Maxay tahay sababta aabe iyo wiilkiisa loogu dilay bariga gobolka Galgaduud?

Deegaanka Ceel-Garas ee gobolka Galgaduud waxaa Maqribniadii Talaadada ka dhacay dhacdo araggax gelisay dadka deegaanka Beeraxaadle kadiib markii rag hubeysa ay ku dileen aabe iyo wiilkiisa oo ahaa qoys reer guura ah oo degganaa deegaanka Beeraxaadle ee degaanka Ceel-garas ee Gobolka Galgaduud, sida ay BBC da u sheegeen maamulka deegaanka.

Xogahayaha Deegaanka Ceel-garas, Cabdifitaax Cali Xalane oo BBC da ay wax ka weeydisay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in dhacdaasi oo uu ku tilmamaay mid aad u fool xun lagu dilay Cali Cabdi Shire oo ahaa nin reer guuraa ah oo degganaa deegaanka Beeroxaadle, isla dhacdaasi lagu dilay Aabe Cali Cabdi Shire ayaa waxaa kula geeriyooday wiil yar oo uu dhalay oo shan jir ahaa.

“ Waxa ay ahaayeen cid reer guura ah, kaddibna waxa soo weeraray koox rag ah oo hubeysan oo aano qabiil ahaan usoo weeraray” ayuu yiri isagoo sheegay in maalmihii u danbeeyay in deegaankaasi ay ka dhacayeen falal aanooyin qabiil ah "oo aad u fool xun oo aan bulshada Soomaliyeed iyo Islaaniamdaba aan u rooneeyn".

Dadkii falkaasi geeystay ayaa goobtaas isaga baxsaday iyadoo deegaanka uu falkaasi ka dhacay uu yahay deegaan aaf ah oo aan maamulka dowladdnimadu si wanaagsan u gaarin, ayna ka dhacaan dagaallada u dhaxeeya AL-Shabaab iyo ciidamadda Dolwadda.

Dhacdadan ayaan ahayn mid ugub ku ah deegaanka sida uu Cabdifitaax u sheegay BBCda, "Sanadihii u danbeeyay dhacdooyin aan aad u wanaagsaneyn ayaa ka dhacayey Bariga Gobolka Galgadud, kuwaas oo u dhaxeeyay laba beelood oo walaalo ah oo dego bariga gobolkaas ”

“Dhacdadii tan ka horreysay ayaa lagu dilay Macallin dugsi iyo xaaskiisa oo ku jira toddobo, iyada oo dilka macallinka iyo xaaskiisana ay kasii horreysay dhacdo kale oo lagu dilay nabaddoon caan ka ahaa deegaanka, iyada oo gabadhiisa iyo laba wiil oo uu dhalay ay halkaasi ku dhaawacmeen".

Maxay Maamaulku ka qabteen dhacdooyinka dilalka ah?

Cabdifitaax Cali Xalane ayaa BBcda u sheegay in ka maamul ahaan iyo ka deegan ahaan ay dadaal aad u badan ku bixiyeen sidii xal loogu heli lahaa dhacdooyinkan, Isaga oo sheegay in ay yihiin qaar aan u wanaagsaneyn dadka deegaanka. Waxana uu intaasi ku daray in bariga Gobolka Galgaduud uu ka jiro dhaq-dhaqaaq u dhaxeeyo ciidamadda dowladda iyo al-shabaab taasina ay xaalka sii adkeyneyso.

Waxa uu sheegay in deegaanku uu yahay deegaana laba ciidan ay isku hor fadhiyaan iayada oo marar badan ay shaqaaqooyin ka dhacaan iyada oo labad qolo ciddii wax geeysto ay u kala carraan labada dhinac.

Aabe Cali oo ay da’adiisu ahayd inta u dhaxeeyso 35 ilaa 40 jir ayaa haatan la aasay sida uu sheegy Cabfitaax oo intaasi ku daray in wax shaqaaqo ah oo dhacdadaasi ka danbeeyay aanay dhicin isagaoo u rajeeyay in dhacdadaasi aanay dib deegaanka ugusoo noqon.

“Bulshada walaalaha ah ee deegaanka Bariga Galgaduud waxaan ugu baaqayaa in ay xaaladda dejiyaan oo aany dhacdadan dhacday iyo wax la mid ah aanay dib usoo noqon” ayuu yiri Cabdifitaax

Waxa uu soo jeediyay in culimaa’udiinka iyo cuqaasha kasoo jeedo deegaankaas in ay wax wayn ka qaban karaan sidii xal waara looga gaari lahaa dhacdadan foosha xun oo uu sheegay in ay in badan kusoo noq noqotay bariga gobolkaas.