23 ka-qaybgalayaal oo ka kala yimid labada dal ayaa ka qayb qaadanaya tababarka, kuwaas oo isugu jira 19 ciyaartooy oo da'yar ah iyo 4 tababare.
Ciyaartoydaas da'yara ah ayaa kala ah 11 will, iyo 8 gabdhood, sida ay sheegeen xiriirka ciyaarahaan ee dunida.
Waxa ay intaa ku dareen, in garoonkaan tababarka loogu talo galay si gaar ah in ay taageerto diyaar-garowga Ciyaaraha Olombikada Dhallinyarada ee ak dhacaya Dakar sanadka 2026, "isla markaana ay waafaqsan tahay yoolalka horumarinta ciyaartooyda ee muddada fog ee la xiriira Ciyaaraha Olombikada Los Angeles 2028".
Ciyaaraha Taekwondo ayaan ahayn kuwa aad caan uga ah gudaha Soomaaliya, balse xiriirka ciyaarahaan ee Soomaaliya ayaa horay uga qayb galay ciyaarahaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sanadkii 2021 kii ayaa gabar Soomaaliyeed oo la sheegay in ay ahayd tii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee dheesha ciyaartan, waxay xaadirtay tartan ka dhacay magaalada Tokyo ee dalka Japan.
Muniira Cabdiwaaxid, waxaa ay ka qeyb gashay cayaaraha lagdanka Taekwondo-ga iyadda oo xidhan xijaabka taa oo soo jiidatay dareenka Soomaalida qurba joogta ah ee ku nool Manchester ee boqortooyadda Ingiriiska.
Muniira oo ah gabar Soomaali ah oo haysata dhalashada Ingiriiska, yaa markii ugu horeysay soo xiratay calanka Soomaaliya sanadkii 2018-kii, iyadda oo ka qeyb galaysa tartanka dhalinyarada adduunka ee la qabtay isla sanadkaasi. Waxaa ay dedaal dheer u gashay sidii ay Soomaliya ugu matali laheyd Ciyaaraha Olombikada ee Paris 2024.
Markii ugu horeysay ee ay muniira ku guuleysatay cayaarahan waxaa ay aheyd da'deedda 15 sano jirka markaa oo ay ku guuleysatay koobkeedii ugu horreeyay ee xulka qaranka Soomaaliya, waana gabadhii ugu horreysay ee xirfadda ciyaarta Taekwondoah guud ahaan Soomaliya.
"Waxa i dhiirigeliyay waa inaan arrinkan u sameynayaa si ay iigu daydaan gabdhaha aniga oo kale ah oo aan fursad u helin," ayay ku tiri wareysi ay siisay Olympics.com iyada oo joogta gurigeeda London.
Muniira oo ku guuleysatay bilada maarta ah ee British Open 2023, oo isku tilmaamtay inay tahay 'weerar yahanad adag' ayaa sidoo kale muujisay hamigeedda ah in ay kor u qaado oo ay u cayaarto Soomaaliya.













