"Aabbahay ayaa aniga oo yar ii sheegay inaan ku biiri doono kooxda Arsenal"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bukayo Saka waxa uu ku biiray akadeemiga Arsenal isaga oo toddoba jir ah. Hadda waa 24 jir, waa shaqsi muhiim u ah Arsenal. Wuxuu uuu u saftay 277 kulan wuxuuna dhaliyay 76 gool. Waxaa aad u jecel taageerayaasha Arsenal isagoo ah nin dhalinyaro ah oo leh dabeecad gaar ah iyo karti.
Markii Arsenal ay gaartay finalka Europa League 2019 oo ay ku guuleysatay FA Cup 2020, Saka wuxuu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan. Waa ciyaaryahan da'yar oo door weyn ka ciyaara xulka qaranka England.
Waxa uu isku dayayaa in uu horyaalka Premier League kula qaato Arsenal xilli ciyaareedkan. Mikel Arteta ayaa muujiyay rajada uu ka qabo inuu heshiis cusub u saxiixo Arsenal.
"Waan ogahay inuu doonayo inuu nala sii joogo," ayuu yiri Arteta, isagoo xusay xiriirka Saka uu la leeyahay Arsenal.
"Waxaan dooneynaa inaan sii wadno safarkiisa kooxda iyo hibada uu soo bandhigay.
Waxa uu BBC-da u sheegay sida uu u ugu guuleystay riyadiisii ahayd in uu u ciyaaro Arsenal tan iyo yaraantiisii, waxa ay kubbada cagtu isaga uga dhigan tahay, waxa uu soo maray si uu u gaaro heerka uu hadda joogo iyo waxa uu doonayo in uu noqdo marka uu ciyaaraha joojiyo.
Waa Qeyb ka mid ah wareysi xiisa badan oo ay BBC la yeelatay ciyaaryahanka caanka ah ee Bukayo Saka .
BBC: Maxaad ku dooratay kubbadda cagta?
Saka: Aniga ahaan, kubbadda cagta waa farxad, riyadeydu waxay ahayd inaan ciyaaro kubbadda cagta tan iyo markii aan bartay waxa ay tahay.
BBC: Miyaadan ku talo jirin inaad wax kale noqoto?
Saka: Waligay maskaxdaydu may ahayn - malaha qoyskaygu waxay moodayeen inaan wax kale noqon doono. Waxay igula taliyeen inaan helo beddelka kubbadda cagta. Fikirkoodu waa sax; laakiin wax kale oo maskaxdayda ku jiray oo aan ahayn kubbadda ma jirin.
BBC: Waa maxay xusuustaada ugu horreysa marka ay timaaddo inaad ciyaarto kubbadda cagta?
Saka: Waxaan xasuustaa inaan guriga kula ciyaarayay walaalkay iyo aabahay. Waxay ahaayeen laba iga so horjeeda. Ma aqbali jirin guuldarrada, waan ooyi jiray haddii aan guuldarraysto.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
BBC: Imisa sano ayaad jirtay markaas?
Saka: Wax ka badan afar ama shan sano.
BBC: Ma xasuusataa kooxdii kuugu horeysay?
Saka: Waxaan u ciyaaray Greenford Celtic. Wax walba waan xasuustaa - laga soo bilaabo dharkii aan xiranay ilaa ciyaarihii aan ciyaarnay. Dharka kabaha waxay ahaayeen kuwa cagaaran oo leh saxan cad oo leh calaamad u eg Celtic. Ka dib markaan ku ciyaarno beerta, waxaan iska bixin jirnay kabaha dhoobada ah waxaana ku garaaci jirnay ulo si aan dhoobada uga fujino. Wax walba waan xasuustaa. Waxa uu ahaa cutub muhiim u ah socdaalka noloshayda, oo aan aad ugu riyaaqay.
BBC: Xagee ku ciyaareysay xiligaas?
Saka: Had iyo jeer waxaan doonayay inaan ka ciyaaro khadka, halkaas ayaan ku soo koray - waxaan ka ciyaaray dhanka bidix.
BBC: Mar walba ma waxaad doorbidi jirtay Arsenal?
Saka: Haa, markii aan yaraa qoyska ayaa go'aan ka gaarayay, sababtoo ah waxaan ahaa ilmo, Aabahay ayaa hadalak soo koobay oo yiri, 'kooxda aan ku rajeenayo inaad u ciyaarto waa Arsenal. Waxaan ku iri waayahay, sidoo kale.
BBC: Muxuu Arsenal u dooratay?
Saka: Runtii wuu rumaysnaa Arsenal, wuxuu u maleeyay inay tahay dariiqa guusha, way cadahay. Arsena Wenger ayaa wakhtigaas masuul ka ahaa, markaa waxaad arkaysaa sida uu u jeclaa Akademiyada, ciyaartii Arsenal iyo heerka sare ee Arsenal ee uu u soo ciyaaray. Markii aabahay uu eegay waxaas oo dhan, wuxuu go'aansaday in Arsenal ay tahay kooxda saxda ah ee aan ku biiri karo.
BBC: Maxay ahayd dareenka gaarka ah ee ku aadin in adiga oo ahaa taageeraha Arsenal, aad hadana u ciyaarto Arsenal?
Saka: Waxaad u qaadan kartaa riyo rumowday. Ilaa caruurnimadeydii garoonka ayaan aadi jiray oo Arsenal ayaan daawanayay, hadda waxaan ka mid ahay kuwa garoonka ku ciyaara. Qoyskii ka hadlayay Arsenal, oo hadda ka mid ah kooxda taas aad ayay kuu farxi galinaysaa markaan dib u milicsado wakhti kasta, aad ayaan uga helaa.













