Waa tuma Liz Truss? Hayaankii Siyaasadeed ee Raysal wasaarihii ugu muddada gaabnaa UK

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock
Afartan iyo afar cisho oo ay ahayd raysal wasaare, Liz Truss waxay maanta ku dhawaaqday in ay xilka ka dageyso. Ilaa iyo hadda waa raysal wasaarihii ugu waqtiga gaabnaa ee UK, soo mara, George Canning ayaa xafiiska ku geeriyooday isagoo xilka hayay 119-maalmood bishii Ogoosto sanadkii 1827. Waxay badashay raysal wasaarihii iyada ka horeyay ee Boris Johnson, kadib markii ay ka adkaatay ninkii la tartamayay Rishi Sunak.
Labo maalmood kadib, waxaa geeriyootay boqorad Elizabeth II, dalkuna wuxuu galay waqti baroordiiq ah arrimihii siyaasaddana waa la hakiyay.
Laakiin dhamaadkii toddobaadka oo ka bilaabmay aaska boqorada, waxaa bilowday qalalaase siyaasadeed oo ka abuurmay dhimista canshuuraha oo uu ku dhawaaqay wasiirkii maaliyadda Kwasi Kwarteng.
Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ahaa 45 bilyan oo giniga starliinka Ingiriiska, oo canshuur dhimis ah, taasoo kicisay suuqyada dhaqaalaha isla markaana keentay hoos u dhac weyn oo ku yimid qiimaha giniga.
Qorshuhu wuxuu ahaa in kor loo qaado dhaqaalaha oo wax laga qabto dhibaatooyinka saameyay bulshada.
Laakiin sii socoshada qalalaasaha dhaqaale ayaa la macno ahayd in Bangiga England, uu qaado tallaabo uu uga gol lahaa sidii uu kor ugu qaadi lahaa qiimaha dammaanad qaadka dawladda, dawladda ayaa isla markiiba lagu qasbay in ay meesha ka saarto qorshayaasha lagu dhimayo heerka ugu sarreeya ee cashuurta - intii lagu guda jiray shir uu yeeshay xibsiga muxaafidka ah.
Toddobaad ka hor inta aysan Ms Truss ku dhawaaqin in ay xilka ka degayso, waxa ay eriday Mr Kwarteng - oo ay saaxiibo dhaw ahaayeen - waxaana lagu qasbay in ay aqbasho wax ka bedalidda inta ka hartay canshuur dhimista oo ay la socoto ajandaheeda dhaqaale.
Si wax looga qabto tamarta ee kor u kacday, ra'iisul wasaaruhu waxa kale oo ay dejisay dammaanad qaadkeeda qiimaha tamarta si ay u xaddiddo kharashka gaaska iyo korontada ee bulshada.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Isbed-badlkii qorshaha raysal wasaaraha
laakin qorshahaas damaanaqaadka ahaa oo horey u ahaa laba sano, way bedashay oo waxay ku soo koobtay lix bilood. Wixii intaas ka dambeyna xaalkeedu wuu sii cakirmayay, waxaana soo badanayay baaqyada ku aaddan in ay is casisho.
Taageeradeedii ka sii mid ahaanshiyaha Midowga Yurub ee Uk. ayaa dib ugu soo celisay inay tahay xubin muhiim u ah xisbiga muxaafidka ah. Waxay bilawday safarkeeda siyaasadeed iyadoo ah dhallinyaro ah.
Ballanqaadkeeda ayaa ahaa inay ku soo soo celiso qiyamka aasaasiga ah ee xisbigeeda iyo dhimista cashuuraha. Rishi Sunak oo ah ninkii ay ka guulaysatay ayaa ka digay in barnaamijkeeda canshuur dhimista uu sii hurin doono sicir bararka oo uu kordhin doono qiimaha guryaha.
Waxa uu kaga adkaaday dhammaan shantii wareeg ee codbixinta xildhibaanada. Laakiin codbixintii xubnaha oo ahayd tan go’aaminasay guusha, ayaa Ms Truss waxay heshay 81,326 cod halka Sunak uu helay 60,399 oo cod.
Waxaana la rumaysanyahay in ay Boris Johnson daacad u ahayd.
Haddaba waa tuma Liz Truss?
Mary Elizabeth Truss waa 47 jir ku dhalatay Oxford, isla markaana wax ku baratay jaamacadda Oxford. Waxay u dhaxdaa xisaabiye Hugh O'Leary, waxaana u jooga laba hablood.
Markii ay todobo jir ahayd, Liz Truss waxay doorasho jilitaan ah oo ka dhacday iskuulkeeda ku matalaysay haweeneydii hoggaamin jirtay Britain ee Margaret Thatcher.

Xigashada Sawirka, LIZ TRUSS/INSTAGRAM
Aabaheeda waxa uu ahaa macallin jaamacadeed oo dhigga maadaada xisaabta, halka hooyadeed ay ahayd kalkaaliso caafimaad. Qoyskeedu waxay u guureen Paisley, oo galbeed ka xigta Glasgow, markii Ms Truss ay ahayd afar jir.
Qoyska Truss ayaa markii dambe u guuray Leeds, halkaas oo ay gashay iskuulka Roundhay, oo ah dugsi sare oo dawladeed.
Waxay ka mid ahayd dadkii ka soo horjeeday go'aankii xukuumadda Thatcher ee ay ku ogolaatay in madaxyada nukliyeerka ee Maraykanka lagu rakibo RAF Greenham Common, galbeedka London.
Liz Truss oo taageertay in Britain ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub ayaa sanadihii dambe noqotay mid aad ugu dhaw garabka midig ee xisbiga Conservative-ka, kuwaas oo u ololeeyay bixitaanka UK.
Markii hore waxa ay ka tirsanayd taageerayaasha xisbiga Liberal Democrat. Waxa ay isku tilmaantay inay qaadi doonto dhabbihii ra’iisal wasaarihii hore, Margaret Thatcher.

Mid ka mid ah ardaydii ay isku fasalka ahaayeen ee Roundhay, oo diiday in magaciisa la sheego, ayaa BBC-da u sheegay: "Runtii waxa uu ahaa dugsi aad u wanaagsan, runtii macalimiintu way na taageeri jireen in badan oo naga mid ah waxa ay aadeen jaamacado wanaagsan iyo shaqooyin wanaagsan."
In kasta oo aanu qayb ka ahayn kooxdii ay saaxiibada dhow ahayen, haddana waxa uu xusuusnyahay Truss oo da'da yar.
"Waxay ahayd mid aad u caqli badan," ayuu yiri,
"Waxaan xusuustaa safar aan ku tagay dugsiga Sellafield iyo iyada oo waydiinaysa su'aalo adag dadka. Waxaan xusuustaa arrintaas." Waxay siinaysay ardayda hilib duban,”.
“Waa qof taqaana waxa ay dooneyso iyo waxa aanay rabin,” ayuu yiri walaalkeeda Francis oo ka warramayay shakhsiyaddeeda.
Maadooyinka Falsafadda, siyaasadda iyo dhaqaalaha ayay ka baratay jaamacadda Oxford.
Mudadii ay dhiganaysay jaamacadda Oxford, waxa ay ka qeyb qaadatay ololayaal badan, si gaar ahna u khuseeyay arrimaha siyaasadda. Markii dambe waxa ay noqotay hogaamiyaha ardayda Liberal Democrats ee jaamacaddaas.
Kulan uu xisbiga Liberal Democrats yeeshay Brighton sanadkii 1994, ayaa waxa ay taageertay olole meesha looga saari rabay boqortooyada UK. Waxa ay ku doodday “Ka Liberal Democrats waxaan rumaysannahay in fursado siman ay helaan dadka oo dhan. Ma aaminsanin inay jiraan dad ku dhasha xukunka.”
Kadib markii ay ka qalin jebisay jaamacadda, waxa ay xisaabiye ka noqotay shirkadda Shell, and Cable & Wireless, halkaas oo ay isku barteen seygeeda Hugh O'Leary. Waxay aqal galeen sanadkii 2000.
Ms Truss ayaa doorashadii guud ee 2001 u tartantay xildhibaanka Hemsworth, iyadoo u sharraxnayd xisbiga Conservative-ka, balse waa laga guulaystay. Markale ayay 2005 isu sharraxday xildhibaanka Calder Valley, hase yeeshee ma aanay guulaysan.
Hase yeeshee sanadkii xigay ayaa waxaa loo doortay golaha deegaanka Greenwich ee koonfur bari London.

Xigashada Sawirka, PA Media
Hogaamiyihii xisbiga Conservative-ka David Cameron ayaa sanadkii 2010 Ms Truss u xushay inay u tartanto kursiga baarlamaanka ee Koonfur Galbeed Norfolk, kaasoo aan ka bixin gacanta xisbigaas.
Inkastoo ay cadaadis xooggan kala kulantay maqaawiirta xisbiga ee deegaankaas, ayaa haddana waxa ay codad badan ku heshay guusha doorashadaas.
Sanadkii 2012 ayaa waxa ay markii ugu horreysay kamid noqotay xukuumadda, iyadoo loo magacaabay wasiirka waxbarashada, laba sano kadibna waxaa loo dallacsiiyay xoghayaha deegaanka ee UK.
Sanadkii 2021 ayaa iyada oo 46 jir ah waxa ay kamid noqotay wasiiradda ugu awoodda badan xukuumadda, waxaana loo magacaabay xoghayaha arrimaha dibedda, iyadoo xilkaa kala wareegtay Dominic Raab.

Xilligii Theresa May ee ay ahayd ra'iisul wasaaraha, waxay nooqtay xoghaye cadaaladeed, laakiin waxay la kulantay dhowr isku dhacyo xoaggan ah oo ay la gashay garsoorka.
Markii Boris Johnson uu noqday ra'iisul wasaare 2019-kii, Truss waxaa loo wareejiyay xoghayaha ganacsiga caalamiga ah - taas oo macnaheedu ahaa inay la kulanto hogaamiyaasha siyaasadda iyo ganacsatada caalamiga ah si kor loogu qaado howlaha dhaqaalaha.
Waxa ay qabatay hawlo ay kamid yihiin wax ka bedalidda heshiiskii ka bixitaanka Midowga Yurub gaar ahaan arrinta xuduudda Waqooyiga Ireland, taasoo ka caraysiisay madaxda Brussels.

Xigashada Sawirka, UK GOVERNMENT
Waxa ay ka shaqeysay sii deynta laba muwaadin oo haysata dhalashada Britain balse ka soo jeeda Iran, kuwaas oo u xirnaa xukuumadda Tehran.
Markii uu Ruushka ku duulay Ukraine, waxa ay kamid ahayd siyaasiyiinta sida weyn u garab istaagay xukuumadda Kyiv, iyadoo ku doodday in ciidamada Putin gebi ahaanba laga xoreeyo dalkaas.
Waxaa se lagu dhaliilay inay taageertay dadka ka tegaya UK ee doonaya inay u dagaallamaan dowladda Ukraine.











