Dawlad la wareegaysa gawaarida ay saaran yihiin dumarka aan xijaabneyn

Iraan

Xigashada Sawirka, HANDOUT

Haweenka Iran ayaa diiday isku dayo cusub oo mas'uuliyiintu ku doonayeen in ay u adeegsadaan tignoolajiyada si ay u meel mariyaan xeerka labiska ee qasabka ah kaas oo sababay mudaaharaadyada ka dhaca dalka oo dhan.

Bishii Abriil, taliyaha bilayska qaranka Iraan Ahmad Reza Radan ayaa ku dhawaaqay bilawga barnaamij "cusub oo la adeegsanayo teknoolagiyad casriga ah" ah oo kamid yihiin kamaradaha qarsoon ee wax duuba si loo ogaado haweenka ku guul daraystay inay daboolaan timahooda ama xirtaan dhar dabacsan oo aan ku habbooneyn goobaha fagaaraha ah inkasta oo ay halis ugu jiraan ganaaxyo ama xabsi.

Fariin katimid Booliska Iraan

Xigashada Sawirka, HANDOUT

Taliyaha ayaa ka digay in dadka lagu qabto iyagoo jabinaya sharciga xijaabka loo gudbin doono maxkamadaha, in lagala wareegi doono baabuurta ay saaran yihiin haweenka rakaabka ah ee timaha qaawan iyo sidoo kalena la xirayo goobaha ganacsiga ee iska indha tira xeerka.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa waxaa ka dhashay falcelin dhanka baraha bulshada ah taaso kicisay jawaabo jeesjees ah, iyadoo qaar kamid ah haweenku Iraan ay barahooda soo galiyeen sawirro iyo muuqaallo muujinaya oo aan xirnayn xijaabka oo kusugan gobo fagaare ah .

Markii ugu horeysay oo talaabo noocan ah ay boolisku ku dhawaaqaan

Muddo dhowr sano ah, dadku waxay sheegi jireen inay heleen fariimo digniin ah oo ku saabsan xadgudubyada xeerka labiska ee gudaha baabuurtooda oo lagu aqoonsaday kamaradaha qarsoon lagau xakameeyo wadooyinka ay baabuurta maraan.

Balse waa markii ugu horeysay oo maamulka uu ku hanjabo in uu la wareegi doono baabuurka ay saaranyihiin dumarka timaha qaawan ama ay dadkaas ganaaxi doonaan .

"Waxaan helay farriin gaaban muddo bil ka hor ah oo ay ku qoran tahay taarikida baaburkeyga ka dib safar aan aniga iyo dumar saaxiibadeyda ah isu wada raacnaya oo aan ku aadnay magaalada Damghan. Inta badan ma aannu xirnayn xijaabka," ayay haweeney u sheegtay BBC-da.

Gabdhaha kale ee ila socday ayaa iyaguna sheegay inay fariimo la mid ah mida aniga la isoodiray ay heleen , taas ooloogu sheegayo in baabuurtooda lagala wareegi doono hadii ay mar kale fagaarayaasha usoo baxaan iyagoon xijaabneyn.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Farriimaha sidoo kale waxaa kujira lifaaqyo loogu sheegay inay raacaan oo ay oga doodi karaan edeymaha loo soo jeediyay hadii ay rabaan.

Nin ka mid ah dadka kunool Iraan ayaa sidookale sheegay in loo soo diray fariin ay ku qoran tahay taarikada baabuurkiisa iyo goob uu maray maalintaasi , “marka laga reebo in aanu wax haweenay ah la socon wakhtigaas ama aysan joogin goobtaas”.

"Anigu keligay ayaan ahaa, kamaraddoodu maaha kuwo sax ah," ayuu raaciyay.

Ninkan oo aan magaciisa la sheegin ayaa BBC-da u soo diray sawir muujinaya inuu timo dheer leeyahay.

Ragga ayaa sidoo kale sheegay in ka dib ku dhawaaqistii talaabadan ay heleen fariin aan kala sooc lahayn oo ka timid bilayska oo leh: "Muwaadin, waa lagama maarmaan in la ixtiraamo oo la raaco sharciga xijaabka.

"Dadka qaar ayaa waxay ku maadeysteen tikinoolagiyadan. Nin kamid ah dadka kunool Iraan aya ku soo qoray bartiisa Instagram: "Sida tan miyay tignoolajiyadaadu u caqli badan tahay?"

Qareenada qaar ayaa ku dooday in talaabadan cusub ee booliska iyo garsoorka ay tahay mid sharci darro ah.

Mohsen Borhani ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in baabuurta lala wareego xijaab la’aan awgeed wax sharci ah kuma laha dastuurka waana dambi. Garsoorka oo arrintaas ka jawaabaya ayaa ku celceliyay in “xijaab la 'aan oo la socdo marka aad joogto banaanka waa dambi”.

'Ma aannan iloobin'

Dhanka kale, haweenku waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah xijaabka khasabka ah, inkastoo ay sii kordhayso khatarta ah in la ciqaabo.

"Dad badan oo dhallinyaro ah ayaa dhintay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si aan dib ugu laabano sidii aan awal ahaan jirnay," ayay tiri haweeney dhallinyaro ah oo ku sugan magaalada Semnan ee dalka Iraan.

Dad ka mudaharaadayay xirashada Xijaabka ee qasabka ah

Xigashada Sawirka, TWITTER

Waxay ka hadlaysay caburinta arxan darada ah ee lagu sameeyay dadkii ka qeyb qadayayay mudaaharaadyadii ka dhashay dhimashadii Mahsa Amini ee xabsiga lagu hayay bishii September ee la soo dhaafay.

Gabadhan oo 22-jir ah ayaa waxaa xiray booliiska akhlaaqda oo lagu eedeeyay inay xijaabkeeda u xiratay "si aan sax ahayn".

Dumarku Iraan waxay sheegeen inaysan is dhiibi dooniin

Mid ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha dumarka, oo la xirneyd tan iyo markii ay mudaaharaadyadu billowdeen, balse banaanka kujoogto dammaanad, ayaa BBC u sheegtay: "Wixii aan arkay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, dumarku isma dhiibi doonaan, dumarku waxay u muuqdaan kuwo aan la dhacsanayn hanjabaadahan cusub."

Waxay kaloo rumaysatay in maamulku Iraan ay dhexda u galeen xaalad adag.

Iraan

Xigashada Sawirka, HANDOUT

"In bilaysku ku lug yeesho arrinta xijaabka waxay sii ballaarinaysaa khilaafka u dhexeeya dadka iyo dawladda," ayuu yiri Hossein Alaiee, oo ah taliyihii hore ee darajada sare ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).

"Waxaan aragnay talaabada booliska akhlaaqiyaadka ay u abuurtay dib u dhac iyo inay kororto tirada haweenka aan xijaabnayn."