Maxaa la go'aamiyay markii la isku qabsaday milkiyadda dayaxa?

Dayaxa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sanadkii 1960 kii, dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyay Maraykanka iyo Midowgii Soofiyetka ayaa sii xumeeyay siyaasadda dunida.

Xiisadda u dhaxeysa labad quwadood ee waawayn ayaa isu badashay tartan u muuqday mid lagu xifaalatamayay siyaasadda caalamiga ah . Waxaa jiray laba qodob oo waawayn oo tartanka asal u ahaa intii uu socday dagaalkii qaboobaa.

Kan koobaad ayaa ahaa horumarinta hubka wax gumaada ee nuclear ka, halka qodobka labaadna ahaa sida loogu kala xog ogaalsan yahay hawada sare ama xiddigaha.

Dagaalkii qaboobaa wuxuu sabab u noqday in la darso culuum fara badan oo ku saabsan xidiigaha, taas oo keentay soo ifbaxa su’aal ah, Yaa iska leh bisha?

Soofiyetka ayaa uga guuleystay Maraykanka tartankaas isaga oo ka dagay dayaxa. Waagaas in baaritaanada ku saabsan dayaxa ayaa ahaa waxa aad loo xiisaynayay.

Soofiyetka ayaa bartamihii sanadadii 1950 ilaa 1960 kii dayax-gacmeed u diray dayaxa. Bishii September ee sanadkii 1959 kii aya adaxgacmeed lagu magacaabo Luna-2 oo ay lahaayeen Midowgii Soofiyet ku dul hoobtay oogada sare ee dayaxa markii ugu horeysay.

Kadib, bishii October ee isla sanadkaas ayaa dayax-gacmeed kale oo lagu magacaabo Luna-3 gaaray dayaxa. Sawirkii ugu horeeyay ayuu dayax-gacmeedkaas ka soo diray oogada dayaxa.

Kadib, bishii Febraayo ee sanadkii 1966 kii ayuu dayax-gacmeed kale oo lagu magacaabo Luna-9 ayaa waxaa diray Soofiyetka, waxay noqoneysay markii afaradaa oo ay dayaxgacmeed diraan. Afar bil kadib dayax-gacmeedkii Maraykanka ee loogu magacdaray Surveyor-1 ayaa isna dayaxa ka dagay.

Dayaxa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xiisad ka dhalatay lahaanshaha dayaxa.

“Tartankii cilmibaarista xiddigaha wuxuu abuuray jawi xiisad wata oo u dhaxeeya wadamada caalamka” sidaas waxaa yiri sanisyahan sare Vigyan Prasar Sanstha oo BBC da la hadlay.

“Sababtoo ah waqtigii gumaysiga waxaa sharci aan qornayn ahayd in waddanka ugu soo hor hela dhul cusub uu isagu leeyahay”.

Muxuu yahay heshiiska dayaxa?

Qaramada midoobay ayaa saxiixday heshiis lagu magacaabo ‘Heshiiskii Dayaxa’ kaas oo lagu xalinayo cidda leh milkiyadda dayaxa.

Heshiiskaan ayaa sheegaya in dayaxu uu yahay hanti dabiici ah oo ay leeyihiin aadanaha oo dhan. Uusanna jirin waddan sheegan dayaxa ama xataa dawlad ka dhisan kara.

Heshiiskaan ayaa doodiisa waxay dhacday sanadihii 1972 dii ilaa 1979 kii waxaana lagu saxiixay magaalada New York sanadkii 1979 kii. Balse wuxuu u baahnaa inay saxiixaan ilaa shan waddan si uu u dhaqan galo. Wuxuu dhaqan galay sanadkii 1984 tii xilligaas oo Austria qalinka ku duugtay.

Balse wadamada Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka oo dayax-gacmeedyo u diray dayaxa wali ma aysan anxsixin heshiiskaas.

Dayaxa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Markii ay bani’aadan tageen dayaxa

Kadib markii uu nin ku dul dagay dayaxa sanadkii 1960 kii ilaa 1970 kii Maraykanka ayaa markale isku dayaya qof kale u diro oogada dayaxa. Barnaamij lagu magacaabo Arteemis ayuu maraykanku u aasaasay qorshahaas.

Qorshahaan waxaa Maraykanka kula jira hay’adaha cilmiga hawada u qaabilsan Mraykanka qudhiisa, kuwa Canada, japan iyo Yurub. Wajiga koobaad ee qorshahaan ayaa bilowday sanakdii 2022 kii halka la filayo in wajiga labaad uu bilwdo sanadka 2024 ta.

U jeedada qorshahaan ayaa ah inay la wareegaan dayaxa si ay uga dhigtaan meel ay uga duulaan xiddiga Maaris.

Balse shirkadda wayn ee NASA ayaa dooneysa in ay isticmaasha shirkadda cilmiga hawada ee uu leeyahay taajirka Elon Musk si ay mar labaad bani’aadan uga dul dajiso dayaxa.

Heshiis waxaa wada galay labad shirkadood ee Maraykanka ah Sech Blue iyo Dianetics.