Arrimaha muhiimka ah ee ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Qadar

Xigashada Sawirka, SONNA
Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qadar ayaa kulankoodii ugu horreeyay shalay ku yeeshay magaalada Dooxa ee dalka Qadar.
Dhanka Qadar waxaa shirka uga qeyb galay wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Soltan bin Saad Al-Muraikhi, halka Soomaaliyana uu matalayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Intii kulanku socday, ayay labada dhinac ka wada hadleen xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qadar iyo siyaabaha sare loogu qaadi karo, iyagoo ku heshiiyay dhinacyo kala duwan.
Gabagabada kulanka, ayay Soomaaliya iyo Qadar kala saxiixdeen is af garad ku saabsan is garab istaag labada dhinac ah iyo sidoo kale heshiisyo dhowr ah oo muhiim u ah horumarinta iskaashiga labada dal
Soomaaliya iyo Qadar ayaa guddigan u aasaasay in lagu xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.
Arrimaha ay ku heshiiyeen

Xigashada Sawirka, SONNA
Sida ku xusan is af garadka ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Qadar, waxay isa kaashan doonaan dhinacyo badan, waxaana ka mid ah:
Heshiiska Hiddaha iyo Dhaqanka: Soomaaliya iyo Qadar waxay iska kaashan doonaan xoojinta iskaashiga maktabadaha iyo hay'adaha kaydka taariikhiga ah, abaabulka xafladaha dhaqanka iyo bandhigyada fannaaniinta, gudbinta iyo kobcinta aqoonta farshaxanka iyo dhaqanka, iyo ka qaybgalka bandhigyada buugaagta caalamiga ah ee ay wada qabtaan labada waddan.
Heshiiska Kastamada: Heshiisku wuxuu kor u qaadayaa hirgelinta sharciga kastamka, xakamaynta iyo la dagaallanka dembiyada kastamka, hubinta qiimeynta saxda ah ee canshuuraha iyo kharashyada, ilaalinta habraacyada iyo xeerarka kastamka, iyo la dagaallanka xadgudubyada iyo tahriibinta, iyadoo la tixgelinayo heshiisyada heer gobol iyo caalami.
Heshiiska Dhalinyarada: Heshiisku wuxuu xoojin doonaa iskaashiga iyo is-dhaafsiga ka-qaybgalayaasha ururada dhalinyarada, ka qaybgalka shirarka iyo siminaarada, sahaminta xeryaha dhalinyarada, iyo tababarka maaraynta mashruuca iyo xirfadaha hoggaamineed.
Heshiiska Beeraha: Soomaaliya iyo Qadar waxay iska kaashan doonaan xoojinta wax soo saarka beeraha iyo cuntada, is-dhaafsiga khibradaha iyo xogaha sayniska, abaabulka shirarka iyo siminaarada, isticmaalka teknoolojiyada casriga ah iyo bacriminta.
Heshiisyadan ayay labada dhinac sheegeen "inay astaan u yihiin go'aanka labada dowladood ee ku aaddan xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhinacyada dhaqanka, dhalinyarada, beeraha, iyo kastamka, iyagoo ka tarjumaya himilo wadajir iyo horumar waara."

Xigashada Sawirka, SNTV
Maalmo kahor ayay ahayd markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qadar, halkaas oo uu kaga qeyb-galay Madasha Dooxa ee lagaga arrinsanayo amniga, siyaasadda iyo iskaashiga horumarineed.
Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Hamad International Airport waxaa kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Qadar, iyadoo booqashadiisa ay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee labada dal sida lagu baahiyay warbaahinta dowladda.
Madaxweynaha ayaa intii uu Dooxa ku sugnaa kulamo la qaatay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad iyo madaxda dalkaas oo ay ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo xiriir ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qadar.













