Israa’iil oo dib loogu celiyay shilin horay looga bililiqeystay oo lagu qiimeeyay hal milyan oo doollar

Quarter Shekel

Xigashada Sawirka, Miri Bar, Israel Antiquities Authority

Ku dhowaad 20 sano oo howlo baaritaan ah ayay qaadatay in la soo xiro kiiska shilin lagu qiimeeyay hal milyan doollar. Wuxuu dabagalka raadkiisu isaga gudbay qaarado.

"Qayb taariikh ah oo aad loo jeclaa ayaa ugu dambayn dib loogu celinayaa dalka," ayuu yiri sarkaal Mareykan ah oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay guusha arrintaas.

Cadkaas yar ee taariikhiga ah waa shilin yar oo qalin ah oo qani ku ah astaanta. Waxaa la sameeyay intii lagu jiray kacdoonkii Yuhuudda ee 2,000 oo sano ka hor.

Waxaa laga soo bililiqeystay Israa’iil sanadkii 2002, waa la daba galay, ugu dambeyna waa la helay, waxaana dib loogu celiyay halkii laga keenay.

Arrintan ayaa billaabantay markii Hay’adda Alaabooyinka Taariikhiga ah ay ku ogaatay warar ay heshay in lacagtaas ay qaadeen dad Falastiiniyiin ah oo ka yimid Dooxada Ella oo ku taalla koofurta Qudus.

Hay’adda ayaa sheegtay in ay ku qaadatay toban sano iyo bar sidii ay u heli lahayd shilinkaas oo hal xabbo ah, taas oo loogu gudbiyay si aan sharci aheyn suuqyada alaabooyinka qaddiimiga ah ee ku yalla Israa’iil, Jordan iyo Ingiriiska.

Ugu dambeyntii waxaa loo dhoofiyay Mareykanka si loogu iibiyo xaraash ka dhacay magaalada Denver ee Colorado sanadkii 2017.

Hay’adda Alaabooyinka Qaddiimiga ah ayaa ku wargalisay Hay’adda Baarista Gudaha ee Mareykanka oo ilaalineysay lacagtaas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Baarista ayaa loo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Degmada Manhattan qeybteeda alaabooyinka qaddiimiga ah, taas oo heshay amar maxkamad oo sheegaya wararka ku saabsan shilinkaas iyadoo gacan laga helayo shan dal, isla markaana garab la waydiisto dalalka Yurub iyo Bariga dhexe.

Halkaas shilin ayaa Isniintii lagu wareejiyay xaflad Manhattan ka dhacday oo ay ka qeybgaleen askar iyo saraakiil Mareykan ah, waxaana ku jiray Safiirka Israa’iil ee Qaramada Midoobay, Gilad Erdan.

“Maanta waxaan kala qeybgaleynaa saaxiibbadeen soo celinta gabbalkan lacagta ah ee dhifka ah ee taariikhda ku leh Israa’iil, ahna astaanta madaxbannaanida aan qaadannay xilligii joogitaankii Roomaanka, taas oo ah Israa’iisha casriga ah,” ayuu Ricky J Patel ku yiri dadkii goobta joogay.

Shilinkaas waa mid ka mid ah afar xabbo oo kale oo jira oo la heli karo.

“Soo bandhigiddii lacagtaas waxay run ahaantii aheyd ku dhawaaqidda madaxbannaani ay Yuhuuddu uga dhawaaqday gudaha Israa’iil, waxayna ahayd war looga horjeeday boqortooyadii weyneyd ee xilligaas jirtay,” ayuu yiri Ilan Hadad oo la shaqeeya Hay’adda Alaabooyinka Qadiimiga ah.

Kacdoonki weynaa wuxuu helay kacdoon ay sameeyeen Yuhuuddii ku nooleyd dhulkii Juda ee ka horjeeday xukunkii cadaadiska ku dhisnaa ee Roomaanka, kaas oo ku soo gabagaboobay madaxbannaanidii Yuhuudda hal qarni ka hor.

Kacdoonka ayaa ku soo gabagaboobay markii ay Roomaanku burburiyeen magaalada Qudus iyo macbadkii labaad ee Yahuudda sanadkii 70 AD.