Maxaa loo hadal hayaa heesta cusub ee fannaan K'naan?

Fanaanka Soomaaliyeed ee haysta dhalashada waddanka Canada K'naan Abdi Warsame, ayaa soo qaaday hees cusub oo loogu magac daray 'Refugee' oo macnaheedu yahay qaxooti. 20 kii bishaan ayaa ku beegnayad maalinka qaxootiga adduunka.

Heesta oo uu ku soo bandhigay barahiisa bulshada ayaa dad badan hadal hayaan, si gooni ahna u xiisayaan, iyaga oo u muujiyay fanaanka in ay muddo dheer sugayeen hees isaga uu leeyahay.

Heestaan ayuu sheegay K'naan in uu sugayay waayo badan inuu qoro, taas oo dib u gocanayo markii isaga oo yar oo qaxooti ah ay hooyadiis la soo gashay magaalada Canada.

Fannaanka ayaan heeso uu isaga qudhiiso qaadayo soo saarin muddo dhawr sano ah.

Maxaadan ka ogayn nolosha K'naan

K'naan inta badan waxaa lagu yaqaanaa heesihiisa iyo magaca 'K'naan' oo ah kan uu madalaha uu ku soo bandhigo fankiisa uu ku isticmaalo. Balse, wuxuu waddanka uu joogo ee Canada ku soo galay qaxootinimo isaga oo da'yar. Qoyskiisa ayaa ka soo cararay dagaalada sokeeya ee ka bilowday Soomaaliya, sagaashamaadkii.

Qoraal kooban oo uu ku soo qoray bartiisa Instgram ayuu ku yiri: 'Markii ugu horeysay waxaan imid Canada iyada oo baraf da'ayo. Waxaan ahaa 12 jir, hooyadeey ayaa ii waday mall ka Albiono iyada oo ii iibisay alaab bug ah (alaab shirkadihii asalka u lahaa aysan soo saarin).

K'naan wuxuu sheegay inuu la dagaalay wiil Jamaican ah oo lagu magacaabo Kevin. 'Arrinta qosol leh ayaa ahayd inaan u baahnaa in caydiisa la'ii turjumo' ayuu yiri.

'Waxaa kale oo jirta inaan gabar weydiistay taleefankeeda' ayuu yiri 'way isiisay, waanan ku farxay. Waan xifdiyay maadaama uu fududaa, balse waxaan ogaaday sababta uu u fudadaa in ayhayd, wuxuu ahaa numberka shiradda Pizza Pizza (oo ah shirkadda laamo badan leh sameysana bitzaha). Waxay gabar Soomaaliyeed balse ku kortay qurbaha.

Sanadkaan iyo qaxootiga Soomaalida

Sanadkaan gudahiisa in ka badan 299,000 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku barakacay gudaha waddanka. waxaan sababay colaado, abaaro iyo daadad.

Dhanka kale waxaa jira tahriibayaal badan oo ka cararay waddanka, oo badankood yihiin dhalinyaro. Ku dhawaad 10 kamid ah fanaan Soomaaliyeed oo caanka ahaa muqdisho iyo meelo kale ayaa iyana kamid ah dad tahriibay. badankood waxay u tahriibeen dalka Maraykanka iyaga oo maray wadamada Latin America.