Muxuu u xumaaday xiriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo saxaafadda

Xigashada Sawirka, GOOBJOOGE.NET
Waxaa mudooyinkii danbe soo badanayey wariyaasha ka howlgala Jamhuurigada iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Soomaliland ee ay siyaabo kala duwan loogu xiray deeganadaasi, kuwaas oo qaybtood maxkamad la soo taagay, kuwana laga sii daayey iyagoo aan maxkamad la soo taagin.
Wariyaasha muddo ka badan laba jeer la xiray waxaa ka mid ah gudoomiyaha warbaahinta MMTV Maxamed Cabdi Sheekh ‘Illig’ oo toddobaadkan ka soo baxay xabsi uu ku jiray afartan maalmood ka badan.
Illig oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in loo xiray sabab la'aan, ayadoo markii hore laga qabtay xaruntiisa shaqada markii dambana maxkamadi ay ku wayday wixii loo haystay.
“Markii aan hortagay sharciga ee afar iyo afartan maalmood hortaagnaa ee intaas oo maalmood la raadinayey danbi, ee lay baarayey ee lay waydiinayey, haddana wax talaabo ah oo danbi aan ku yeesho laygu waayey ee maxkamadiii tiri Maxamedoow bari baa tahay, xoriyadaadiina waa lagu celiyey, wax danbiyana waa lagugu waayey halkaa ka bax” ayuu yiri Maxamed Illig.
Wuxu intaas raaciyey inuu is waydiinayo “ sida uu ku mutaystay arintaas ee ula kulmay jirdil iyo qalabkii xafiiskiisa oo la qaatay”.
Shaafici Cabdi Maxamed, oo kamid ah wariyaasha ka howlaga Somaliland, wuxuu BBC-da u sheegay in muddo bil ah ay ciidamo ka tirsan nabad sugidu ku raad joogeen. Wuxuu sheegay in loo hanjabay.
“Waxaa dhowr jeer ila soo xiriiray qolada nabad sugida aniguna waa la xiriiray, waxaana waydiiyey waxaa ay ii daba joogaan, waxayna igu yiraahdeen waxaad joojisaa wararka aad baahinaysid, markaasna waxaan baahiyey barnaamijka dad aragtiyo kala duwan an waraysay oo ka hadlayey siday ay u arkaan heshiiskii is afgaradka ahaa ee Soomaaliland iyo itoobiya, markaas ayey si xoog leh iila soo xiriireen” ayuu yiri wariye Shaafici Maxamed.
Wuxuu intaa raaciyey in markii danbe uu aad u adkaysan waayey oo uu ka tagay Hargeysa uuna aaday magaalada Muqdisho.

Xigashada Sawirka, X
Maxay ururku warbaahinta Somalilana ka dhaheen Cashada wariyaasha

Xigashada Sawirka, SHAAFICI
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Gudoomiyaha ururka Saxafiyiinta Soomaaliland ee SOLJA Shaafici Maxamed Ibraahim ayaa BBC-da u sheegay in xarigga wariyaasha ee Somaliland uu soo batay balse wuxuu sheegay in ay hadda wax cusub ay tahay in haya’adda Nabad sugida ku soo biirtay hayadaha amaanka ee xiraya wariyaasha.
“Waan kala hadalnay hay’addaha dowlada, gaar ahaan wasaarada arrimaha gudaha waana u sheegnay iyo xarigan soo noq noqday ee wariyaasha ee aan sifada saxda loo marin, waana ka xunahay” ayuu yiri SOLJA
Sidoo kale wuxuu gudoomiyaha SOLJA yiri “wariyaasha waan u sheegnaa in haday qalad galaan in ay raali galin bixiyaan, waana u sheegnaa inaysan xadgudub samayn”.
Wuxuu BBC-da u sheegay inay hay’adda Sirdoonka ay kala hadleen siday muhiim u tahay in la ilaaliyo sharciyada u yaal dalka.
“Inta badan marka booliska iyo danbi baaristu xiraan waan aragnaa, laakiin marka Nabad sugidu xidho ma arki karno” ayuu yiri Shaafici.
Mar BBC-du waydiisay inay wariyaasha lagu waayey danbiyada ee maxkamad la hor geeyo ay ku gacan siiyaan in xaquuqdiis helo ayuu yiri “ haddii wariyaasha soo codsadaan waan la raadinaynaa xaquuqdooda, mar kastana SOLJA waxay la jirtaa wariyaasha dhankooda”.
BBC-du waxay xiriiro kala duwan la samaysay Madaxda wasaarada warfaafinta Soomaliland iyo haya’dda Nabad sugida oo ay wariyaasha aan la hadalnay ay cabasho ka muujiyeen, laakiin nooma suura galin inay ka hadlaan oo jawaab ka bixiyaan.
Waxaa iyaguna jira suxufiyiin ka gaabsaday inay ka hadlaan dhibaatooyin soo maray sababo amnigooda la xiriira.
Wariyaasha ku nool qaaradaa Afrika heerka taciyada ay la kulmaan waxaa jaangooyaha ay soo saareen hayadaha difaaca wariyaasha ee IFJ iyo CPJ ay muujinayaan in ay kordhayeen.













