Go'aan naxdin leh oo ay qaadatay haweeney gabdho-dhalis badan lagu dhaliilay

Haweeyney

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haweeney ku nool degmada Vellore ee dalka Hindiya, oo saddex jeer oo xirriir ah dhashay gabdho, ayaa culeys weyn oo joogto ah kala kulantay eheladeeda, qaraabada iyo dadka deegaanka, xaaladdan oo keentay inay sumeyso labo ka tirsan gabdhaheeda iyo isku day dil.

Waxaa ugu dambeyntii geeriyooday carruurteeda, halka iyada keliya ay ka badbaadday suntaas.

Hooyadaas oo la yiraahdo Vasuki (magaca waa la beddelay), ayaa maxkamadda sare ee Madras ku wargelisay, in aysan dilin carruurteeda iyadoo miyir-qabta.

Garsooraha maxkamadda Bharatasakravarthy, waxaa uu go’aansaday in kiiska Vasuki uu u eego iyadoo lagu nool yahay duni casri ah inuu haddana muujinayo inuu weli jiro takoorka ka dhanka ah gabdhaha. Wuxuu sii daayay Vasuki, isagoo aaminsan inay korsan lahayd gabdhaheeda oo ay wax bari lahayd.

Garsoore Bharata Chakraborty ayaa sheegay in Vasuki ay tahay qof wanaagsan. Waxaa uu dhanka xusay in xilli ay sii kordhayaan fursadaha waxbarasho iyo shaqo ee haweenka ay haddana Vasuki ku qasbanaatay in ay disho carruurteeda.

Waxaa uu dhanka kale tusaale u soo qaatay kiis kale oo la xiriira haweeney lagu magacaabo Nallathangala. Gabadhaas ayuu sheegay in ay ahayd haweeney wanaagsan oo uu ninkeedu diiday. Garsooraha ayaa tilmaamay in gabadhaas ay xilligaan ku dhibaatoonayso korinta toddobo carruur ah oo ay dhashay. Ninkeedu wuxuu uga tagay sababo la xiriira saboolnimo.

Hooyo iyo carruurteed

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sheekadeeda

Aniga iyo qoyskaygu waxaan aadnaa shaqo. Ma jiro qof ka tirsan qoyska oo xagga dhaqaalaha iga caawiya. Waxaan ku noolnahay dakhliga aan ka helno shaqooyinkeenna maalinlaha ah ee an qabanno. 

Saddex goor oo xirriir ah ayaan dhalay gabdho. Dadka magaaladeenna ku nool way i aflagaadeynayeen oo aad baa la ii hadal-hayay. Ma arkin qof i dhiirrigeliya.

Waxaan ku curtay gabar, canugga labaad sidoo kale waxay ahayd gabar. Kaddib aad bay iigu adkayd, balse waxaan rajeynayay in canugga saddexaad uu wiil noqon doono, balse ma noqon. 

Garsoor

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, m
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Gabdhaha oo dhan, ilmaha uurka ku jira ha ahaato gabadh ama wiil, waxaad u rajaynaysaa inuu si fudud ku dhasho. Waa waxa aan mar waliba ka fekerayay. Hase ahaatee, waxaan dareemay qalbijab weyn, maalmo kaddib markii aan dhalay canuggii saddexaad. Iyadoo ay sidaas tahay, dad badan oo reer miyi ah oo aan garanayo, waxay igu lahaayeen ‘wax baa kaa qaldan’. 

Marka aad xaamilo tahay, ma go’aamin kartid canugga aad dooneyso inaad dhasho inuu noqdo wiil ama gabar. Haddii gabar ay yeelato uur, waxay yiraahdaan ‘waxaaba dhibaato ah in hab la siiyo’.

Haddii aan runta ka hadlo, ma garanayo sida aan u go'aansaday inaan sumeeyo hooyaday iyo labadayda gabdhood. Waxay ay ila tahay in aanan xilligaas ka war hayn waxa aan sameynayay.

Gabdhaha waayadan ma heystaan qof ilaaliya. Haddii ay gabadhu maalin maalmaha ka mid ah wiil jeclaato, waxay dhibaato ku noqonaysaa qoyska. Haddii sidoo kale ay is disho ama ay siyaabo kale u geeriyooto, ma jiro qof arrinteeda soo faro gashanaya oo tuulada oo dhan way ka gaabsataa.