Tiradii ugu badneyd ee dalalka Carabta oo u soo baxay Koobka Adduunka, waa kuwee?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qadar iyo Sacuudi Carabiya ayaa u soo baxay Koobka Adduunka 2026 ka dib markii ay ka adkaadeen Imaaraadka Carabta, halka ay barbaro la galeen Ciraaq.

Guulahan ayaa labada dal u saamaxay inay xaqiijiyaan in tartanka koobka aduunka ee ka dhacaya Mareykanka, Mexico iyo Canada ay qeyb ka noqdaan.

Qatar ayaa markii labaad oo xiriir ah u soo baxday Koobka Adduunka, halka Sacuudiga uu markii 7aad ka qeyb geli doono.

Taas beddelkeeda, Imaaraadka iyo Ciraaq waxay galeen ciyaaraha isreebreebka Aasiya si ay u go'aamiyaan kooxda u soo bixi doonta ciyaaraha isreebreebka adduunka.

Labada kooxood ayaa doonaya inay xaqiijiyaan kulankoodii labaad ee tartanka.

Tirada xulalka Carabta ee u soo baxay koobka adduunka ayaa gaaray 7 kooxood, waana tiro aan hore loo arag taariikhda koobka adduunka oo bilaabmay 1930kii.

Xulka Qadar ayaa u soo baxay ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen dhigooda Emirate-ka Carabta ciyaar ka tirsaneyd Play Off-ka.

Garoonka Jassim Bin Hamad ee magaalada Dooxa oo ay martigelinayaan kulammada Group-ka A ee wareegga afaraad, sidoo kalena loo yaqaano Play-off-ka Aasiya, ayaa qeybta hore lagu kala nastay barbaro goolal la'aan ah oo ay labada xul ku kala baxeen.

Laakiin xulka Qadar ayaa si deg deg ah u dhaliyay goolka furitaanka qeybtii labaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay daafacooda Boualem Khoukhi (daqiiqadii 49-aad), Pedro Miguel ayaana hogaanka u sii xoojiyay (74).

Xulka Qadar ayaa ciyaarta ku soo gaba gabeeyay toban ciyaaryahan,kadib markii daqiiqadii 89-aad uu kaarka cas ka qaatay daafaca bedelka kusoo galay ee Tariq Salman,kadib markii dib loo eegay VAR.

Qadar ayaa ku soo baxday kaalinta 1-aad ee Group-ka 4-dhibcood oo ay ka heshay laba kulan oo ay ciyaartay,halka Imaaraadka ay ka heleen 3-dhibcood iyo 1-dhibcood oo ay ka heleen Cuman.

Ciyaaraha is-reeb-reebka koobka aduunka

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Markii ugu horreysay, Qadar, oo heysata Koobka Aasiya, labadii koob ee ugu dambeysay, ayaa u soo baxday Koobka Adduunka, iyadoo u gudubtay isreebreebka, ka dib markii ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee Carbeed ee martigeliya tartankan koobkii aduunka ee 2022.

Kooxdii labaad ee wareegga afraad xulka qaranka Sucuudiga ayaa markii saddexaad oo xiriir ah u soo baxay koobka aduunka markii 7aad ee taariikhdooda, ka dib markii ay barbaro gool la'aan ah la galeen dalkii martida u ahaa ee Ciraaq .

Saudi Arabia ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxday guruubkan iyadoo afar dhibcood ka heshay laba ciyaarood oo ay ciyaartay, waxaana ay kaga horreeyaan Ciraaq oo farqiga goolasha ku jira, halka Indonesia ay weli dhibco la'aan tahay.

Dalalka Carabta ee ila hadda u soo baxay koobka aduunka ayaa kala ah Qadar, Sacuudi Carabiya, Algeria, Morooko, Tunisia,Urdun iyo Masar.