Shayma Meecaad: Gabadhii xiisaha u gashay sawir-gacmeedka ee imika xirfad ay ku shaqaysato ka dhigatay

Shayma

Xigashada Sawirka, Shayma

    • Author, Saleebaan Saxansaxo
    • Role, Hargeysa

Shayma Meecaad, oo ku nool magaalada Hargeysa, waxay muddo ku hawlanayd samaynta sawir-gacmeedka ama farshaxanka oo ah xirfadda ay adag tahay in habluhu ka shaqeeyaan, isla markaana kala kulmaan caqabado adag.

Iyada oo maanta oo kale adduunka laga xuso Maalinta Farshaxanka Adduunka, ayaa Shayma oo qaab xiisayn iyo madadaalo ah u gashay in ay wax sawirto, waxay maanta farshaxnimadu u tahay xirfad ay ku shaqaysato oo laga samayso.

Gabadhan da'da yar oo iyadu ku dhalatay qurbaha, gaar ahaan dalka Kuwait, waxa ay sheegtay in yaraanteedii jeclayd in ay wax sawirto, inkasta oo ay caqabad kala duwan la kulantay, haddana waxay u sheegtay BBC-da in dhabar adayga ay muujisay, ay noqotay qof ku guulaystay ka midho dhalinta xirfaddan oo ay ku shaqaysto wakhtigan.

SHAYMA

Xigashada Sawirka, SHAYMA

"Farshaxannimadu waxay ii ahayd, waxa aan jecelahay ilaa carruurnimadaydii, waxa aan ka bilaabay Kuwait oo aan degganayn. Marka wakhti hayso ayaan inta badan wax sawiri jiray, mana jirin meel aan ka bartay oo aan u galay, aniga is baray oo farshaxanimada" ayey tidhi Shayma Meecaad, oo ka waramaysa sidii ay ku bilowday farshaxanka.

Shayma waxa ay sheegtay in aanay helin iskuul ay ka barato xirfadddan, balse ay xiisihii ay u haysay uu horseeday in ay si iskeeda ah u barato, iyada oo muuqaallo internet-ka la geliyeyna ka baran jirtay marmarka qaarkood. "Waxaas igu dhaliyey ma odhan karo, laakiin wax dabiici ah, oo aan la koray ayuu ahaa oo aan jecelaa, mana jirto cid aan ka hido raacay oo qoyskayga ah oo xirfaddahan ka raacay ma jiro.

SHAYMA

Xigashada Sawirka, SHAYMA

Waxay ay Shayma xustay in caqabado kala duwan la kulantay muddadii ay wadday hawsha sawir gacmeedka, oo ay ka mid yahay in aanay jirin ku gacan ka siisa sidii ay u baran lahayd, balse dedaal aan kala joogsi lahayn oo ay samaysay ay markii dambe noqotay qof xirfad buuxda u leh, farshaxanka "Sawirkii ugu saamaynta badnaa wuxu ahaa mid aan ku sameeyey magaalada Nairobi, ee dalka Kenya, oo aan kaga qayb galay barnaamij lagu qabtay." Ayey tidhi Shayma Meecaad, waxaanay intaasi raacisay in sawirkan uu ahaa midka keenay in ay ka gudubto marxaladdii ay xiisayn jirtay sawirka farshaxanka una gudubtay in ay xirfad ka dhigato.

"Sawirkan marka la arko waxa la moodaa in uu yahay mid fudud, laakiin mid saamayn weyn igu leh ayuu ahaa, waxaana iga beddelay aragtidii ahayd farshaxanku yahay, wax aan xiiseeyo, balse aan u soo gudbo inuu ii noqdo xirfadayda koowaad ee aan ku shaqaysto imika",

Shayma Meecaad, oo ka hadlaysa sababta sawirkan uu u noqday mid saameyn ku leh, ayaa tidhi "Sawirkan waxan ku cabirayey in aan anigu marar badan aan ka baqayey awoodahayga oo aan isku koobayo in kooban cidda iga dhex saari kartana, aan aniga ahay. Maalintan iyo sawirkan waa maalintii aan ka baxay xiisihii sawirka ee aan xirfadle noqday".

SHAYMA

Xigashada Sawirka, SHAYMA

Shayma Meecaad, waxay sheegtay in aanay xirfadda farshaxanku ahayn wax fudud, sida dadka qaar u haystaan, balse ay tahay wax ka barto oo wakhti iyo dedaal u baahan

"Sawir-gacmeedku dadku in khad wax lagu sawirro uun ayey moodayaan, laakiin wuu ka balaadhan yahay, waa aqoon jaamacaddaha loo galo oo u baahan xirfad."

Hablaha ayey xustay in ay ragga kaga wacan yihiin dhinaca farshaxanka, maaddaama oo ay jecel yihiin in ay sawiraan wax qurux badan iyo dhinac isku darka khadadka iyo dookhaba.

Shayma xirfaddan ay ku shaqaysto ee farshaxanka ayey tilmaamtay in ay tahay xirfad iyo aqoon waxtar leh, oo mustaqbal fiican leh.