You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Lammanaha Ingiriiska u dhashay ee ay siidaayeen Taalibaan
Qoyska lammaane u dhashay Britain kuwaas oo u xirnaa Taliban ku dhawaad sideed bilood ayaa sheegay in ay aad ugu farxeen sii deynta lammaanaha.
Peter Reynolds oo 80 jir ah iyo xaaskiisa oo 76 jir ah kuwaas oo ku noolaa Afghanistan ku dhawaad 20 sano ayaa jidka laga qabtay 1-dii Feberaayo iyagoo ku socday gurigooda.
Lammaanaha ayaa la sii daayay saakay oo jimca aheyd kaddib markii dowladda Qatar ay dhexdhexaadisay. Hubin caafimaad ayaa la marsiiyay ka hor inta aysan soo aadin UK. Lammaanaha ayaa muddo dheer ku noolaa gobolka Baymiyan ee Afghanistan.
Taliban waxay sheegeen in lammaana ay jabiyeen shuruucda Afghanistan, waxayna sheegeen in la sii daayay markii maxkamad la saaray. Sababta loo xiray lama sheegin.
Qoyskooda waxay sheegeen in ay aheyd "Waqti farxadeed" iyagoo intaas ku daray in ay si weyn ugu mahadcelinayaan qof kasta oo kaalin ka qaatay sii deyntooda.
"Arrintan waxay na xusuusisay awooda diblomaasiyada, fahamka iyo iskaashiga caalamiga," ayey dhaheen qoyska.
Qoyska ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay taageerada weyn ee ay ka heleen dhex dhexaadiyayaasha Qatar iyo sidoo kale dadaalka diblomaasiyadeed ee dowaldda UK iyo taageerada Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.
Peter iyo Barbie Reynolds waxay isku guursadeen Kabul sanadkii 1970-kii iyagoo 18 sano ka shaqeynayay barnaamij gargaar oo Taliban ay ogolaatay markii ay dib u qabsadeen dalka sanadkii 2021-kii.
Sida lagu sii daayay waxay ka dambeysay kaddib bilooyin ay dadaal geliyeen qoyskooda oo ku tilmaamay in xaalad adag ay ku jireen.
Jonathan Reynolds oo ah wilkooda ayaa bishii July sheegay in aabihiis iyo hooyadii ay aad u xanuunsanayaan oo hooyadii ay ka muuqato dhiig la'aan iyo nafaqodarro.
"Aabahey waxaa meel lagula xiray dambiilayaal dilaa ah," ayuu yiri waqtigaas isagoo intaas ku daray in dhulka hoose lagu hayay muddo lix toddobaad ah isagoon wax qorax ah arag.
Gabadhooda, Sarah Entwistle, ayaa hore u sheegtay in aabaheed uu ku soo booday istaroog yar iyadoo Qaramada Midoobayna ay ka digeen hadii aan dawo la siin in ay khatar ugu jiraan waxyeelo aan waxba laga qaban karin.
Lix maalmood ka hor, haweeney u dhalatay Mareykanka oo iyaga la xirneyd, lana sii daayay ayaa BBC-da u sheegtay "xabsiga ayey ku dhimanayaan", "waqtina ma jiro".
Faye Hall oo labo bilood ka hor la sii daayay waxay sheegtay in lammaanahan da'ada ah uu caafimaadkoodu sii xumaanayo.
Mas'uuliyiin Qatar u dhashay ayaa BBC-da u sheegay in Lammaanaha laga soo qaaday xabsiga dhexe ee Kabul lana geeyay mid kale oo ka weyn kana fiican maalmihii ay wadaxaajoodku socdeen.
Mas'uuiyiintu waxay kaloo sheegeen in safaarada Qatar ee Kabul ay siisay dawo iyo dhakhtar iyo sidoo kale in ay la xiriiraan qoyskooda inti ay xabsiga ku jireen.
Madaxda Taliban waxay ogolaadeen in la siiyo dawo inta ay xabsiga ku jireen iyo in la tixgeliyo xuduuqdooda aadanaha.
UK ma aqoonsana dowladda Taliban, waxayna xireen safaaradooda Kabul markii ay qabsadeen xukunka oo caasimada la wareegeen.
Wasaarada arrimaha dibadda UK waxay sheegtaa in taageerada dadka u dhashay Britian ee Afghanistan ay si weyn "u xadidan tahay", waxayna dadka kula talisaa in aan loo safrin dalkaas.
Mas'uul ka tirsan Taliban ayaa sheegay in Peter iyo Barbie Reynolds lagu wareejiyay ergayga gaarka UK u qaabilsan Afghanistan, Richard Lindsay kaas oo la sawiran lammaanaha markii ay diyaarada Dooxa ka soo baxeysay ay soo raacayeen.
Wasiirka Bariga Dhexe u qaabilsan UK, Hamish Falconer, waxa uu sheegay in culeys uu ka dagay kaddib markii la sii daayay lammaanaha, "waxaan sugayaa in ay qoyskooda degdeg ula midoobaan".
Wuxuu sheegay in UK ay si "adag uga shaqeysay" sidii lagu sii deyn lahaa lammaanaha halka dowladda Qatar "ay ka qaadatay kaalin muhiim ah arrintan taas oo abaal weyn aan uga hayno".