La yaab - Tuugsade leh saddex guri, saddex bajaaj iyo baabuur kaas oo Lacag amaahiya dadka, ka dibna dulsaar saarta

Xigashada Sawirka, Sameer Khan/BBC
Mangi Lal waxa uu kaxeeyee gaari-gacan alwaax ka sameysan, waxaana uu dhabarka ku qaataa boorso, kabahana gacmaha ayuu ku qaataa. Marka la eego waxa uu u egyahay tuugsadayaasha caadiga ah ee magaalada jooga.
Balse markii la aqoonsaday ninkan ka tuugsada suuqa dahabka magaalada Indore, qof kasta yaab iyo fajac ayey ku noqotay.
Waaxda Dowladda ee Horumarinta Haweenka iyo Carruurta ayaa ku mashquulsaneyd olole lagu ciribtirayo tuugsiga, isla markaana mas'uuliyiintu waxay doonayeen in ay caawiyaan Mangi Lal.
Markaas ayaa la ogaaday in Mangi Lal in uu tuugsiga ka helo lacagta Hindiya oo gaareysa 500 ilaa 1,000 Rupe maalintii, balse taasi ma ahayn arrin la yaab leh.
Sarkaal ka tirsan xafiiska, Dinesh Mishra, ayaa sheegay in 17-kii Janaayo uu helay xog sheegaysa in nin bukaan ah uu toddobaad kasta ka tuugsado suuqa dahabka.
Milkiilaha saddex guri iyo hal gaari
Dinesh Mishra wuxuu sheegay in markii uu xog dheeraad ah ka ururiyay ninka, uu ogaaday in tuugsadaha la yiraahdo Mangi Lal uu leeyahay saddex guri oo dhisan.
Mid ka mid ah guryahaas waa saddex dabaq, halka labada kalena ay hal dabaq yihiin. Intaa waxaa dheer, Mangi Lal wuxuu leeyahay saddex mooto-bajaaj, wuxuuna ku safraa Maruti Dzire ah oo ah gaari nooca raaxada oo si weyn looga isticmaalo Hindiya.
Dinesh wuxuu sheegay in Mangi Lal u sheegay in uu tuugsiga bilaabay sannadkii 2021-kii. Wuxuu kaloo sheegay in suuqleyda dahabka uu amaahin jiray lacag taas oo uu saaran jiray dulsaar. Wuxuu sheegay in lacagtaas uu faa'ido ka heli jiray. Daqliga u soo xarooda maalintii wuxuu gaarayay ilaa labo kun oo Rupe.

Xigashada Sawirka, Sameer Khan/BBC
Mangi Lal waxaa loo diray xarun daawo dhaqameed si loogu daaweeyo cudurka baraska, waxaana weli laga ururinayaa macluumaad dheeraad ah si loo fahmo ninkan waxa kale uu qabto.
Sida ay sheegeen mas'uuliyiintu, dowladda ayaa siisay Mangi Lal guri iyadoo kaashaneysa Laanqayrta Cas (Red Cross). Waa nin aan guursan, wuxuuna la nool yahay hooyadiis iyo laba wiil oo ay habaryar u tahay tuulada Shangarh.
Maxay deriska ka sheegeen Mangi Lal?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Shantabai oo ay isku xaafad ku nool yihiin ayaa sheegtay in Mangi Lal uu yahay milkiilaha dhismaha saddexda dabaq ah, uuna tuugsanayay sannado badan.
Markii warbaahinta maxalliga ahi ay booqatay guriga, waxaa la ogaaday in tuugsaduhu ku nool yahay dabaqa hoose ee guriga, isla markaana gurigu leeyahay qaboojiye, telefishan, sariir, foorno, iyo gaaska cuntada lagu karsado.
Tuugsigu waa mamnuuc gudaha magaalada Indore. Maamulka waxay isku dayayaan in dhammaan dadka tuugsada la caawiyo si ay noloshooda dib u dhistaan iyagoo siinaya taageero.
Rupali Jain oo ka shaqeysa xarun lagu dhaqan-celiyo dadka tuugsada oo ku taal magaalada Indore ayaa sheegtay in baraska uu aad u sameeyay Mangli Lal.
"Faraha, lugaha ayuu ka saameeyay baraska, markaas ayuu tuugsiga joojiyay balse dib ayuu markale u bilaabay"
Waxay sheegtay in hay'addoodu ay dhawaan aragtay tuugsato badan oo qoysaskooda oo dhan la tuugsada, kuwaas oo kasbada ilaa 20,000 Rupe maalintii.
Afartii sano ee la soo dhaafay, ku dhawaad 5,500 oo ah dadka tuugsada oo ay ku jiraan 500 carruur ah, ayaa laga joojiyay tuugsiga, laguna daray xarumaha dhaqan-celinta ee magaalada Indore.
Xarumahan dadka ku jira waxaa loo oggol yahay in ay la kulmaan qoysaskooda, balse lama sii daayo ilaa ay si buuxda uga baxaan tuugsiga.
Neeraj Bhargava waa 27 jir balwad leh, waxaa la geeyay mid ka mid ah xarumahaas si dhaqan celin loogu sameeyo oo tuugsiga looga reebo

Xigashada Sawirka, Sameer Khan/BBC
Walaashiis, Anuradha, ayaa BBC laanta afka Hindiga u sheegtay in muuqiisa la garan waayay, balse ay hadda ku faraxsan tahay in ay aragto.
Ravi Yadav waxa uu ka soo jeeda magaalada Indore. Sanad ka hor ayaa la geeyay xarunta dhaqan-celinta, halkaas oo uu ku bartay sameynta sanamyada.
Ravi wuxuu laanta BBC-da ee afka Hindiga u sheegay in uu hadda helo qiyaastii sagaal kun oo Rupe bishii, isla markaana uu doonayo in uu gurigiisa ku laabto marka uu si buuxda u soo kabsado.













