Somaliland: Weriyayaal uu ku jiro Xasan Galaydh oo BBC-da ka tirsan oo weli Hargeysa ku xiran

f

Xigashada Sawirka, .

Waxaa maalinkii saddexaad magaalada Hargeysa ku xiran ku dhawaad 20 wariyayaal oo ay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somalialnd xidhxidhay maalintii ay shaqaaqada ka dhacday xabsiga magaalada Hargeysa.

Wariyayaashan oo uu ka mid yahay wariye Xasan Saleebaan Haaruun Galaydh oo BBC-da ka tirsan ayaa la qaqabtay iyaga oo ku sugan afaafka hore ee xabsiga magaalada Hargeysa oo ay ka socotay rabshad ay sameeyeen maxaabiista ku xiran oo wariyaayaashu ay kasoo warramayeen.

Wali ma jirto wax maxkamad ah oo la soo taagay wariyayaashani. Mas'uuliyiintana ma aysan sheegin sababta ay weriyayaashani u xireen iyo sababta ilaa iyo hadda aan maxkamad loo so taagin.

Ururka suxufiyiinta Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga sii socda ee weriyayashan.

Waxaa sidoo kale jirtay in booliska ay weerareen xarunta telefishinka Horn Cable ee magaalada Hargeysa. Waxaa la aaminsan yahay in weerarkaasi uu la xiriiray tebinta dhacdadii ka dhacday xabsiga.

Weriyayaashaasi laba ka mid ah - Sagal Mustafe oo u shaqeysa VOA iyo Naciima Cabdi oo u shaqeysa warbaahin maxalli ah oo lagu magacaabo Carodeg Media ayaa la sii daayay.

Waxaa lagu hayaa wariyayaashani xarunta dambi-baarista ee magaalada Hargeysa.

Weriyayaasha la xiray waxaa ka mid ah Maxamed Ilig oo ka tirsan telefishinka maxaliga ah ee MM iyo Maxamuud Yuusuf oo u shaqeeya Saab TV. Waxaa sidoo kale xiran Caydaruus Maxamed oo u shaqeeya Goobjoog iyo Axmed Shimaali oo ka tirsan telefishinka Horn Cable.