Tobanka dal ee ugu awoodda badan dunida Muslimka

Xigashada Sawirka, AFP
'Dunida Muslimka' waxay ka bilaabataa galbeedka Afrika ilaa koonfur bari Aasiya. Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa xubno ka ah ilaa 57 waddan.
Dagaalada ka socda Ciraaq, Liibiya, Suuriya iyo Yemen, iskahorimaadka ka socda Afgaanistaan, Gacanka Siinaay ee Masar, iyo rabshadaha ka socda dhulka Falastiin, ciidamada gobolka ayaa ku qasbanaaday in ay si degdeg ah ula qabsadaan dagaalka caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn, xaaladaha qaarkoodna ay dib u bartaan farshaxanka caadiga ah. dagaal ka dib tobanaan sano oo waxqabad la'aan ah.
Dalka Lacagta ugu badan ee militariga ku bixisay liiska waa Sacuudiga. Sannadkii 2017-kii, miisaaniyadda difaaca ee Riyadh waxay ahay dmidda saddexaad ee adduunka sida uu sheegay Bangiga Adduunka.
Waa kuwan 10-ka dal ee ugu ciidan xooggan iyo qaar tirada ciidan ee qalabka sida;
10) Imaaraadka Carabta

Xigashada Sawirka, FRANK GARDNER
Cidanka hadda shaqada kujiro: 64,000
Miisaaniyadda ciidamada 2017-kii: $14.37 bilyan
Imaaraadku waxa uu haystaa darajada ugu sarraysa ee dalalka ay jaarka yihiin ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC).
Qaar kamid ah ciidamadeeda ayaa ka qeyb galay jiidda hore dagaalada Afgaanistaan, Liibiya iyo Yemen. Waxy si weyn ugu tiirsan yihiin dad calooshood u shaqeysta yaal ah oo kayimid Latin America iyo dalka Eriteriya.
9) Suuriya

Xigashada Sawirka, AFP
Cidanka hadda shaqada kujiro: 154,000
Miisaaniyadda 2017: $1.87 bilyan
Ka dib sanadooyin dagaal ba'an uu halka ka socdo, millatariga Suuriya waa hadhka kuwii horay u lahaan jirtay , laakiin dagaalku wuu adkaaday.
Milatarigeeda waxaa xoojiya maleeshiyaadka Iran, ciidamada Ruushka iyo maleeshiyaad maxalli ah oo gaar ah si ay u sii hayaan nidaamka Assad, ka dib markii ay la kulmeen khasaarooyin culus, qaar badan oo ciidanka oo goostay goosasho , iyo dagaalka oo aadkaaday .
8) Malaysia

Cidanka hadda shaqada kujiro: 110,000
Miisaaniyadda 2017: $4.7 bilyan
Iyadoo Malaysia aysan waligeed ku dagaalamin dagaal caadi ah ka hor, waxay ku faantaa ciidan casri ah oo leh qalab istaraatiijiyadeed oo isku dheellitiran.
Malaysia iyo Shiinaha ayaa ku muransan badda Koonfurta Shiinaha.
Cidaankooda ayaa kamid ah ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay.
7) Algeria

Xigashada Sawirka, AFP
Cidanka hadda shaqada kujiro: 520,000
Miisaaniyadda 2017: $10.6 bilyan
Aljeeriya waa dalka Carabta ugu weyn, wuxuuna si joogto ah u maalgeliyay ciidankiisa tan iyo markii uu xornimada qaatay.
Ciidanka Qaranka Aljeeriya ayaa tan iyo markii dhidibada loo taagay ku jiray dagaallo kala duduwan iyagoo markii ugu horreysay ka qeyb galay dagaal dhiig badan ku daatay oo gobonimo doon ah, dagaal sokeeye oo fool xun oo loogu magac daray 'Tobankii Madowaa', waxaana xigay in ka badan labaatan sano oo ay la dagaallamayeen argagixisada, waxayna ilaalinayeen xudduudahooda muhiimka ah. Sidoo kale waa dalka kaliya marka laga reebo Shiinaha ee soo iibsaday nidaamka gantaalaha S400 ee Ruushka.
Algeria waxay leedahay xuduudo dhib badan waxay deris la yihiin waddamo ay kamid yihiin Liibiya iyo Mali, waxayna si firfircoon u taageertaa Jabhadda Polisario, oo raadisa madaxbanaanida Saxaraha Galbeed ee Morocco.
6) Sacuudiga

Xigashada Sawirka, AFP
Cidanka hadda shaqada kujiro: 231,000
Miisaaniyadda 2017: $69.413 bilyan
Militeriga Sacuudi Carabiya waa militariga ugu hubka wanaagsan gobolka.
Sanadihii la soo dhaafay, waxa ay Yemen kula dagaalameen dagaal dhiig badan ku daatay, isaga oo madax u ah isbahaysiga xulafada la ah.
5) Pakistan

Xigashada Sawirka, ANATOL LIEVEN
Shaqaale firfircoon: 637,000
Miisaaniyada 2017 $7 bilyan.
Milatariga Pakistan waa mid adag, oo leh dhaqan ciidan oo soo jireen ah.
Sanadihii la soo dhaafay, waxa ay ka faa’ideysatay iskaashi xooggan oo ay la yeelato Sucuudiga iyo Shiinaha si ay u casriyeyso ciidamadeeda, iyada oo la adeegsanayo tignoolajiyada milatari ee culus iyo horumarinta hubka.
Hawlgal ahaan, Pakistan waxay ku faantaa mid ka mid ah ciidamada ugu weyn gobolka, oo leh hub isku dhafan oo xoog leh oo ay taageerto adeeg sirdoon oo awood leh iyo dadaal joogto ah oo lagu horumarinayo awooda warshadaha difaaca iyo soo saarista hubka casriga ah iyo rasaasta.
Sidoo kale waa mid ka mid ah wadamada gobolka ee leh awooda nukliyeerka.
4) Indonesia

Xigashada Sawirka, EUROPEAN PHOTOPRESS AGENCY
Cidanka hadda shaqada kujiro: 975,750
Miisaaniyada 2017 $6.9 bilyan
Iyadoo Indonesia lagu wado in ay noqoto dalka afraad ee ugu dhaqaalaha badan aduunka marka la gaaro 2050, ciidankeedu waxa uu sii wadaa in uu kordho.
Marka laga reebo ciidankeeda firfircoon, waxay hoy u tahay 281,000 oo askari oo dheeraad ah.
Waxa hasytaan cudud ciidan, dhaqaale iyo miisaan siyaasadeed oo ku filan hubinta xasilloonida gudaha.
3) Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cidanka hadda shaqada kujiro: 534,000
Miisaaniyadda 2017: $14 bilyan
Waxa ay ku guulaysatay in ay si hufan u maarayso malayshiyaad badan iyada kuwaas oo ka dagaalama waddamo kala duduwan.
Sanado badan oo cunaqabatayn ah, Iran waxay horumarisay warshadeed difaaca qaran oo muhiim ah waxayna samaysay horumar weyn oo ay ku noqonayso dawlad nukliyeer ah.
Ciidamadeeda hubaysan ayaa sidoo kale loo arkaa inay si gaar ah ugu xoogan yihiin dagaalka aan caadiga ahayn. Iran ayaa taageero farsamo iyo mid ciidanba siisay taliska Asad ee Suuriya iyo Xuutiyiinta Yemen.
2) Masar

Xigashada Sawirka, AFP
Cidanka hadda shaqada kujiro: 438,500
Miisaaniyadda 2017: $2.7 bilyan
Kadibmarkii uu talada la wareegay madaxweyne Abdel Fatah el Sisi, militariga Masar ayaa la siiyay xorriyad dheerad ah si ay u ballaariyaan oo ku dhawaad dhinac kasta oo bulshada Masar ah uga qeyb noqdaan, sidookale miisaaniyad difaac oo ballaaran, canshuur dhaaf iyo qandaraasyo gaar ah oo faa'iido leh.
Milateriga Masar ayaa horumar weyn ka sameeyay casriyeynta ciidankooda tan iyo markii Sisi uu xukunka la wareegay, iyagoo si tartiib tartiib ah u soo iibiyay hub cusub oo casri ah.
Sidooklae dib u habeyn gaar ahaan ciidamadooda badda.
Masar ayaa wali la tacaalaysa sidii ay wax uga qaban lahayd kooxaha kacdoonka ka wada ee gacanka Siinaay muddo dhowr sano ah.
1) Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cidanka hadda shaqada kujiro: 355,800
Miisaaniyadda 2017: $10.2 bilyan
Ciidamada qalabka sida ee Turkiga ayaa muddo sanado ah ku jiray dagaalo dhowr ah oo ay ka qeyb qaateen . Marka laga soo tago joogitaanka culus ee uu ku leeyahay Suuriya, Turkigu waxa uu horumariyay warshadiisa difaaca , waxa uu soo saaray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallada casriga ah, taangiyada dagaalka ee waddaniga ah, iyo helikobterrada dagaalka oo la daagallo lagu tijaabiyay.
Iyadoo ay ku jirto kaalinta 1-aad ee ciidamada ugu xooga badan dunida Muslimka iyo Bariga Dhexe, waxa kale oo ay gashay kaalinta 9-aad aduunka marka loo eego Global Firepower Index, oo waxay ka saraysa Jarmalka.
Turkiga ayaa sidoo kale saldhigyo waaweyn ka sameystay Qatar iyo Soomaaliya, isagoo ballaariyay awoodiisa juqraafiyeed.













