Haweenaydii u horaysay ee xijaabka ku ciyaarta koobka kubadda cagta aduunka

 Nahila Benzina

Xigashada Sawirka, FIFA

Qoraalka sawirka, Nahila Benzina

Gabadha difaaca uga ciyaarta kooxda xulka qaranka kubadda cagta ee dalka Morooko, Nahila Benzina, ayaa noqotay ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ciyaarta tartanka Koobka Adduunka haweenka ee FIFA oo heerkan ah.

Marooko ayaa bilowgii ololahan waxa ay wajahday xulka Jarmalka tartankii ay martigelinayeen dalalka Australia iyo New Zealand, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay guul weyn oo xulka Jarmalku ay shabaqa ku hubsadeen lix gool oo nadiif ah.

Nahila oo 25 jir ah, ayaa u ciyaarta Naadiga Ciidanka Qalabka Sida ee Boqortooyada Morooko, oo ay kula guuleysatay 8 koob horyaalkii ugu horreeyay ee haweenka Morocco.

Nahila waxay bilowday inay la ciyaarto kooxdii ugu horeysay ee haweenka Morooko tan iyo sannadkii 2018, waxayna ciyaartay in ka badan 10 kulan. Waxay sidoo kale hore ula soo ciyaartay xulka qaranka Morooko eeay da’doodu ka yar tahay 17 jirka iyo xulka qaranka ee da’doodu ka yar tahay 20 jirka.

Nahila waxa ay ka soo muuqatay daabacaaddii ugu horeeyay ee Horyaalada Haweenka Afrika sannadkii 2021, waxa ay sidoo kale ka qayb gashay Horyaalka Midowga Woqooyiga Afrika oo ka dhacayey Masar isla sanadkaas, kaas oo Kooxda Haweenka Royal Army oo ay Nahila u ciyaaraysay ay gashay kaalinta saddexaad.

 Nahila Benzina

Xigashada Sawirka, FIFA

Qoraalka sawirka, Nahila Benzina

“Nhila Benzina waxa ay taariikh ka dhigi doontaa Koobka Aduunka ee FIFA ee ka dhacaya Australia iyo New Zealand 2023...Xiddigta Morooko ayaa noqon doonta ciyaartoygii ugu horeeyay ee ka qayb gala tartamadan caalamiga ah iyada oo xiran xijaab,” ayaa lagu yiri qoraal ay FIFA soo dhigtay barteed Twitter-ka, qoraalka oo uu la socday sawirka NahilaBenzina.

Sannadkii 2012-kii, FIFA waxa ay xiriirka kubbada cagta Aasiya siisay muddo tijaabo ah oo laba sano ah, taas oo ciyaartoyda dumarka ah loo ogolaan doono inay madaxa dabooshaan marka ay ka qayb galayaan tartamada caalamiga ah.

Sannadkii 2014-kii, FIFA waxay qaaday xayiraaddii saarnayd daboolashada madaxa ee ciyaartoyda. Labo sano ka dib, Koobka Adduunka Haweenka ee 17 jirrada oo ka dhacay Jordan ayaa noqday markii ugu horeysay oo ciyaartoyda Muslimiinta ay xirtaan xijaabka munaasabad caalami ah oo ay soo qabanqaabisay Xiriirka Kubadda Cagta Aduunka ee FIFA.

Morocco ayaa sidoo kale noqotay xulkii ugu horeeyay ee Carbeed ee u soo baxa koobka adduunka dumarka.

toddobaatan boos ayaa u dhexeeya Morooko iyo Jarmalka ee kala saarista FIFA, xulka qaranka jarmalka ayaa ku jira kaalinta labaad ee aduunka.

Ciyaarta Isniinta ka dib, Morocco ayaa wajihi doonta kooxda qaranka ee Koonfur Kuuriya Axadda oo ku began 30ka bishan Luulyo ka hor kulanka ugu dambeeya ee qaybta H oo ay la ciyaarayaan xulka qaranka Colombia Khamiista oo ku began saddexda bisha inagusoo aaddan ee Agoosto.