Muxuu xildhibaan Abiib u sheegay BBC markii la sii daayay?

Xildhibaan Abiib

Xigashada Sawirka, Xildhibaan Abiib

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta laga siidaayay xabsiga Mandheera kadib muddo dhowr todobaad ah oo uu halkaas ku xirnaa.

Xildhibaanka oo qadka taleefanka ugu warramay BBC da markii laga sii daayay xabsiga ayaa xaqiijiyay sii dayntiisa, isaga oo ku sugan banaanka hore ee Xabsiga.

"Waa soo baxay hadda, waan iska fasaxanahay, waa la soo daayay...wali waxaan joogaa magaalada Mandheera", ayuu BBC da u sheegay xildhibaan Abiib, iyada oo laga maqlayo qadka taleefanka ee aan kula hadalnay sharqanta gacamada isgaarsiinta oo ka agyeeraya.

Xildhibaan Abiib ayaa muddo 28 maalmood ah ku xirnaa xabsiga Mandheera ee ku yaalla Somaliland.

Xildhibaanka ayaa la xiray 2 dii bisha Septemper ee sanadkaan xilli uu ka soo dagay garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa, laguna xiray xabsiga magaalada Mandheera.

Xeer ilaalinta Somaliland ayaa xilligaas u soo jeedisay eedeymo ay ka mid ahaayeen "Qaran dumisnimo iyo in uu sumcad dil u geystay ciidamada Somaliland".

Xabsiga

Xigashada Sawirka, Social Media

Dad badan oo ay ka mid yihiin wakiilo ay iskala tirsanaayeen baarlamaanka SOmaliland iyo qoyskiisa ayaa walaac ka muujiyay waqtigii uu ku jiray xabsiga.

Xubin ka mid ah qoyska oo horay ula hadlay BBC da ayaa sheegay in ay ka walaacdsanaayeen in la jirdilay iyo in kale.

“Xaaladdiisa caafimaad kama warbixin karno waxa uu ku sugan yahay, laakiin wararku waxa ay sheegayaan in ay nabarro gaareen oo ay dhibaato gaartay waa ay soo baxayaan, balse anigu wax rasmi ah oo aan sheegi karno ma hayno,’’ ayuu hore u yiri Cabdulqaadir Abiib oo ay walaalo yihiin xildhibaanka oo horay u hadlay BBC da.

Xildhibaanka ayaan wali ka warbixin wixii kula soo kulmay xabsiga.

Baarlamaanka JSL

Xigashada Sawirka, Facebook

Sidee loo soo daayay Abiib?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maanta amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo xildhibaan Abiib oo todobaadyo ku xirnaa xabsiga Mandheera.

Ka hor go'aankaan ayaa golaha wakiiladda Somaliland waxay dacwad u gudbiyeen maxkamadda sare ee Somaliland taariikhdu markii ay ahayd 24 kii bishaan, waxaana sida ay BBC da ay u sheegen ay ka dalbadeen goluhu maxkamadda in ay tafaasiil ka bixiso xariga xubin ka mid ah golahooda.

Maxkamadda oo soo saartay maanta qaraar ka koobnaa ilaa todoba qodob ayaa waxaa ay ku amartay hay'adda amniga in xabsiga si degdeg ah looga siidaayo xildhibaan Maxamed Abiib.

Qaraarka maxkamadda ayaa waxaa lagu yiri: "[Maxkamaddu] waxay qaraarisay in xabsi ku haynta Maxamed Abiib Yuusuf ay tahay sharci darro maadaama Golaha Wakiilada JSL cod aqlabiyad ah ku diideen maamuus ka xayuubintiisa".

Siciid Mire Giirre oo ah gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay dacwad u gudbiyeen maxkamadda Dastuuriga ee Somaliland kadib ay Goluhu yeesheen kulamo ku aadan xasaanadda xildhibaanla, kadibna ay go'aan ka soo saareen.

Waxa uu ugu mahadceliyay maxkamadda in ay qabsatay shaqo muhiim ah oo u taalay.

"Maxkamadu waxay ayid arjigii aynu ku furanay dacwadda oo ahaa in xarigaasi uusan waafaqsanayn dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland", ayuu yiri gudoomiye Mire.

Go'aanka maxkamadda ayaa ah mid laalaya dhamaan eedaymihii loo soo jeediyay xildhibaan Maxamed Abiib.

Somaliland ayaa waxaa la filayaa dhawaan in ay qabsoomaan doorashooyinka madaxtinimo, Abiib ayaana ka mid ah xubnaha firfircoon ee xisbiga uu ka tirsan yahay ee doonaya in ay tartanka u golaab doorashada.