Haween lagu kufsaday Suudaan oo la sheegay inay is dileen

Sudan

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Haween ku sugan dalka uu dagaalka ka socdo ee Sudan ayaa is dilay kadib markii ay la kulmeen tacadiyo iyo Kufsi

Digniin: Warbixintaan waxaa ku jiri kara xogo laga yaabo in qaarkiin ay dhibsadaan.

Dhowr haween ah ayaa isku dilay gobolka Gezira ee bartamaha Suudaan ka dib markii ay kufsadeen dagaalyahanno ka tirsan milatariga sida ay sheegeen kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda.

Wararka arrinkaan la xiriira ayaa imaanaya xilli Qaramada Midoobay ay eedeyn ku saabsan "danbiyo aad u xun" ay geysteen ciidamada gargaarka degdega ah (RSF), danbiyada lagu eedeeyay waxaa kamid ah dilal wadareedyo iyo tacaddiyo gobolka ka dhacay usbuucii hore.

Dagaalyahannada RSF ayaa sii watay howlgaladooda, iyadoona mid ka mid ah kooxaha xuquuqul insaanka ay BBC-da u sheegtay inay la xiriirtay lix haween ah oo ka fekerayay inay nafta is dhaafiyaan cabsi ay ka qabaan in la kufsado.

Balse RSF waxa ay ka hor yimaadeen eedeynta Qaramada Midoobay ee ku aadan kor u kacca tacadiyada galmada oo ay geysanayaan dagaalyahanadooda, waxa ayna BBC-da u sheegeen in eedeymaha "aysan ahayn ku ku saleysan xaqiiq oo cadeymo wata".

Tacaddiyadaan ayaa lagu eedeeyay labada dhinac ee ku dagaalamaya Suudaan.

Dagaalka ba'an ee u dhaxeeya milatariga dalkaas iyo iyo RSF ayaa sababay dhimashada tobanaan kun oo qof iyo inay guryahooda isaga qaxaan in ka badan 11-Milyan oo qof tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii Abriil 2023.

Madaxa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada Adduunka, Cindy McCain, ayaa toddobaadkan booqatay xarunta gargaarka ee Port Sudan, waxayna BBC-da u sheegtay in Suudaan ay wajaheyso dhibaatadii bini'aadantinimo ee ugu weynayd abid, haddii aan xabbad joojin la gaarin.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay ka digtay in malaayiin qof ay u dhintaan gaajo.

Siha, oo diiwaangelinaysay xadgudubyada jinsiga ku salaysan ee Suudaan intii lagu jiray dagaalka, ayaa xaqiijisay saddex kiis oo dumar ah oo is-dileen todobaadkii u dambeeyay gobolka Gezira, ayay tidhi.

Ms Karib ayaa sheegtay in laba haween ah ay ku sugnaayeen tuulada Al Seriha halka haweeneyda kale ee saddexaad ay ku sugneyd magaalada Ruffa.

Gabar la dhalatay haweenay is dishay ayaa Siha u sheegtay in ay dhacday kadib markii ay ciidamada RSF ku kufsadeen aabaheed iyo walaalkeed hortooda, balse labada nin ee kufsiga geysatay ayaa markii dambe la dilay.

Muuqaalo badan oo is daba joog ah ayaa baraha bulshada lagu faafiyay kuwaas oo ay ka muuqdaan meydad badan oo lagu duubay bustayaal, waxaana xasuuqaas lagu eedeeyay RSF inay ka geysteen Al Seriha.

BBC Verify ayaa awooday inay isbarbar dhigto goobta muuqaalkan laga soo duubay waxaana lagu sheegay goobta inay tahay barxadda masaajidka Al Seriha.

Haweenay ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa deegaanka kuna sugan Gezira, oo codsatay inaan magaceeda la shaacin, cabsi ay nafteeda u qabto awgeed, ayaa BBC-da u xaqiijisay in ogtahay haween is dilay ka dib markii ay raggoodii dileen RSF.

Dhanka kale waxa ay aragtay fariimo dhanka WhatsApp-ka ah kuwaas oo ay la wadaagtay qof dumar ah oo walaasheed ay is dishay kadib markii ay kufsadeen RSF, dhanka kale waxa ay dileen shan kamid ah walaalaheed iyo adeeryaasheed, oo ay ku dileen Al Seriha.

Siha, waxa ay sheegtay inaysan suurtagal ahayn in la xaqiijiyo tirada saxda ah ee haweenka is dilay kuwaas oo xogtooda lagu baahiyay baraha bulshada.

Sudan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan oo lagu eedeeyay tacaddiyo ay kufsi kamid yihiin

Talaadadii, warbixin ka kooban 80 bog oo ay Qaramada Midoobay shaacisay ayaa lagu sheegay in tan iyo markii uu dagaalku billowday, ugu yaraan 400 oo ka badbaaday tacaddiyada galmada ee colaadaha la xiriira la diiwaangeliyay illaa Luulyo 2024, iyadoo tirada dhabta ah looga shakisan yahay inay aad uga badan tahay.

"Baaxadda xad dhaafka ah ee ku saabsan xad gudubyada galmada ee aan ka diiwaan galinnay Suudaan ayaa ah mid aad looga naxo," ayuu yiri Mohamed Chande Othman, oo ah madaxa guddiga Qaramada Midoobay ee warbixinta soo diyaariyay.

Dhibbanayaasha la diiwaan geliyay ayaa u dhexeeyay siddeed jir iyo 75 sano jir iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay u baahan yihiin daaweyn, laakiin inta badan isbitaallada iyo rugaha caafimaadka ayaa ku burburay dagaalka, ayay tiri Qaramada Midoobay.

Afhayeenka RSF Nizar Sayed Axmed ayaa BBC-da u sheegay sidaan: “Eedayntaan waa been abuur aan caddayn ku salaysnayn".

Ms Karib ayaa u sheegtay BBC-da in Siha ay isku dayday inay la xiriirto 60 haween ah oo ka baqaya tacaddiyada RSF.

Wwaxa ay sidoo kale sheegtay in Siha ay isku dayday taageerada haweenka iyo inay ka shaqeyso sidii ay dumarka ku gaari lahaayeen goob ammaan ah.

Waxay kaloo sheegtay inay isku dayayeen inay caawiyaan gabar 13-jir ah oo ay dagaalyahannada RSF-ta ku kufsadeen Gezira oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah.

Gabadha ayaa hadda ku sugneyd waddada ka timaadda tuulada ay deggan tahay ee waqooyiga Ruffa kuna sii jeedda magaalada New Halfa, waxaana ka socday dhiig badan, ayay tiri.