Coldoon: Dambi ayaa lagu waayay balse wali xabsiga ayuu ku sii jirayaa

Cabdimaalik Muuse Coldoon

Xigashada Sawirka, COLDOON FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Cabdimaalik Muuse Coldoon

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ayaa maanta ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon. Xukunka ay saaka maxkamadda soo saartay ayaa ka dmbeeyay ka dib kiis muddo dheer soo socday.

Balse xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay Go'aanka ay maanta maxkamadda gaartay.

Cabdi Maalik ayaa xabsiga ku sii jiri doona tan iyo inta go'aan laga gaarayo racfaanka xeer ilaalinta. Booliiska Somaliland xiray bishii August ee sanadkii aanu soo dhaafnay.

Maxaa ka mid dacwadaha lagu soo oogay

Sida ku xusan warqadda xeer ilalinta , Cabdi Maalik waxaa loo haystay dhowr eedeymood.

Waxaa ka mid ah eedeymaha loo soo jeediyay:

1:in uu bartiisa Facebook uu ku faafiyay warar dacaayad iyo been abuur ah oo ka dhan ah iskuulka Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo.

2: Qodobka kale ee lagu soo oogay Cabdimaalik ayaa sido kale ahaa in "dacaayad qaran dumis ah" uu fidiyay.

3: Dacwada kale ee lagu soo oogay Cabdimalik in uu "cambaareeyay umadda Soomaaliland iyo qaranimadeed".

Warqadda dacwadda

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Warqadda dacwadda

"Waa sharci daro inuu xabsiga ku sii jiro"

Qareenkii u doodayay Cabdimaalik Muuse Coldoon Jamaal Mandeela ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay kiiska ku guuleysteen.

"Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan dacwadaasi ku guuleysano, balse waxaan ka xunnahay inuu wlai xabsiga ku sii jira iyadoo maxkamda ay amartay in xurriyadiisii dib loogu soo celiyo," ayuu yiri Mr Mandela.

"Waxaan ka xunahay iyada oo uu sharciga dhigayo in marka ay maxkmadda ku dhawaaqdo in uu albaabka ka baxo in xafiiska xeer ilaalinta markiiba racfaan qaatay oo uu ku dhawaaqay in ay racfaan qaateen islamarkana uusna xorriyadiisii uusan wali wada helin Cadimaliak oo wali uu sii xiran yahay," ayuu intaa ku daray. Wuxuu intasi ku daray, "Taasi sharciyan waa arrin gef ah sharcigana wuu mamnuucay , waxaa uuna sharciga dhigayaa in qofka marka ay maxkamada ku dhawaaqdo in la sii daayay markiiba uu albaabka ka baxo," ayuu yiri qareenkii u doodayay Cabdimaalik.

Inta aanan la xirin ka hor , Coldoon wuxuu maalmahaa qaaday ollole ka dhan ah Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa iyo dugsiga Abaarso.

Waxa uu ku doodayay in Xarunta Dhaqanka lagu soo marti qaado dad u olloleeya guurka dadka isku jinsiga ah xliliyada bandhiga buugaagta, sidoo kale dugsiga Abaarso ayuu ku haystaa in dhaqamda Masiixiga lagu faafiyo. Labaduba si kulul ayay u beeniyeen eedeymahaasi.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale gaashaanka u daruurtay eedaha uu Coldoon u jeediyay xarumahaasi, sidoo kale qaar kamid ah abwaaniinta ugu waa wayn Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku til mamay eedaha Coldoon.

Xukuumada Somaliland ayaa sidoo kale gaashaanka u daruurtay eedaha uu Coldoon xiligaasi u jeediyay xarumahaasi, sidoo kale qaar kamid ah abwaaniinta ugu waa wayn Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku til mamay eedaha Coldoon.

Xeer ilaalinta wali kama aysan hadlin eedeynta ka soo yeertay qareenka Coldoon.

Qoraalka Codka, Wariye Coldoon