DJ Nasra: 'Raggu waxay iila xifaaltamaan sidii gabdhihii'

Nasra Xasan, gabar dhallinyaro ah oo ku nool Nairobi waa gabadha kaliya ee Soomaaliyeed ee ku shaqaysa xirfadda DJ ee isku dubaridida music ga goobaha xafladaha.
Markii ay la kulanto haween doonaya in ay munaasabado dhigtaan way u riyaaqaan, waxay waydiiyaan taleefankeeda iyaga oo ka codsada in ay DJ ka noqto xafladooda.
“Aroosyada qaar oo waxaa jirta kaligeey DJ iyo kaamira aan isku qabanaayo, sababtoo ah qof kale oo I caawinaya malahan, wiilalna looma ogola” ayay tiri Nasra.
Balse fursadaan ay Nasro heshay caqabad ayay ku noqotay rag badan oo shaqadaan horay ugu jiray, waxayna bilaabeen in ay ka hor istaagaan shaqada.
Waxay noo sheegtay in ragga oo shaqadaan isasiiyay ay marar badan dib ula xiriiraan macaamiisheeda, iyaga oo u sheega qiimo ka jaban kii ay kula heshiisay, taas oo sababta in ay dib u fakaraan dadka munaasabadda qabsanayay, go'aankoodana badalaan.
Mar kale waxay sheegtay in ay laaluush siiyeen rag hubaysan, kadibna la xiray, muddana ay xabsiga ku jirtay. Dhacdooyinkaan iyo kuwa la mid ah oo badan oo xirfadaan darteed u soo gaaray ayaa ka niyad jabiyay shaqadeeda marar badan.
“Aniga maraan ka fariistay [shaqadaan], sanad camal. Marka qof isoo wacaba waxaan dhihi jiray waan mashquulsanahay.” ayay tiri Nasra.
Balse mar dambe ayay ku soo noqtay suuqa, waxayna go’aan ku gaartay in ay wajahdo caqbadaha qaar.
Nasra waxay inta badan u shaqeysaa aroosyada Soomaalida, markii aan wareysaneynay waxaan kula kulanay aroos ay lahaayeen lamaane Soomaaliyeed, ka soo qayb galayaashu waxay dhamaantood ahaayeen haween oo kaliya. Waxaad dareemi kartaa markii ay joogto goob nuucaan oo kala ah xiriirka kala dhaxeeya haweenka, iyo sida ay ugu kalsoon yihiin in ay haystaan qof dumar ah oo shaqadaan u qabta.
Soomaalida oo u badan dadka dhaqanka ku adag ayaan jeclayn in raggu ay soo galaan kulamada ay haweenka oo kaliya qabsadaan, waxay u egtahay in tani xitaa ay fursad u noqotay haweenka Soomaaliyeed.
Marar badan Nasra waxaa u yimaada gabdho da’yar sideeda oo kale kuwaas oo u sheega in ay shaqdeeda oo kale jecel yihiin.
“Gabdhaha qaarkood way iyaqaanaan, qoraal ayay iisoo qoraayaan waxay dhahayaan inaan adiga camal noqonaan rabnaa…aniga waxaan dhahaa waan idin baraa, diyaar waaye”.

Waalidka Nasra
Bilowgii, waalidka Nasra waxay isku dayeen in ay ka joojiyaan xirfadaan iyaga oo u baqdin qabay amnigeeda, maadama ay xafladaha aroosyada dhamaadaan xilli dambe oo habeenkii ah, taasina ay walwal ku abuurtay waalidka Nasra.
Laakiin muddo kadib way aqbaleen xaqiiqada ah in ay daba socoto shaqada ay mar walba ku niyadsantahay qabashadeeda.
Dhanka kale, xirfadda kale ee ay xiisayso Nasra ee ciyaaraha ayaysan ku qancin waalidkeed, waxay noo sheegtay in marka hooyadeed aragto iyada oo ku soo daashay kubadda, wajigeeduna uusan u dhalaaleyn sidii gabdhaha guryaha jooga ee dhaashada, in ku dhihi jirtay ‘sidaan ma waxaa kuu soo galay banooni?’

Nasra iyo xiisaheeda kubadda
Mar laga soo tago shaqada DJ nimada, Nasra waxay leedahay xirfad kale oo iyadana mid rageed looga tixgaliyo bulshada Soomaalida dhexdeeda, taas oo ah kubadda cagta.
Markii ay yareed ayay qayb ka noqtay koox gabdho ah oo ciyaara kubadda cagta, oo ka dhisnaa iskuulka ay dhigayneysay.
Sanado badan kadib waxay u dalacday in ay noqoto ciyaariyahan xubin ka ah koox kubadeed oo ciyaara horyaaladda gabdhaha ee Kenya.
Waxay sheegtay in dhallinyaradu ay wadada markay marayso istaajiyaan oo waydiiyaan su’aalo ay kamid yihiin ‘Walaaleey gym miyaad dhigataa?’ taas oo ay ula jeedaan sida uu tababarku u solay jirkeeda.
Mar aan waydiinay in ay shukaansiga caqabd kala kulanto, Nasra waxay tiri ‘Qof ku jecel sidaa tahay ayuu kugu qaadanayaa.












