Mareykanka oo rejo ka muujiyay xiriir diblamaasiyadeed oo dhexmara Sacuudiga iyo Israa'iil

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku booriyay Israa’iil iyo Xamaas in ay dhamaystiraan heshiiska Gaza, isaga oo ku adkaysanaya qiimaynta Maraykanka ee ah in heshiis la gaaray oo uu marayo boqolkiiba 90.

Mr Blinken ayaa sheegay in labada dhinac ee Israa'iil iyo Xamaas ay tahay inay aqbalaan arrimaha haray si heshiis xabbad-joojin ah looga gaaro Gaza, isagoo intaas ku daray in Mareykanku uu fikrado badan la wadaagi doono labada dhinac maalmaha soo socda.

"Ku dhawaad ​​90 boqolkiiba heshiiska xabbad joojinta Gaza ayaa lagu heshiiyey, laakiin waxaa jira arrimo muhiim ah oo haray halka ay jiraan daldaloolo, oo ay ku jiraan waxa loogu yeero Philadelphi Corridor ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza ee xadka Masar," ayuu yiri Blinken mar uu ak hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay dalka Haiti.

"Waxaan filayaa in maalmaha soo socda, aan la macaamili doono Israa'iil, Xamas-na ay la macaamili doonaan Qadar iyo Masar, waxay la falgeli doonaan Xamaas, fikradaheenna, saddexdayada, sidii aan u xallin lahayn" arrimaha haray," ayuu yiri Blinken, .

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa dhanka kale carabka ku dhuftay in uu rajeynayo in la sii wado wadahadaladii Sacuudiga iyo Israa'iil ee looga gol lahaa in xiriirkooda lagu caadiyeeyo.

Mr Blinken ayaa tilmaamay in inta ka hartay mudd -xileedka Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ee bisha January uu rajeynayo in la dhammeystiro heshiiska israa'iil iyo sacuudiga.

Rejada laga qabay in xiriirka diblumaasiyadeed ee Sacuudiga iyo Israa'iil bog cusub loo furo ayaa yaraatay tan iyo intii uu bilaabmay dagaalka Qaza.

Rejada wadaxaajoodka Xamas iyo Israa'iil

Aqalka Cad ayaa si adag uga shaqaynaya soo jeedinta hindise cusub oo ku saabsan xabbad-joojin laga sameeyo Gaza, lana sii daayo la haystayaasha Xamaas maalmaha soo socda, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah, laba ka tirsan laamaha ammaanka Masar iyo sarkaal xog ogaal ah.

Labada mas’uul ee Mareykanka ayaa sheegay in hindisaha cusub looga gol leeyahay in lagu xalliyo qodobbada ugu muhiimsan ee la isku mari la’yahay ee sababay ismari-waagii ee wadahadallada ay dhexdhexaadinayeen Mareykanka, Qatar iyo Masar oo doonaya in heshiis laga gaaro colaadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Xamaas. "

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa si gooni gooni ah u sheegay Arbacadii in inta badan heshiiska la isku afgartay, balse wada xaajoodayaashu ay weli isku dayayaan inay xaliyaan labo caqabadood oo waaweyn.

Mas’uulkan ka tirsan maamulka Maraykanka oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa ku micneeyey in labada caqabadood ay yihiin dalabaadka Israa’iil ee ah in ay ciidamadooda ku sii sugnaadaan marinka Philadelphi oo ah meel ka caagan koonfurta Qaza ee xuduudka Masar la wadaagto, iyo aqoonsiga shaqsiyaadka lagu darayo iyo heshiis ah in la haystayaasha Xamaas lagu beddelo maxaabiis ay haysato Israa’iil.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in heshiiska cusub ee qabyada ah la soo bandhigi karo toddobaadka soo socda ama xitaa ka hor, isagoo sheegay: "Waxaa jira dareen ah in waqtigu dhammaaday, ha la yaabin haddii aad aragto qabyo qoraalka dib loo eegay horraanta usbuucan."

Agaasimaha CIA William Burns, oo ah madaxa wada xaajoodka Maraykanka, ayaa ka shaqaynaya diyaarinta hindisaha.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa sheegay, isagoo soo xiganaya ilo-wareedyo, in qiyaasaha la xiriira hindisaha la filayo ee Mareykanka uu ku baaqayo in ciidamada Israa’iil ay ka baxaan aagga u dhexeeya marinka Rafah iyo badda.

Wargeysku waxa uu sharraxay in khariidadaha ay bixiso Israa’iil ay dhigayso in ciidanku ay ku haraan 5 goobood oo ku yaalla Philadelphi.

Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay in wararka sheegaya in Israa'iil ay 90% ku dhowdahay in heshiis laga gaaro Gaza ay yihiin kuwo aan sax ahayn.

Netanyahu ayaa carabka ku adkeeyay in Israa’iil inay qasab ku tahay inay ku celiso la haystayaasha guryahooda, ayna ilaaliso khadka cas ee lagama maarmaanka u ah xaqiijinta ammaankeeda.

Dhankeeda, Xamaas waxa ay sheegtay in aan loo baahnayn hindiseyaal cusub waxa ayna Netanyahu ku eedeeyeen in uu doonayo in uu “kcaqabad ku yahay heshiis la gaaro”.

Xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas Khaliil al-Hayya ayaa sheegay in siyaasadda kordhinta militariga iyo in la sameeyo "xasuuq" dheeraad ah oo lagu sii daayo la haystayaasha iyo maxaabiista si xoog ah "ay caddaatay inay guul darreysatay."

Al-Xayaa waxa uu ugu baaqay maamulka Maraykanka in ay ka tanaasulaan eexdooda indho la’aanta ah iyo taageeradooda Israa'iil, ayna cadaadis dhab ah ku saaraan Netanyahu iyo dawladdiisa, ayna ku waajibiyaan wixii hore loogu heshiiyey.