Horumar cusub oo laga sameeyay daaweynta kansar xun oo dhiigga ku dhaca

Daweyn mar loo arki jiray jiray gaarista saynis mala-awaal ah ayaa dib u rogtay kansarada dhiigga adag ee aan la dawayn karin ee qaar kamid ah bukaanada sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen dhakhaatiirtu.
Daweynta waxaa qayb ka ah in beddelid sax ah lagu sameeyo DNA-ga unugyada dhiigga cad si loogu beddelo ''dawo nool'' oo la dagaalanta kansarka.
Gabadhii u horaysay ee la daweeyo oo warbixinteeda la tabiyay sanadkii 2022 ayaa weli ah mid aan qabin kansar, waxaana hadda ay naawilaysaa inay noqonto saynisyahanad ku takhasustay kansarka.
Hadda siddeed carruur ah iyo laba qof oo waaweyn oo qaba kansarka daran ee unugyada T ee (lymphoblastic leukaemia) ayaa laga daweeyay, iyada oo saddex meelood laba kamid ah (64%) bukaanada ay hadda ka xoreebeen cudurka.
Unugyada T, ayaa ah ilaaliyaha jirka, kuwaas oo raadiya burburiyana khataraha, laakiin noocan kamidka ah Leukaemia ayaa u kora si xad dhaaf ah.
Kuwa ku jira tijaabada sida daweynta (chemotherapy) iyo beddelka laf-dhabarta ayaa guul daraystay. Marka laga reebo daawada tijaabada ah, xulashada kali ah ee ka hartay ayaa ahayd in dhimashada loo fududeeyo.
''Runtii waxaan u malaynayay in aan dhiman doono oo aanan awoodin in aan koro oo aan sameeyo dhammaan waxyaabaha ay carruurtu xaqa u leeyihiin inay sameeyaan,'' ayay tiri Alyssa Tapley, oo 16 jir ah oo ka soo jeeda Leicester.
Waxa ay ahayd qofkii ugu horreeyay caalamka ee daawada ku qaata cisbitaalka Great Ormond Street Hospital, haatana waxa ay ku raaxaysanaysaa nolosheeda.
Daweyntii kacaanka ahayd ee saddex sano kahor la sameeyay ayaa ku lug lahayd in gebi ahaanba la tirtiro nidaamkeedii difaaca jirka ee hore, dabadeedna mid cusub la kobciyo. Waxa ay ku qaadatay afar bilood isbitaalka, mana awoodin inay aragto walaalkeed si looga hortago in caabuq keeno.
Balse kansarkeedu waxa uu ahaa nooca aan la ogaan karin ee u baahan baaritaano sanadle ah. Alyssa ayaa samaynaysa imtixaan heerarka A-ga ee abaal marinta Duke of Edinburgh, iyada oo isha ku haysa casharada darawalnimada iyo qorshaynta mustaqbalkeeda.
''Waxaan samaynayaa tababar sayniska bayoolajiga, waxaana ku rajo weynahay maalin uun in aan galo cilmi-baarista kansarka dhiigga.'' ayay tiri.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Koox ka tirsan kuleejka Jaamacada London (UCL) iyo isbitaalka Great Ormond Street ayaa adeegsaday tiknaloojiyada loogu magac daray sal-beddelida (base editing).
Salku (base) waa luuqada nolosha. Afarta nooc ayaa kala ah adenine (A), cytosine (C), guanine (G) iyo thymine (T) waana dhismaha saldhiga koodhka hidiasidaha. Sida xarafka alifbeetada oo sita micne. Malaayiinta sal ee DNA-ga waxa ay u qoran yihiin sida buug tilmaamaya oo hagaya jirkeena.
Daraasad lagu daabacay New England Journal of Medicine ayaa soo bandhigtay natiijooyinka 11-ka bukaan ee ugu horeeyay ee lagu daweeyay isbitaalka Great Ormond Street iyo isbitaalka King's College. Waxa ay tusinaysaa sagaal ka mid ah ay gaareen hoos u dhigid suurageliyay inay u gudbaan tallaalka lafta lafdhabarta.
Toddoba ka mid ah ayaa ka xoroobay cudurka muddo u dhexeysa saddex bilood ilaa saddex sano ka dib daaweynta.
Mid ka mid ah khataraha ugu waaweyn ee daaweyntu waa caabuqyada, maaddaama nidaamka difaaca jirka gebi ahaanba la tirtiro inta daaweyntu socoto.
Dr Deborah Yallop oo ah dhakhtar ku takhasusay dhiigga ayaa tiri ''Waxaan aragnay jawaabo aad u wanaagsan oo lagu baabi'inayo kansarka Leukemia oo u muuqatay mid aan la daweyn karin – waa hab aad u awood badan.''
Isaga oo ka faalloonaya cilmi-baarista, Dr Tania Dexter oo ah sarkaal sare oo caafimaad oo ka tirsan hay'adda ku deeqida unugyada (UK stem cell charity) ayaa tiri ''maadaama bukaanadan ay fursad yar oo badbaado ah lahaayeen kahor tijaabada, natiijooyinkan waxa ay keenayaan rajo ah daaweynada noocan ah sii hormari doonaan oo bukaano badan ay heli doonaan.''













