Iran oo xirxirtay diblumaasiyiin Reer Galbeed ah oo ay basaasnimo ku eedeysay

Diblumaasiyiin shisheeye

Xigashada Sawirka, FARS

Telefishinka qaranka Iran ayaa dhowr diblumaasiyiin reer Yurub ah ku eedeeyay basaasnimo.

Wakaaladaha wararka ee Iran iyo TV-ga dowladda ayaa sheegay, iyagoo soo xiganaya hay’adda sirdoonka ee IRGC, in dhowr qof oo muwaadiniin reer Yurub ah lagu arkay laguna xiray Iran “xilli ay ku guda jireen howlo basaasnimo”.

Warbaahintan ayaa soo bandhigtay mid ka mid ah dadka la eedeeyay oo ah ku-xigeenka safiirka Britain ee Tehran. Waxay sheegeen in laga soo masaafuriyay dalkaas, kaddib markii la xiray oo uu raalligelin ka bixiyay.

Telefeshinka ay maamusho dowladda Iran ayaa sheegay magaca dublamaasigan British-ka ah ku sheegay Giles Whittaker. Wuxuu sheegay in la xiray xilli uu tijaabo ka qaadayay ciidda dhulka saxaraha ah ee Shahdad.

Falcelintii ugu horreysay ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK ka bixiso warkan, ayaa ah in been ay ku tilmaantay eedeynta basaasnimada ah ee loo jeediyay diblomaasigan.

Sida laga soo xigtay warbixinnadan warbaahinta, qofka labaad ee la xiray waa xaaska nin ka tirsan waaxda dhaqanka ee dalka Austria, taas oo sidoo kale la xiray iyadoo qaab qarsoodi ah "u arurinaysa macluumaad".

Sida lagu sheegay warbixinta TV-ga Iran, diblumaasiga UK ka soo jeeda ayaa tagay tuulo ku taalla Damghan isaga iyo carruurtiisa, waxaana la arkayay isaga oo tijaabo carro ka qaadaya.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijisay warka ku saabsan in la xiray diblumaasi British ah oo ku sugan dalka Iran, iyadoo soo xiganeysa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Isla wakaaladda Reuters, iyada oo daba socota warbixinnada ku saabsan diblumaasiyiinta shisheeye ee lagu xiray Iraan ayaa waxay baahisay in Whittaker aanay xaqiijin karin inuu hadda xil hayo iyo in kale.

Wakaaladda wararka ee Fars ayaa iyana daabacday in dadkan "ay indha indheeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sirdoonka Iran xilli ay tijaabo ka qaadanayeen ciidda aagga lama galaanka ah ee ku yaalla saxaraha bartamaha ee Iran" halkaa oo ay u tageen dalxiis ahaan.

Mas’uuliyiinta lagu xirxiray dalka Iran ayaa lagu lagu eedeeyay in ay doonayeen in ay gudbiyaan dacwad ka dhan ah barnaamijka Nukliyeerka Iran ee dhinaca Israel.

Iran ayaa aad u ilaalisa aagga u dhow xarumaha Nukliyeerka oo ku yaalla goobo ammaankooda aad loo sugo.

Guddoomiyaha baarlamaanka ee Iran ayaa mar sii horreysay sheegay in dalkiisa uusan wax xog ah oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerkeeda u gudbin doonin hay'adda caalamiga ah ee tamarta atoomikada ee IAEA, kaddib markii uu meesha ka baxay heshiiskii ku saabsanaa arrintaas ee hay'adda kala dhaxeeyay.

Iiran ayaa sanadkii 2019 xilligan oo kale xabsiga dhigtay 17 basaas oo ay sheegtay in ay u shaqeynayeen CIA-da Maraykanka, waxayna qaar ka tirsan ku xukuntay xilligaas dil toogasho ah. Mukhaabaraadka ayaa sheegay in dadkaas lagu tuhmayay in ay xog ka aruurinayeen dhinacyo dhowr ah - oo ay ku jiraan ciidamada militariga iyo goobaha ay ka socdaan howlaha nuclear-ka.

Madaxweynihii Maraykanka ee waqtigaas Donald Trump ayaa beeniyay sheegashadaas, isagoo sheegay in warkaas "uu gebi ahaanba been yahay".

Maxaan ka ognahay arrinta "basaasnimada"?

Iran ayaa ku andacootay xilligaas in basaasiinta oo ay sheegtay in ay u shaqaynayeen Hay'adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, oo gaaraya 17 qof ay dhammaantood ahaayeen dad Iran u dhashay oo ka shaqaynayay "xarumo xasaasi ah" oo ay ku jiraan ciidamada iyo xarumaha nuclear-ka, sida uu sheegay sarkaal sare oo Iran u dhashay.

Ma aanu xusin inta qof ee toogashada lagu xukumay iyo goorta uu xukunkaasi dhacay toona.

"Xukunnada saddex basaas ayaa soo baxay, qaar waxaa lagu fulinayaa dil toogasho ah si waafaqsan shareecada Islaamka," sidaas waxaa ku warrantay wakaaladda wararka Iran ee (ISNA) oo soo xiganaysay madaxa hay'adda sirdoonka.