Jabuuti oo been abuur ku tilmaamay warrar laga faafiyey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Jabuuti

Xigashada Sawirka, Ismail Omar Guelleh

Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa baraha bulshada hadal hayn weyn ka dhalisay xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda Jabuuti ayaan war rasmi ah ka soo saarin xaaladda Madaxeynaha basle wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta ee Jamhuuriyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa bartiisa X ee horey loo oray jiray Twiter waxaa uu kaga hadlay xaaladda Madaxeynaha isagoo ku bilaabay qoraalkiisa ‘‘Waan ka xumahay Necbanayaal’

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waa fiican yahay, aad u fiican runtii, qof wuu ka heli wayn karaa hoggaamiye isagoo necbaan, heer uu gaaro inuu ku habaaro dhimasho qof muslim ah, haa waa jirtaa dhibaato uu ka qabo jilibka midig, maxaa ku jaban, waa qof bini’aadam ah oo aniga iyo idinkaba idinla mid ah” ayuu barta X, ku soo qoray wasiirka Maaliyada iyo qorshaynta Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh.

Xiriir BBC-da la samaysay dowladda Jabuuti si aan faahfaahin dheeraada ugu helno ayeysan noo suura galin.

Warrarka qaar ayaa sheegay in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar geelle uu dibada safar dibada ah u aaday daweyn basle BBC-du si madaxbannaan uma xaqiijin karto.

Jabuuti

Xigashada Sawirka, X,

Jabuuti

Xigashada Sawirka, Ismail Omar Guelleh

Qoraal lagu daabacay barta gaarka ee Facebook ku leyahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu dib ugu laabtay dalka Jabuuti fiidnimada Axada ka dib safar gaar ah oo uu maalmo ugu maqnaa dalka Faransiisa,

"Madaxweyne Geelle waxa uu muujinayaa rabitaankiisa ku aaddan in uu si buuxda ugu hawlan yahay arrimaha qaranka iyo in uu awoodiisa isugu geeyo sidii uu uga hortagi lahaa caqabadaha hortaagan dalkeena iyo dadkayaga." ayaa lagu yiri qoraalka la soo dhigay barta gaarka ah ee Facebook uu ku leeyahay madaxweyne Geelle.

Ma aha markii ugu horreysay ee baraha bulshada lagu faafiyey warrar la xiriira xaallada caafimaad ee Madaxweyne Geelle, sanadkii 2021-kii ayaa si weyn loo qaada dhigay caafimaadka madaxweynaha balse warrarkii la faafiyey xilligaas dowladda Jabuuti ayaa ku tilmamaay kuwo been abur ah.

Xukunkiisa Jabuuti

Jabuuti

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo iminka 78 sano jir ah ayaa xukunka dalka Jabuuti qabtay sanadkii 1999-kii.

Muddo 25 sano ah ayuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle xukumayay dalka Jabuuti oo ay ku nool yihiin shacab tiradoodu dhawaan ay dowladda Jabuuti ku sheegay inay ka badan yihiin hal milyan ruux.

Doorashadii Abriil 2021-kii, Geelle ayaa mar kale loo doortay xafiiska markii shanaad.

Dalkan kulaalla gacanka cadmeed ayaa sidoo kale leh muhiimad ganacsi oo caalami ah.

Sanadkii 2022kii waraysi uu Madaxweyne Geelle siiyay BBC-da ayuu uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorsheyaasha dowladdiisa, mucaaradka, sicirka nolosha, kobaca, halista kooxaha jihaad doonka ah, xiriirka Soomaaliya iyo xasaradaha Itoobiya.

Ismaaciil Cumar Geelle, waddankiisa waxa uu buundo uga dhigay ganacsiga ay dowladda Shiinaha la wadaagto qaaradda Afrika, sidaasna waxa uu ku noqday marinkeeda cusub.

Balse dadka kasoo hor jeeda waxa ay maamulkiisa ku qeexeen mid shacabka muquuninaya oo ka hor istaagaya waxyaabaha ay xor u yihiin

Wariyaha BBC-da, Nicolas Négoce, oo dhowr oo wareystay Madaxweynaha Jabuuti ayuu u sheegay in uu xilka wareejin doono sanadka 2026-ka, oo ku beegan marka uu dhammaado muddo xileedka hadda u socda.

Taas ayaa ka dhigan in Geelle uusan mar kale usoo istaagi doonin tartanka doorashada madaxweynaha marka ay doorashada xigta dhacayso.

Muddadii uu xukunka hayey Geelle ayaa sidoo kale dadka siyaasadda ka faalooda ku tilmaameen inuu door ka ciyaaray nabada gobolka.

Ciidamada Jabuuti ayaana ka mida kuwa nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya