Maxay tahay sababta dhakhtar Muslim ah loogu eedeeyay inuu ilmaha ka xiray kumanyaal haween ah

Ma waxaa jira kaniini ka dhigi kara qofka inuusan ilmo dhalin? Weligaa ma maqashay dhaqakhtar ilmaha ka xiraya haweenka?
Dhammaan waxyaabahaas beenta ah ayaa waxaa wareejinayay koox Mulimiinta ka horjeeda oo Budista ah oo mayal adag kuwaas oo ku nool dalka Sri Lanka.
Wararka waxay sheegayaan in Musliiinta laga tirada badan yahay ee ku nool dalkaas ay si qarsoodi ah isugu dayayaan inay ilmaha ka xiraan haweenka bulshada Budistaha ee dalka ku badan.
Nin dhakhtar ah oo ka soo jeeda magaalada Kurunegala ee waqooyi galbeed ayaa bartilmaameed u noqday sheegashadaas gaarka ee aan macquulka aheyn.
“Waxaan ahay Muslim, waxaana laygu eedeeyay in aan si qarsoodi ah ilmaha uga xiray 4,000 oo haweenka Budistaha ah” ayuu BBC-da u sheegay Dr. Muxamed Shafi.
Dhakhatarka ayaa si beenan-buur ah loogu eedeeyay inuu ku xiray qalab tubooyinka ilmo-galeenka haweenka Budistaha mar uu qaliinka ilmo dhalista ku sameynayay si uu uga hortago inaysan carruur kale dhalin.
Dhakhtarka waxaa la xiray 24-kii bishii May sanadkii 2019-kii waxaana lagu qaaday dambi argagixiso.
“Dambiilayaal ayaan isku meel ku xirneyn” ayuu yiri Dr. Shafi oo intaas ku daray “waxaan la yaabay sababta ay intaas iigu sameeyeen” xaaskeyga iyo saddexdeyda carruur ayaan la joogi lahaa.
Shafi wuxuu xirnaa labo bilood. Bishii July sanadkii 2019-kii ayaa la sii daayay waxana ku socotay markaasi baaris.
Afar sano kaddib xarigiisa ayey wasaaradda caafimaadka dib ugu soo celisay ruqsadda shaqadiisa. Bishii May sanadkan ayuu shaqada ku laabtay Maxamed Shafi maadama la waayay cadeyn la xiriirta dambiga loo haystay.

Xigashada Sawirka, divaina
Muslimiina waxay dalka ka yihiin 10 boqolkiiba, Hinduugana 12 boqolkiiba halka Kiristaanka 7 boqolkiiba.
Sri Lanka waxaa hore uga dhacay weeraro ay kooxda dowladda Islaamka geystay kuwaas oo keenay weeraro Islaamka looga horjeedo.
2019-kii bil kaddib weerarka ayuu wargeyska dalka ugu weyn wuxuu qoray “Dhakhaatiirta Jamaatul-Tawhid waxay ilmaha ka xireen 4,000 oo haween Budista ah”
Wargeysa ma jirto cid uu soo xigtay mana keenin cadeymo balse sawirka Dr. Shafi iyo eedda wargeyska ayaa Facebook la soo dhigay

Xigashada Sawirka, AFP
Waraabhinta iyo saameynteeda
Sheekada ayaa soo jiidatay dareenka dadka kaddib markii ay Tv-yada dalka baahiyeen warka la xiriira eedahaasi. Baraha bulshadana waxaa ku faafay warka beenta ah
“Waxaa lagu eedeeyay oo laygu tilmaamay si cad inaan argagixiso ahay” ayuu yiri Dr. Shafi oo intaas ku daray kicinta telefishinada iyo wararka beenta ee baraha bulshada ayaa nolosheydi burburiyay.
Hadalada beenta ah ee la xiriira ilmo xirista inay yihiin hub ay adeegsadaan Mislimiinta si ay u xukumaan Sri Lanka ayaan aheyn wax cusub. Sanadkii 2018-kii ayaa milkiile maqaayad waxaa lagu eedeeyay inuu cuntada ugu daro kaniini ilmaha lagu joojioyo macaamiisha Budistaha ah.
Kaddib markii la xiray Dr. Shafi ayuu wadaad Budista ah, Warakaguda Sri Gnanaratana, ku baaqay in la tuuryeeyo Muslimiinta, wuxuuna u sheegay Budistaha inay ka horjeestaan Muslimiinta













