Samiira waxay abaal marinno ku heshay heerka ay ka gaartay aqoonta

Xigashada Sawirka, Erin Howe/UoT
- Author, Ahmed Cadceed
- Role, Freelance journalist at BBC Somali News
Samiira Cumar oo dhawaan shahaadada ugu sarreysa ee PHD oo ku saabsan caafimaadka aadmiga ka qaadatay jaamacadda Toronto ee dalka Canada, ayaa sida ay jaamaceddeedu sheegtay waxaa ugu weyn oo riixaya naxariis iyo xiiseyn labadaba.
Sida laga soo xigtay Jaamacadda Toronto, Cilmi-baaristeedu waxay dhacaysaa halka ay iska galaan sinnaanta, sayniska aadmiga iyo midab-takoorka - iyadoo diiradda ku saaraysa daryeelka baxnaaninta ee dadka isu aqoonsan madowga ee qaba xanuunanada burooyinka iyo kansarka (TBI).
Shaqada Samiira waxaa dhiirigeliyay waxa ay kala kulantay daryeelka walaalkeed, kaas oo la kulmay dhaawac maskaxeed oo naxdin leh sagaal sano ka hor.
"Walaalkey wuxuu bukaan-jiif ku jiray in ka badan saddex sano," ayey tiri Samiira. “Wakhtigaas, 18 saacadood ayaan maalintii sariirtiisa agteeda joogayey, si aan u hubiyo inuu cod leeyahay, dadkuna waxay ula dhaqmeen sidii qof bini’aadam ah oo nolol filaya ka dib markii uu cusbitaalka ka baxay.
"Waan ka niyad jabay tayada daryeelka uu helayo, taas oo aan ku qanacsanahay in ay ku salaysan tahay muuqaalkeena iyo fikradaha dadka kale iyo fikradaha ku saabsan asalkayaga."
Iyadoo Samiira ay qorsheynaysay inay noqoto dhaqtar daryeelka caafimaad, waxay sheegtay inay diiradda badashay markii ay aragtay suurtagalnimada in daryeelka baxnaaninta laga dhigi karo mid loo siman yahay oo ay heliu karaan dadka loo aqoonsaday inay yihiin Madow.
Waxay sheegtay in ay markiiba xaqiiqsatay in ay jirto aqoon tacliimeed aad u yar oo ka hadlaysa cunsuriyadda daryeelka caafimaad ee ku aaddan xanuunnada noocan ah ama tayada nolosha dadka Madowga ah ee la nool TBI (Traumátic Brain Injuries).

Xigashada Sawirka, UoT
Mid ka mid ah daraasadaheedii ugu horreeyay oo dib-u-eegis ku samaynaysay khariidadda aqoonta jirta, Samiira waxay dib u xasuusataa in ay ogaatay in dadka Madowga ah inta badan laga saaray cilmi-baarista, ama lagu daray laakiin iyada oo xoogga la saarayo sida ay ugu hooseeyaan. Waxay sheegtay in dad yar ay u tarjunteen natiijooyinkaas inay yihiin kuwa cunsuriyad ka dambeyso, iyaga oo farta ku fiiqay kaliya qaybaha cunsuriyadda nidaamsan oo ay ku guul daraysteen inay magacaabaan sababaha sii wada dhibaatada.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maanta, Samiira waxay bartaa cunsuriyadda nidaamka iyo muujinteeda cilmi-baarista iyo ku-dhaqanka daweynta TBI. Mashruuc dhawaan la sameeyay ayey Samiira ku eegtay eegtay khibradaha tayada leh ee dadka Madow ee qaba TBI-da iyo daryeelayaasha qoyskooda - iyo sida daryeelkooda loo horumarin karo.
"Intii aan ku jiray qalinjabinta, waxaan helay fursado badan oo aan kula shaqeeyo ardayda, macallimiinta iyo dadka ku jira bulshada TBI si aan u jebiyo fikradaha jinsiyadda, midab-takoorka iyo halka ay iska galaan iyo muhiimadda ay leeyihiin arrimahan qaabdhismeedka ee khibradaha daryeelka iyo aragtida dadka,” ayey sheegtay Smaiira.
Cilmi-baadhisteeda ka sokow, Cumar waxa ay u ololaysay isbeddello ka tarjumaya sinnaanta, kala duwanaanshaha iyo ka mid noqoshada manhajka daryeeka caafimaad. Waxay sidoo kale gacan ka geysatey Kulliyadda Caafimaadka ee Barnaamijka Hagidda Xagaaga, kaas oo siiya ardayda dugsiga sare ee Afrikaanka ama asaliga ah fursad ay ku sahamiyaan cilmiga caafimaadka ee jaamacadda Toronto.
Waxayna sii waddaa inay si buuxda u taageerto walaalkeed.

Xigashada Sawirka, Samiira/Twitter
Samiira ayaa lagu aqoonsaday dhowr abaalmarino intii ay ku guda jirtay waxbarashadeeda, oo ay ku jirto Abaalmarinta Isbeddel- Sameeynta ee Hay'adaha Samafalka Caafimaadka ee darsa nidaamyada neerfaha ee Canada 2021-kii. Abaalmarintan waxay aqoonsataa dadka ama ururrada sameeya kala hormar macno leh si loo hagaajiyo tayada nolosha dadka Canada ee qaba xaaladaha maskaxda.
"Ma garanayo qof kale oo khibrad u leh naafonimada neerfaha oo si qoto dheer uga hadlay cunsuriyadda madowga ah ee u doodista iyo sayniska," ayay tiri Angela Colantonio, oo ah agaasimaha Machadka Sayniska Dhaqancelinta, ahna borofisar cilmiga shaqada. iyo daawaynta shaqada ee Temerty Medicine. "Samiira waxay si cajiib ah ugu deeqsiisay waqtigeeda si ay ugu iftiimiso dadka kale aragtideeda sida aadka ah loogu baahan yahay hadda."
Samiira waxa abaal marinta Vetter ee isxilqaamaha ugu wanaagsan ee sannadka laga siiyey Ururka Dhaawaca Maskaxda waxaana sidoo kale loo aqoonsaday xubin sharafeed ka tirsan Ururka sayniska Daryeelka ee Canada, waxayna sidoo kale heshay abaalimarinta ardayga hogaanka ee jaamacadda Torono ee Gordon Cressy iyo kuliyada Temerty ee heer sare ee caafimaadka Abaalmarinta Qiimaha Xirfadlaha.
Markii ay dhammayso PhD-deeda, Cumar waxay qorshaynaysaa inay tababar ku qaadato Jaamacadda Toronto si ay u noqoto saynisyahan daryeelaha aadmiga iyo inay ku dhiirigeliso jiilalka mustaqbalka inay tixgeliyaan baahiyaha daryeelka ee dhammaan dadka.
"Dhammaanteen waxaan mas'uul ka nahay inaan fahamno doorka aan ciyaareyno iyo sida weyn ee aan hal qof u noqon karno, hadday tahay xirfadle ama su'aalaha aan ku weydiinno cilmi-baarista," ayey tiri Samiira. "Waxaan u baahannahay inaan weydiino, 'Yaa naga maqan?' waxaan u baahannahay inaan tixgelinno kuwa laga yaabo inaan loogu adeegin halbeeg loo dhanyahay."










