Gerardo Bedoya: Ciyaartoyga ugu "akhlaaqda xun" kubadda cagta dunida

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Marka uu ka soo muuqdo telefishinka, waa in weriyaha uu jeebka ku heystaa kaarka casaanka (roosaha), maxaa yeelay sumcadiisa waa mid ka sareysa waxwalba". Waa sheekada Gerardo Bedoya oo ah ciyaarayahanka ugu badan adduunka ee heysta kaarka casaanka ee ciyaartoyda looga saaro garoonka, marka khaladaad ay galaan.
Weriye Carl Worswick oo degan caasimadda Colombia ee Bogota, waxna ka qora arrimaha ciyaaraha kuma cusba shakhsiyadda Gerardo Bedoya.
Bedoya, oo ay da'diisu tahay 44 san, waa ciyaartoyga inta la ogyahay ugu badan ee kaarka casaanka loo taagay, taariikhda kubadda cagta.
"Kahor inta aanan aadin hoygiisa si aan halkaas ugu soo wareysano, waxaan ka sii duubnay muuqaal uu ku faafaahiyay shakhsiyadiisa balse wuuu ka duwanaa wixii laga filayay," ayuu yiri Worswick oo la hadlay BBC-da, qeybta ciyaaraha.
WUxuu cadeeyay in marka uu garoonka ku jiro iyo marka kale uu kala duwan yahay."Wuxuu ahaa ciyaartoy aad u taya wanaagsan balse taas kama asyan weecin qeybaha kale ee mustaqbalkiisa, waxaana warbaahinta ay inta badan ku tilmaamaan ciyaartoyga ugu akhlaakhda xun adduunka.
Bedoya waxaa uu qaatay 45 kaar oo casaan labaatankii sano ee uu ku jiray kubada cagta oo ku ekeyd sannadkii 2015-kii.
Xilliyadaas waxaa laga saaray ciyaaraha muddo dhowr jeer ah. Sidoo kale waxaa la ganaaxay sannadkii 2016-kii, xilligaas oo uu ahaa tababare ku xigeen kubada cagta ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid ka mid ah ganaaxyadii la saaray wuxuu ku muteystay suxu uul ku dhuftay ciyaartoy katirsanaa koox la ciyaareysay. Waxaa xilligaas laga mamnuucay 15 kulan.
Inkasto arrimahaas oo dhan ay muuqdaan, haddana Bedoya waxaa la dareemi karaa in uu laacibkan yahay qof "aan qumaneyn" balse dadka qaar waxay amaanayaan hab-dhaqankiisa.
"Wuxuu lahaa shakhsiyad aad u qalafsan," ayuu hadalka sii raaciyay Worswick oo intaa ku daray in "marwalba oo uu arka kaarka casaanka in uusan is xakameyn karin, waxwalbana ay ka suuragal tahay".
"Markii dibadda garoonka looga saaray ciyaar socotay 21 daqiiqo oo uu tababare ku xigeen uu ka ahaa, waxaa ku qoslay ciyaartoyda oo aamini waayay wixii dhacay."
Ciyaartoyda qaar ka mid ah ayaa sheegay "inay ogaayeen in taas ay dhaceyso, maadaama ay aqoon u leeyihiin shakhsiyadiisa."
Ciyaaryahankan oo dhashay sannadkii 1975, wuxuu xubin firfircoon ka ahaa kooxdii Qaranka Colombia, waxayna sannadkii 2001-dii kala qeybgalay tartanka Copa America, xilligaas oo kubadda uu ka laaday meel ka baxsan aaga gool ku laadka, taasi oo dalka Colombia u sahashay inay ka adkaato xulka Honduras, waxaana ciyaarta kama dambeysta ay ka guuleysteen xulka Mexico oo hal iyo eber ay uga adkaadeen.
Inkastoo ciyaaryahankii hadda hawlgabka noqday uu u soo dheelay kooxo badan oo Latin Amerika ah, haddana wuxuu inta badan wakhtigiisa ku soo qaatay gudaha Colombia.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxihii uu u soo dheelay waxaa ka mid ah Santa Fe oo aanan in muddo ah wax horyaal ah ku guuleysanin balse uu ka caawiyay in ay ku guuleystaan koob sannadkii 2012-kii.
"Taageerayaasha Santa Fe ayaa si wayn u jecel laacibkan Bedoya, sababtoo ah wuxuu ahaa ciyaartoy weerarka ku wanaagsan," ayuu yiri Worswick.
"Bedoya wuxuu kasabaday ixtiraam oo wuxuu dhaliyay goolal badan balse isaga waxaa uu dareemaa in waxa keliya ee lagu xusuusto ay tahay kaararka casaanka ee uu qaatay iyo ganaaxa la saaray."
Sannadkii 1998 Bedoya wuxuu u ciyaarayay kooxda Deportivo Cali ee dalka Colombia, waxaana intii uu ku sugnaa kooxdaas ay ku guuleysatay saddex koob, si lamid ahna 14 jeer ayaa la siiyay karaka casaanka.
Intaas oo keliya kuma ekeyn ee waxaa garoonka oo dhan laga saaray shan jeer.
Ciyaartoy ay soo wada dheelen Bedoya oo lagu magacaabo Omar Vasquez wuxuu aaminsan yahay in arrimo badan oo wanaag ah uu leeyahay laacibkan heysta kaarka casaanka ugu badan ee adduunka.
"Waa wax lama filaan ah in dadka aysan waxa wanaagsan kugu xusuusanin, waxaa Bedoya marwalba lagu xusuustaa in uu yahay ciyaaryahan qiima weyn leh oo u dhashay dalkeena Colombia," ayuu Vasquez oo la hadlay BBC Sports.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Bedoya wuxuu ahaa nin marwalba guuleysta, taariikhdana galay, kuna soo guuleystay tartamo badan muddadii uu katirsanaa kooxaha ugu wanaagsan dalalka Argentina iyo Colombia," ayuu hadalkiisa sii raaciyay Omar.
Waxaa kale oo uu sheegay in isaga ka shakhsi ahaan ay sharaf weyn u ahayd inay isku meel dharka ciyaaraha ka soo wada xirteen Bedoya, maadaama uu yahay qof guulo badan soo hoyay, intii uu ku jiray ciyaaraha. Wuxuuna sheegay: "Waxbadan oo wanaagsanna ayaa ku xusuustaa".
Taariikhda Bedoya ee kaarka casaanka ah ma ahan mid lala yaabo oo waxaa ku soo xiga ciyaaryahanka caanka ah ee u dheela kooxda Real Madrid, una dhashay dalka Spain, Sergio Ramos oo 26 jeer laga saaray garoomada kubadda cagta, waxaana u dambeysay ciyaartii kooxdiisa ay la laheyd Man City.











