You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Israa'iil oo sheegtay in ay ka aargudan doonta kooxda Xuutiyiinta oo gantaal ku dhufatay gudaha dalkeeda
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen “ay eedi doonaan” gantaalkii ay ku rideen bartamaha Israa’iil eek u dhacay gudaha dalkiisa.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in gantaalku uu ku dhacay meel aan cidi deganayn subaxnimadii hore ee maalinkii Axadda, balse firirka gantaalka oo aagga ku daadsanaa ayaa waxa uu muujinayaa in nidaamyada difaaca hawada ay ku guul-darreysteen inay qabtaan ka hor inta uusan gelin hawada Israa’iil.
Waxa ay intaa ku dareen milatarigu in la baarayo sida ay u suuragashay in gantaalku uu gaaro gudaha dhulka Israa’iil.
Duqeyntan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo Gantaal loo adeegsado oo ay kooxdaas ku tuurto Israa’iil oo gaarta bartamaha dalkaas meel u jirta qiyaastii 2,000km dalka Yemen.
Ciidamada Difaaca Israa’iil ee magacooda loo soo gaabiyo (IDF) ayaa sheegay in ay sameeyeen isku dayo badan oo ku doonayeen in ay ku soo ridaan gantaalka Axaddii balse ay qiyaasayaan in uu hawada ku kala go’ay gantaalku.
Xuutiyiinta ayaa waxay sheegteen in howlgalkoodaas ay u adeegsadeen nooc cusub oo ah gantaalaha hawada sare mara, waxaana laga yaaba in warkoodaasi sharraxaad u noqon karo sababta loogu guul dareystay in la qabto ka hor inta uusan ku dhicin gudaha Israa’iil.
Xuutiyiinta ayaa ah koox hubaysan oo Yemen inteeda badan qabsatay ka dib dagaal sokeeye oo dalkaas ka qarxay ilaa iyo haatanna socda, waxayna sheegteen in ay qayb ka yihiin " xooggagga iska caabinta" ee ay Iran hogaamiso ee ka dhanka ah Israa'iil, Mareykanka iyo reer Galbeedka si guud.
Xuutiyiinta ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in weerarkii Axadii ay u qaadeen si ay u garab istaagaan Falastiiniyiinta, isla markaana ay Israel qorshaha ku darsato talaabooyin kale oo cawaaqib leh inta lagu guda jiro sanad guurada koowaad ee weerarka 7-dii October.
Firirka gantaalka ay tuureen Xuutiyiintu ayaa ku dhacay boosteejo tareen oo ku taal magaalada Modiin, waxa uuna gaystay waxayeelo, sidoo kale waxa uu firirku ku dhacay dhul bannaan oo u dhow garoonka diyaarada ugu wayn Israa’iil ee caalamiga ah ee ku yaalla duleedka Tel Aviv.
Khasaaraha ayaa la rumeysan yahay inay sababeen gantaalaha difaaca hawada ee Israa’iil u adeegsato qabashada kuwa lagu soo weeraro.
Netanyahu waxa uu sheegay in weerarku uu muujinayo in Israa’iil ay ku jirto “dagaal furimo badan leh oo ka dhan ah kooxaha tirade badan ee Iran eeu haliilaya inay na baabi’I yaan”.
"[Xuutiyiintu] waxay ahayd inay ogaadaan hadda inaan qiimo culus ku bixinayno sidii aan isaga difaaci lahayn isku-day kasta oo la doonayo in nalagu waxyeeleeyo," ayuu yiri ra’iisl wasaare Netanyahu.
“Qof kasta oo na soo weerara kama baxsan doono gacanteenu inay gaarto.
"Xamas ayaa hadda casharkaas ka baranaysa ficilkayaga ka go’naashaha leh ee horseedi doona burburintooda iyo in ay sii daayaan dhammaan maxaabiista ay haystaan."
Ciidamada Israel ayaa bilaabay olole ay ku sheegeen in ay ku burburinayaan Xamaas kadib weerarkii 7-dii October, kaas oo lagu dilay ku dhawaad 1,200 oo qof halka 251 kalena afduub ahaan loogu kaxaystay dhanka Qasa.
Dad tiradoodu gaarayso ilaa 41,206 lix qof ayaa lagu dilay gudaha Qasa tan iyo markii ay Israa’iil bilowday howlgalkeeda, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas.
Markani ma ahan markii ugu horeysay ee Xuutiyiintu ay weerar ku qaadaan Israa’iil.
Bishii July, hal nin ayaa dhintay sideed qof oo kalana waa dhaawacmeen ka dib markii diyaarad nuuc aan duuliyaha lahayn ah oo ay leeyihiin Xuutiyiintu ku dhacday gudaha Tel Aviv.
Sidoo kale, kal hore, gantaalo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo loo ganay dhanka Israa’iil balse waxaa qabtay nidaamka difaaca hawada ee Israa’iil, inta la ogyahayna midina ma gaarin Tal Aviv.
Iyada oo taas laga jawaabayo, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa waxay weeraro ku qaadeen magaalo takadeedda Xudeyda ee dalka Yemen, kuwaas oo sababay in dab xoog leh uu ka kaco mid ka mid ah goobaha saliidda lagu keydiyo ee ugu muhiimsan dalkaas.