Israa'iil iyo Iiraan: Taliyihii hore ee Sirdoonka Israa'iil oo fashilay arrin laga baqayo inay Iiraan ka samayso Turkiga

Ephraim Holloway, oo ah madixii hore ee hay'adda sirdoonka khaaska ah ah iyo howlgallada ee Israa'iil, oo magaceeda loo soo gaabiyo "Mossad", ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku sheegay in "uu mugdi ku jiro mustaqbalka" hor yaalla xiisadda Tel Aviv iyo Tehran haddii ay xaaladdu faraha ka baxdo.
Sarkaalkan ayaa sheegay in arrintu ay waji hor leh yeelan karto haddii ay wax ku dhacaan muwaadiniinta reer Israa'iil ee ku nool dalka Turkiga.
Mr Holloway ayaa shaaca ka qaaday in "la xiray" xubno badan oo ka mid ah ciidamada kacaanka Iiraan oo Turkiga ku sugnaa, kuwaasoo looga shakiyay in ay "isku dayayeen weerarro ka dhan ah muwaadiniin u dhashay Israa'iil".
Arrintaas ayuu sheegay in ay sababtay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa'iil ay muwaadiniinteeda ugu baaqday inay isaga baxaan guud ahaan waddanka Turkiga sida ugu dhakhsiyaha badan, uguna macquulsan.
"Waa xilli hore in lasii saadaaliyo isku dhac militeri oo dhex mara labada waddan," ayuu yiri Ephraim Holloway oo ah madixii hore ee Mossad-ka, xilli uu la hadlayay barnaamijka 60-ka daqiiqo ah ee BBC-da.
Balse waxa uu hoosta ka xaqiiqay in xaaladdu ay gaartay heer "khatar loogu jiro inay wax walba faraha ka baxaan."

Xigashada Sawirka, Reuters
Xiisadda colaadeed ee u dhaxaysa Iiraan iyo Israa'iil ayaa salka ku haysa muranka la xiriira barnaamijka nuclear-ka Iiraan ee sii xoogaystay, dadka qaarna waxay goor horeba sii billaabeen inay qiimeeyaan dagaal fool ka fool ah oo laba dhinac dhex mari kara.
Dhowr maalmood ka hor, labo xubnood oo ka kala tirsanaa ciidamada Cirka ee Iiraan iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ayaa ku dhintay "shil gaari" xilli ay "ku guda jireen howlgal" ka socday qaybo kala duwan oo ka mid ah Iiraan.
Goor sii horraysayna, Hassan Sayad Khodaei, oo ahaa kornayl ka tirsanaa ciidamada kacaanka dowladda Iiraan ayaa la dilay isagoo gaarigiisa wata.
Labo dhacdo oo kala duwan, Ayub Entezari, oo ahaa khabiir ku takhasusay diyaaradaha uusan duuliyaha saarnayn ee drones-ka ayaa u geeriyooday "qaab shaki abuuray", sidoo kalena Ali Ismailzadeh, oo ahaa taliye ka tirsanaa ciidanka Quds, ee militeriga Iiraan, ayaa "ku dhintay fal ka dhacay gurigiisa."
Kiisaskan markii ay soo baxeen, dowladda Iiraan waxay Israa'iil ku eedeysay inay ka dambayso dilka Hassan Sayad Khodaei.

Xigashada Sawirka, TASNIM
Dhacdooyin badan oo xiriir ah ayaa waayadii dambe laga soo tebinayay gudaha Iiraan, dad badan ayaana lagu dilay gudaha dalkaas, sida ay qortay BBC-da laanteeda Faarisiga.
Dhimashooyin badan oo ka dhacay Iiraan ayaan sidoo kale lala xiriirinin Israa'iil.
"Anigu ma hubo in dhacdooyinkaas oo dhan inay xiriir la leeyihiin isku dhaca Israa'iil iyo Iiraan," ayuu yiri agaasimihii hore ee Mossad-ka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas kusii daray: "Mas'uuliyiinta Iiraan waxay sheegeen in dhimashooyinka qaar ay ahaayeen dad isdilay ama xanuunno u geeriyooday. Ma aysan ku wada tilmaamin weerarro ay fulisay Israa'iil, sidaas darteed waa inaan ka taxaddarno erayada aan isticmaalayno, ma aha inaan sii xoojinno xiisadda."
Markii la waydiiyay in Israa'iil ay baddashay qorshaheedii ku aaddanaa inay dad ku disho gudaha Iiraan, waxa uu sheegay in arrinta noocaas ah ay suurtagal tahay.
"Waxay ila tahay maadaama ay Iiraan samaysay waxyaabo sii kiciyay xiisadda, waxaan gaarnay heer aan khatar u galno in wax walba la xakamyn waayo," ayuu yiri.
"Taas waa sababta aan usoo hadal qaaday xaaladda ka taagan Turkiga, halkaasoo dadka reer Israa'iil ee jooga aysan waxba ka ogayn arrimaha socda. Waa Khatar aad u wayn, haddiiba ay dhibaatooyin ka taagan yihiin Turkiga, xanuunku wuu sii badanayaa, Iiraan iyo Israa'iil labadaba waxay waajibaad ka saaran yihiin inay taas ka hor tagaan."












