Maxay tahay abaal-marinta uu helay "Boqorka Bollywood-ka" muxuuse muddooyinkan dambe ku maqnaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xiddigga Bollywood-ka Shah Rukh Khan ayaa taageerayaashiisa u sheegay "inay fiican tahay inuu dib usoo laabto" kadib markii uu ku guuleystay abaal-marinta jilaaga ugu wanaagsan oo ay guddoonsiiyeen Machadka Caalamiga ah ee Abaal-marinnada Filimada ee Hindiya.
Khan ayaa ula jeeday dib ugu soo laabashadiisii aflaanta sanadkii 2023 kadib markii uu saaxada ka maqnaa muddo afar sano ah.
"Waxaan u maleynayaa inaan xoogaa farxad ah ka helayo dadweynaha sanadkan sababtoo ah mar kale ayaan shaqeeyay kadib muddo dheer," ayuu u sheegay dadweyne ku sugnaa munaasabadda oo ka dhacday magaalada Abu Dhabi.
Khan, oo magac caan ah ka ah Hindiya, wuuxu sidoo kale ka mid yahay xiddigaha ugu caansan dalkaas iyadoo ay ku xiran yihiin malaayiin taageerayaal ah oo dalka iyo dibadda oo Soomaaliya ay ka mid tahay kala jooga.
Keliya kuma guuleysan abaal-marinta oo uu ku muteystay doorka jilliinkiisa filimka Jawan balse wuxuu sidoo kale munaasabad weyn ku qabtay caasimadda Imaaraatka Carabta, oo ah magaalo ay ku nool yihiin bulsho badan oo Hindi ah.
Waxaa lagu soo dhoweeyay bulleer, xafladda oo dhanna waxaa hareeyay taageero loo muujinayay.
"Waan jeclahay abaal-marinnada, waxaan u oommanahay abaal-marinnada," ayuu yiri. "Waxaan keliya rabay inaan idiin sheego inay fiican tahay inaan dib usoo laabto."
Soo laabashada Khan ee shaashadaha waaweyn ayaa ahayd guusha ugu weyn ee sanadkii hore uu gaaray Bollywood. Wuxuu sidoo kale wax ka jilay filimka sirdoonka ee Pathaan.
Doorarkan ayuu ku matalayay geesi, iyadoo 58-jirkan muddo ka badan 30 sano oo uu xirfadda jilaanimada ku jiray si weyn loogu yaqaannay jilidda doorarka jilicsan ee dhanka jaceylka.
Soo laabashadiisa ayaa imaaneysa kadib caqabado badan oo soo wajahay dhanka noloshiisa iyo xirfaddiisaba. Waxaa ka mid ah xiridda wiilkiisa Aryan Khan oo lagu heystay eedeymo ah inuu daroogo isticmaalayay - eedeymahaas ayaa markii dambe meesha laga saaray, sidoo kalena tiro filimaan ah ayaan noqon sidii laga rabay.
Balse fasaxa uu ka qaatay shaashadaha uma muuqato inay saameysay caannimadiisa. Jilaagan oo ah mid farxaan ah, ayaa waxaa aalaaba lagu tilmaamaa astaanta ugu muhiimsan ee dhaqanka Bollywood, iyadoo malaayiin taageerayaal ah ay ku tilmaamaan Boqor Khan ama Boqorka Bollywood.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xiddigaha kale ee Bollywood ayaa sidoo kale ka qeybgalay xafladda oo dhacday Sabtidii, waxaana ka mid ah Rani Mukerji, Anil Kapoor iyo Bobby Deol.
Mukerji ayaa ku guuleysatay aktaradda ugu wanaagsan ee filimka Mrs Chatterjee vs Norway halka Vidhu Vinod Chopra ayaa ku guuleystay agaasimaha ugu wanaagsan ee filimka 12th Fail.
Dhanka kale, filimka Animal ee Sandeep Reddy Vanga ayaa helay lix abaal-marin waxaana ka mid ah sawirka ugu wanaagsan, iyo jilaaga ugu fiican ee dadka caawiya ee Anil Kapoor.
Shirkadda Bollywood ee qabsatay ganacsiga wax soo saarka aflaanta ee Hindiya, ayaa sanad walba soo saarta boqollaal filin waxaana ku xiran dad badan oo Hindi ah oo dalka iyo dibadda kala jooga.
Balse sida shirkad walba oo dunida kale ah, waxay la kulmeysay guul iyo guul-darro tan iyo markii xanuunka safmarka ah ee coronavirus uu saameeyay shaneemooyinka muddo bilooyin ah taasoo dad badan u horseedday inay baraha online-ka wax ka daawadaan.
Sanadkan gaar ahaan xaalka waa ku adkaa. Marka loo barbardhigo sanadkii 2023, oo soo laabashada "Boqor Khan" ay gacan ka geysatay in xaalka shirkadda uu soo hagaago.
Waa markii saddexaad ee Abu Dhabi ay munaasabaddan martigeliso, oo in ka badan saddex sano la qabanayo.
Karan Johar ayaa xafladda la qabtay Khan. Filim-sameeyaha caanka ah ayaa sidoo kale abaal-marin ah gaar ah la siiyay taasoo lagu xusayay 25-ka sano ee xirfadda filimada uu ku jiray.













